No More Isha Baydhabo
Posted: Tue Feb 23, 2010 6:33 pm
Now its Abu Muscab Al-Zarqawi Baydhabo, like wtf. They changed all the xaafad names
Maamulka Gobollada Bay iyo Bakool ee Xarakada Al-Shabaab oo qaar ka mid ah xaafadaha Baydhabo magacyada ka badalay, kuna kordhiyay xaafado cusub
Talaado 23, Feb 2010 (HOL) Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay magacyadii ka badaleen xaafadaha degmada Baydhabo ay ka kooban tahay iyagoo sidoo kale ku kordhiyay xaafado cusub.
Afartii xaafadood ee degmada Baydhabo ay ka koobnayd ayaa waxaa laga badlaay magacyadii iyadoo loo bixiyay magacyo cusub, waxaana lagu kordhiyay saddex xaafadood kuwaasoo iyagana loo bixiyay magacyo kale.
Xaafadda Mursal ayaa waxaa loo bixiyay Bukhaari; Xaafadda Isha ayaa waxaa loo bixiyay Abuu-Muscab Al-Zarqaawi; Xaafadda Bardaale ayaa waxaa loo bixiyay Axmed Gurey iyadoo xaafadda Horseed loo bixiyay Salaaxuddiin Al-Ayuubi.
Saddexda xaafadood ee cusub oo lagu kordhiyay xaafadaha degmada Baydhabo ayaa waxay iyaguna kala yihiin: Xaafadda Abuu-Jamaal, Xaafadda Imaamu Shaafici iyo Xaafadda Towfiiq.
Mas'uul u hadlay maamulka Degmada Baydhabo ee Xarrakatul Shaabab ayaa xusay in xaaafadaha ay u bixiyeen magacyo ka wanaagsan kuwii hore ee ay lahaan jireen, ayna ku magacaabeen dad la yaqaan oo Muslimiin ah.
Sheekh Cabdinuur Cali Xaaji oo ah guddoomiyaha Xaafadda Abuu-Muscab Al-Zarqaawi ayaa sheegay in howshan ay xigi doonto inay wax ka qabtaan nadaafadda xaafadahan, ayna sidoo kale dib u soo celiyaa bilicdooda.
Magaalada Baydhabo ayaa waxay noqonaysaa degmadii ugu horreysay oo ay gacanta ku hayaan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo xaafadaheeda laga badalo magacyada, loona bixiyo magacyo kale.
http://hiiraan.com/news/2010/Feb/warark ... 3-9031.htm