Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraaha Somaliland Mudane, ayaa Xadhiga ka jaray Wareeg Kubada Gacanta ah oo Maanta si rasmi ah uga furmay Garoonka Kubada Gacanta Timacadde ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Ciyaaraha oo Xaflad loo sammeeyay Furitaanka Wareegaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa si wayn ugu Mahad naqay Shirkada Dahabshiil oo iyadu Maal galisay Tartanka isla markaana Sideed Kooxood oo ku tartami doona Wareegan ugu deeqday Garamaanta ay ku ciyaari lahaayeen.
wasiirku waxa uu u soo jeediyay Kooxaha ka qayb galaya tartanku in ay indhaha daawadayaasha soo jiitaan oo ay soo bandhigaan ciyaaro xiiso leh oo ay akhlaaqi ku dheehan tahay, la iskuna hanneeyo oo loo ogolaado cidii ku guulaysata Koobka.
wasiirku waxa uu halkaasi ka balan qaaday in uu dhisi doono qayb ka mid ah Garoonka Timacadde oo duntay ka hor inta aanu wareegani dhammaan. waxa kale oo uu balan qaaday in dhawaan ay gacanta ka qaadi doonaan 15 Garoon oo ku yaala Magaalada Hargeysa dhammaantood leeg Stadium-ka Hargeysa. waxaanu tilmaamay in Garoomadaasi ay dhammaystiri doonaan Bisha March badhtankeeda.
Rashiid Yaaqshid oo ah Madaxa Xidhiidhka Kubadaha Fudud ee Wasaarada Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa si wayn ugu mahad naqay shirkada Dahabshiil. waxaanu xusay in ay Shirkada Dahabshiil ay mar walba Hiil iyo Hooba la garab joogta Dhallinyarada Somaliland Wasaarada Ciyaarahana ay ka caawiso inta badan Hirgalinta Ciyaaraha kala duwan ee ay qabato.
waxa isaguna halkaasi ka hadlay Masuul ka socday Shirkada Dahabshiil oo ammaan u soo jeediyay Wasaarada Ciyaaraha, Waaxda Xidhiidhka Fudud iyo Dhallinyarada inta badan kubada Ciyaarta.
Wareegan oo socon doona Muddo Bil ah waxa ku wada jira Sideed Koooxood oo kala ah:
1.Soomar Trading Company, 2. Jig jiga yar, 3. Macaarif, 4.Kooxda Kubada Gacanta ee Goodir, 5. Sahasco, 6. Hormood, 7.Gaashaan iyo 8. Jaamacada Lucy
Saciid Khaddar Cabdillahi
Gabileynews Reporter
Hargeisa Office
