Sheikh Adan siro in qatar pics

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by The_Emperior5 »

Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Qatar oo xaflad soo dhawayn iyo xog waraysiya ku qaabilay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh Aadan Siiro)



BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND


SDWO (Qatar 22/02/2010) Waxa Xalay oo taariikhdu ahayd 21 Feberuary 2010 ka dhacay magaalada Doha ee Dalka Qatar , Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay Sheekha Caanka ah ee reer Somaliland Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh Aadan Siiro) oo dhawaan socdaal rasmiya ku soo gaadhay magaalada Doha ee Dalka Qatar



Image

Xaflada Xalay oo ay soo Agaasimeen dhalinyarta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Doha , marki sheekhu soo gaadhay Huteelka xafladu ka dhacaysay ayaa waxa mar kaliya la isla oog saday sacab iyo farxad lagu qaabilay Sheekha oo aad loo ga sugayay magaalada Doha dadkuna ay aad ugu farxeen imaatinkiisa.

Image

Bilawgii hore ee xaflada waxa ka hadlay Cumar Xuseen Ducaale oo ku hadlayay magaca Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Qatar , cumar wuxu aad ugu dheeraaday taariikhda sheikh Aadan Siiro iyo kaalinta uu kaga jiro culimada iyo bulshada Soomaalilaand , doorki shariifka ahaa ee uu ka soo qaatay Halgankii dalka lagaga xoreeyey taliskii dhiigya cabka ahaa ee Siyaad Barre iyo kaalinta uu manta kaga jiro Bulshada reer Somaliland , waxa kale oo uu Cumar tilmaamay Kaalintii uu Sheekhu ku lahaa dibu dhiskii dalka oo ilaa maanta aanu ka nasan mar kaliya sidii uu wax u tari lahaa bulshadiisa hadday tahay aqoon iyo wax qabad ba , ugu danbayntii Cumar Xuseen Ducaale wuxu cod baahiyaha si xushmad iyo qadarin leh ugu soo dhaweeyey Caalimka Reer Somaliland Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo ku bilaabay Hadaladisii kalmado ay ka mid yihiin “ Ilahay baa Mahadleh Ilaha (SWT) nimco inoo siiyey Islaamnimada ee inaga dhigay dad muslimiin ah , wuxu sheekhu si guud u salaamay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland sida culimada, odayaasha , aqoon yahanka , dhalin yarada iyo haweenka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan wuxu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Qatar gaar ahaan dhalin yaradii soo qaban qaabisay xafladan quruxda badan , sheekhu wuxu halka ka sheegay sababta uu Dalkan Qatar u yimid in ayna ahayn dan gaara oo uu isagu leeyahay balse ay tahay dan caama oo uu ugu adeegayo shacbiga reer Somaliland wuxu tilmaamay in Islaamnimadu ay tahay in wixi wanaagsan aad ugu adeegto dadkaaga iyo dalkaaga mar kasta iyo goob kasta oo aad joogto , Islaamnimadu waa in naftaada iyo nafta dadka kale aad ku ilaaliso oo aad kaga ilaaliso wixi xun oo dhan , wuxu sheekhu tilmaamay in Somaliland ay tahay wadan jira oo xuduudo sugan leh , Dastuurkiisu ku salaysan yahay Diinta Islaamka , calankeeduna uu ku qoran yahay kalimatul Tawxiid wax ka sareeya aysan jirin.

Image

Sheekh Aadan Siiro oo markii uu hotelka xaflada lagu qabanayay hore ugu arki wayay Calanki Jamhuuiriyada Somaliland ayaa si kaftan ah u yidhi in ayna indhihiisa qaban Calankii Tawxiidku ku xardhanaa ee Jamhuuriyada Somaliland isla markaana uu jeclaan lahaa in goobta la sudho hadalkaasi oo sacad badan ka dhacay aad loogu wada riyaaqay sida wadaniyada leh ee uu u tabayo calankii wadankiisa meel kasta oo uu joogo ( inkastoo dad badan ay xidhnaayeen shaadhadh iyo garamo calanka Somaliland ah ) , waxa si cag fudud u dhaqaaqay qaban qaabiyaashi xaflada oo goobta soo sudhay calankii isla markana luqunta u sudhay sheikha Calanka Jamhuuriyada Soomalilaand halkaas oo marki calanka luqunta loo sudhay uu aad ugu duceeyey bulshada reer Somaliland.

Image


Qudbadii sheekha oo dhinacyo badan taabanaysay waxa sheekhu ku nuux nuuxsaday in Somaliland u baahan tahay isbedel , isbedelkaasi oo ah mid ku dhisan xigmad iyo caqli oo ah in nolosha bulshada halkan hore looga si dhaqaajiyo, wuxu sheekhu tilmaanay in Islaamku ogol yahay Isbedel ku dhisan xigmad , shareecada Islaamka in lagu xukumo wadankana uu ku baaqayo si gradually ah oo xigmad iyo aqoon ku dhisan , isagoo si faahfaahinaya isbedelku noocu yahayna wuxu yidhi ,” Wixi hore wax ka yar in la keeno islaamku ma ogola ,wixi hore wax ka sii liita in la keeno Islaamku ma ogola ,wixi wax la mid ah Islaamku ma ogola , wixi wax ka wanaagsan ayuu islaamku ina farayaaa oo kaliya “ , – sheekhu wuxu ku dheeraaday nimcada reer Somaliland haystaan oo ay ugu horayso Nabada iyo Khayraadka dihin ee wadanku leeyahay , mar uu ka hadlayay Nabada wuxu yidhi “Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland wakhtiga aad doonto ayaad socon kartaa adigoo Ilahay moyee cid kale aan ka cabsoonayn” waxay tani muujinaysaa heerka nabada ee aynu haysano oo ay tahay in Ilahay loogu mahad naqo markaad bar bardhigo dhibaatooyinki wadankan soo maray oo ay jirtay wakhtiyada qaar in labada duhurnimo la xaroon jiray cabsi darted.


Image

Sheekhu waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday , Xoriyada diinta Islaamka ee ka jirta Somaliland oo ku tilmaamay in ayna ka jirin wadamo badan oo waa wayn oo Islaam ah , wuxu tusaale u soo qaatay waagii sideetameeyadii isagoo Hargeysa Cashar tafsiir ah ka dhigaya in loogu hanjabay marar badan in la dili doono haddii aanu joojin duruuska Islaamiga ah ee uu wado , maantana ay ka dhisan yihiin in ka badan 380 Masjid oo 28 cashar oo tafsiira ahi ka socdaan magaalada Hargeysa oo kaliya maxaad u malayn magaalooyinka kale ee Somaliland , Waxa Dugsiyada Islaamiga ah oo kaliya ku jira 120,000 oo arday oo 60.000 oo hablood oo xijaabani ay ku jiraan , waxa jooga in ka badan 30,000 oo qof oo xufaada waa nimcooyinka Ilahay in loogu mahad naqo ay tahay manay suurto gasheen la’aanteed haddii aanay amni iyo dawladnimo ka jirin Somaliland.

Sheekhu mar uu ka hadlayay , baahida wadanka taal waxa ka mid ah biyo la’aanta Hargeysa oo uu ku tilmaamay in si dag dag ah wax looga qabto “ Magaalada Hargeysa oo caasimadi Somaliland ah waxa biyaha u soo qaada laba pipe oo duugoobay oo u baahan in la badalo , caasimada oo hadda ay ku nool yihiin 1.5 Million qof kuma filna in laba bayb oo duugoobay biyaha u soo qaadaan.wakhtigi la dhisay , dadka manta magaalada ku nool na ay ka badan yihiin dadki ku noolaa wakhtigii la galiyey biyaha magaalada Hargeysa.



Sheekhu wuxu kula dardaarmay Bulshada reer Somaliland ee qurbaha ku nool in ayna Iloobin wadankoodi oo ay tahay halka kaliya ee ay sharaf tooda iyo karaamadoodu taalo , wuxu ku waaniyay bulshada inay diintooda iyo wadankoodaba ilaashadaan kuna dadaalaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen meelkasta oo ay joogaan.



Qudbada sheekha oo aad u dheerayd socotayna in ka badan laba saacadood , ka dib waxa la guda galay in hadalka lagu wareejiyo xubno ka mid ah Jaaliyada Reer Somaliland ee Qatar waxana halka ka hadlay Yuusuf Maxamed Faarax ( Buux) iyo Axmed Bare oo ku Hambalyey sheekha booqashada uu ku yimid Dalka Qatar iyo qudbada qiimaha badan ee uu halkaa ka jeediyey sidoo kalena tilmaamay geesinimada sheekha iyo wax qabadkiisa tirada badan.



Ka dib waxa la guda galay in suaalo dhawr ah uu sheekhu halkaa kaga jawaabay dhamaantood si farxad iyo qaneeco leh uu uga jawaabay , su’aal ka mid ahayd suaalaha xiisaha leh ayaa waxay ahayd in Somaliland xidhidh la samaysan karto Israil iyo inkale wuxu sheekhu kaga jawaabay “ Maadama oo Somaliland tahay Dal Muslim ah in ayna banaanayn in xidhidh lala samaysto Israil inta ay haysato dhulka Muslimiinta” Somaliland na sida dastuurka ku qoran ee ku cad ilaa Charter ki ururka SNM ee dalkan xoreeyey, shirarkii nabadaynta ee kala duwanaa ee dalka ka dhacay mid walba waxa sal u ahaa in wixi Diinta Islaamka ka hor imanaya ayna banaanayn.



Waxa kale oo suaalaha sheekha la waydiiyey , ka mid ahaa midnimada umada Muslimiinta ah ?? , waxaanu ku tilmaamay in midnimada umada muslimiinta ahi ay tahay waajib la ina faray , laakiin ay jirto duruufo badan oo ay ka mid tahay maalinta 57 ka dawladood ee Islaamku ay midoobaan haddii Somaliland ka hadho ay qaldan tahay , wakhtiga aynu maanta joogno maadama oo ayna rajadasi muuqan in nin walba gurigiisa hagaajisto ayaa waajibku yahay.



Gabo gabadii , xaflada waxa sheekha lala boobay salaan iyo mucaanaqo uu qof walba is leeyahay sheekha yaanu kaaga horayn , waxaana xaflada ka muuqatay gacal siyaado ah oo loo qabay Sheekh Aadan siiro oo ah sheikh muujiyey Wadaniyad iyo wax qaban joogto ah ilaa yaraantiisiina ku can baxay firfircooni iyo inu u adeego danta umada markasta , Ilahay ha ka Abaal mariyo wanaaga uu bulshada mar walba ka dhex wado Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Aadan Siiro) cimrigana ha u siyaadiyo.

Image



By.

Maxamed Dubbe , Doha Qatar

mohamedkhadar@msn.com
Sanbalolshe
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 537
Joined: Mon Oct 19, 2009 9:47 pm

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by Sanbalolshe »

Lol, some wadad this guy is. He is got big beard and the s/land flag is over his shoulders, what a fake ass :lol: . Mise waa HA tolow iyagaa diinta iyo qabyaalada isku daree?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by The_Emperior5 »

Sanbalolshe wrote:Lol, some wadad this guy is. He is got big beard and the s/land flag is over his shoulders, what a fake ass :lol: . Mise waa HA tolow iyagaa diinta iyo qabyaalada isku daree?

wadaadku soo dall uma dhalan ma waxad aragtay wadaad bila waddan ah ?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by The_Emperior5 »

Aadn Siiro oo Qabiilkiisii la tegay Qatar News/Articles

>Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee



Ninka aadka looga jecel yahay Gobolada Waqooyi ,ayna ugu yeeraan Sheekh adan Siiro ayaa xaflad uu ku qabanayey qatar,intuuna quraanka akhriyin dadka waydiiyey Calankii Somaliland oo sida uu sheegay indhihiisu qaban.



Mooryaankan oo ah nin aad u aaminsan Qabyaalada ayaa salaadaha Jimce wuxuu ku bilaabaa kuna dhameeyaa cayda Marxuumkii Soomaaliya Madaxweynaha ka ahaan jiray Allah ha u naxariistee Maxamed Siiaad Bare.



Xafladii Shalay lacagta loogu ururinayey Ciidanka SNM oo lagu qabtay Doxa ayaa Mooryaankani ka sheegay isaga oo kaftan ka dhigaya in "ayna Indhihiisu qabanayn Calankii Somaliland(Calankii Reer Seekh Isxaaq).



Xafladii ayaa la hakiyey intii laga keenayey Calankii Reerka oo Ninka ay Sheekha ugu yeeraan uu aad u jecel yahay Masaajidada uu ka akhriyo khudbadana uu u suran yahay.



Ninkan ayaa ah mid sidoo kale ka shaqaysta xalwada oo leh dukaan xalwadeed.



Xili aan fogayn isaga oo eedaynaya Riyaale wuxuu sheegay inuu aamusiyey Idaacadihii caruurta Mujaahidiinta oo Dalka keenay Idacado kale.



Dalka Qatar ayey ku nool yihiin Jaaliyada ugu badan oo ka soo jeeda Gobolada waqooyi oo u ololaysa inay xiriir la samaystaan Yahuuda.



Siiro oo la waydiiyey midowga Islaamka wuxuu sheegay inay hada yihiin 57 ayna sugayaan somaliland ay ku noqota 58 Dal



Ugu danbayntii Siiro ayaa ah nin nacalada Madaxdii Daaroodka, isaga oo haba yaraatee aan wax ka sheegin kuwa Dirta waqooyi oo kula nool Magaalada



Allsanaag.com




From the jeberti sources :lol: What they think of the Sheikh
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by LobsterUnit »

Sanbalolshe wrote:Lol, some wadad this guy is. He is got big beard and the s/land flag is over his shoulders, what a fake ass :lol: . Mise waa HA tolow iyagaa diinta iyo qabyaalada isku daree?
He's a wadaad who calls to nationalism and somalilandnimo.
:down:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by abdikarim86 »

GaajoUnit wrote:
Sanbalolshe wrote:Lol, some wadad this guy is. He is got big beard and the s/land flag is over his shoulders, what a fake ass :lol: . Mise waa HA tolow iyagaa diinta iyo qabyaalada isku daree?
He's a wadaad who calls to nationalism and somalilandnimo.
:down:
tii xaaraanta kugu dhashay was :arrow:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by The_Emperior5 »

^^ :lol: :lol: :lol:
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by Dhaga Bacayl »

Sanbalolshe wrote: what a fake ass :lol: . Mise waa HA tolow iyagaa diinta iyo qabyaalada isku daree?

How the fuck is that a qabyaalad? He's a proud lander and patriotic at best who happens to be a religious and knowledgeable individual.
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by LobsterUnit »

abdikarim; you really hurt my feelings,boy. :clap:

you think mothers insults which belong way back in the school playground are going to stop me from speaking truth? :mrgreen:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by abdikarim86 »

GaajoUnit wrote:abdikarim; you really hurt my feelings,boy. :clap:
glad to be of service ...dhilayahay sara jooga lagu dhaley :arrow: :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by The_Emperior5 »

glad to be of service ...dhilayahay sara jooga lagu dhaley

abdikarim wax aan ku sheego inadeer Babygu marku dhasho love maha wali.Wa dhaqan ay barrato markay yara korto Markasa hoosta laga fallay oo ay faraha ka dayn laadahay 8-)
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by LobsterUnit »

He's a wadaad who calls to nationalism and somalilandnimo

Quoting it again for the little girl that is throwing tantrums. OOOPS, i shouldn't insult girls and compare them to this thing. :arrow:

emperiror, waxan mada barey inanka? :mrgreen:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by abdikarim86 »

a wadaad calling for somalilandimo is a blessing
would you rather he called for faqashnimo/terrorism :lol:
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by LobsterUnit »

abdikarim86 wrote:a wadaad somalilandimo is a blessing
would you rather he called for faqashnimo/terrorism :lol:
Nah, i would rather he would call to Islam, not regionalism between Muslims and licking the thrones of leaders who sell women and children to kufar and worship democracy. :down: In any case, Imam Ahmad "Gurey" Godane is coming back for him and his likes :mrgreen:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Sheikh Adan siro in qatar pics

Post by abdikarim86 »

GaajoUnit wrote:
abdikarim86 wrote:a wadaad somalilandimo is a blessing
would you rather he called for faqashnimo/terrorism :lol:
Nah, i would rather he would call to Islam, not regionalism between Muslims and licking the thrones of leaders who sell women and children to kufar and worship democracy. :down: In any case, Imam Ahmad "Gurey" Godane is coming back for him and his likes :mrgreen:
lol @ you pretending to care about somali/muslim unity :arrow:
coming from a guy who worships afweyne ... :lol:

wtf do you mean by "worshipping democracy" ...ma waxaad diidan tahay
peoples god given right to choose their leaders?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”