Ahlu suna wal jamaca prepares for the mawlid in their region
Posted: Sun Feb 21, 2010 11:02 am
Ahlu Sunna Waljamaca Munaasabada Xuska Mowliidka Waanu ka dhigi doona Gobolada Aanu ka arimino Guud ahaana Koonfurta Somaliya 6-bilood ayaanu ku Qabsanaynaa
Posted to the web on Feb 19
S
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaca ayaa waxa ay sheegeen in ay Munaasabad u sameynayaan Xuska Bisha Mowliid iyagoo dhinaca kalana sheegay in ay 6-bilood kula wareegayaan gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.
Hadalkani ayaa waxa uu ka sheegay shir jara’iid oo uu maanta Saxaafada bartamaha Soomaaliya ugu qabtay khadka Taleefoonka madaxa War faafinta Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh C/laahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al Qaadi isagoo sheegay in mudo ku siman 6-bilood ay doonayaan in ay la wareegaan guud ahaan Koofurta Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale Shirkiisa jar’iid ku sheegay maadama lagu guda jiro Bisha Mowliid in dhamaan gobolada iyo deegaanada ay gacanta ku hayaan ay Xuska Nabiga isku mar laga dhigi doono isagoona sheegay in ay gudiyo u saareen si ay u soo agaasimaan Xuska Dhalashada nabigeena Suuban (NNNKH).
Ugu dambeyntii Sheekh C/laahi C/raxmaan Abuu Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in ay ka codsanayaan dhamaan Umadda Islaamka gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed in ay Xuska Nabiga kala qeybqaataan oo ay u diyaar garoobaan sidii dhinacooda uga xusi lahaayeen isagoo sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal ay dadka isku tusayaan qaabka ay u soo bandhigayaan, waxaana uu sheegay in ay Siminaar iyo waliba Isu soo baxyo ay dhigi doonaan si bulshadu ay dareenkooda xiliga la gaaro Xuska Nabiga ay uga qeyb qaataan.
holhol.net
holholnews@hotmail.com