Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal By Faarax Geydh
Guurkii iyo is af-garadkii dhiigu ku qubtay
Qisadani akhristoow waxey ku saabsantahay rag caan ah oo soomalida ku magac bixiyay, Abwaano iyo Talis xukumona isugu jira.Qisadani waxey ka bilaabatay Raage Ugaas iyo Nin uu gabadh ka doonay oo reer jigjiga ah, kadibse dad badan aafeysay.
Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka sasabane ee ogaadeeniya, kana tirsan gobolka jarareed ee xarunta utahay Dhagax-Buur. Raage Ugaas wuxuu kasoo jeedaa qoys talin jiray oo ugaasyo ahaa badankood, aabihii Waa Ugaas Warfaa Faarax Samatar, Raage waxaa kor uga weynaa Walaalkii Xuseen oo isna Ugaas noqday.
Raage isagoo quwad qabiil, talis, iyo abwaanimo magac-dheer isugu darmatay ayuu qoodhsaday oo uu guur doontay. Wuxuu ilaalada kolba meel mariyaba, waxaa lasoo sheegay gabadh qurux badani inay jirta oo faadumo nuur la yidhaahdo oo reer jigjiga ah, oo iyada laftigeedu qoys garaado iyo quwadba leh ah. Raage reerkii buu dhowr jeer tagay, si caadi ah isagoon danihiisa sheegan, ileen reerku ab iyo oodna midna makala foga, oo wax shaki ma beerin booqashada raage ugaas.
Raage dhowrkii jeer ee uu tagay soona hubsaday quruxda gabadha iyo asluubta ilaahay u dhameystiray, Jacayl ayaa qaaday hami guur.Gabayadii uu gabadha kula hadlay waagaas, hadaan mid kasoo qaadno waxaa ka mid ahaa,Gabaygani wuxuu cajiib ku yahay isagoon gabadha haa iyo maya midna ka heysan, ayuu raage isu badiyay dhankii mayada oo uu ka dhigayaa in gabadhu diiday, si uu ugu beer laxowsado, oo kolkaa intey naxdo ay haa u tidhaahdo durbaba.
Alayl dhexe illayskii imaray ababa'daan mooday.
Ma Ugaaso nuur baa qalbiga waanka oogsadaye.
Ina abtaay nin aragaaaga jecel kuuna iman waayay.
Oo eed sokeeyiyo kabaqay uubatiyo qaylo
Oo oodi kaga meersantahay Aqalka aad joogto.
Arin sidaad ukala laasataan adi uun baa og.
Geeluba ugaasooy hadduu ayda miranaayo
Abeertiisa naaxdiiyo hadduu aaranku is waayo
Isaguba makala aamuusa waa isu olo-laaye
Hadaan ina adeereey ku idhi soo ma urugootid
Waan kugu adkeeyaye haddaad iga ajiibeyso
Ogoobay aduunyada ma jiro edeb wax dhaamaaye
Raage jacaylkii qaaday iyo gabaygan oo dadkii ka dhawaa aga-gaarkaas deegaanku ahaa oo faafayba, waxey ku kaliftay inuu gabadha doonto. Xulufada raacday ee gabadha la doontay waxaa ka mid ahaa, Aw Muxumed Salal, Ugaas Xuseen, Aw Cumar, iyo Xirsi-Jabane Faarax-Cade.
Qaabkii guurka loo soo mari jiray iyo arimihii la is dhaafsan jiray oo dhan baa la isku af-gartay, Hadalna idinkuma deeqsiin karee, maaban idiin soo bandhigo Gabay muujinaya oo sawir wanaagsan ka bixinaya Guurka qurxoon, Waxaana tirshay geerarshihii weynaa ee la odhan jiray Weerar Bulxan Yuusuf, muddo isla beryahaas ku dhow. Wuxuu Yidhi Weerar Bulxan:
Adoo dooba reer wacan hadaad doonto gabadhooda
Dalaaqaha hadii lagu xidhiyo meherka diinteena
Sida dowga dhaqankeenu yahay yarad hadaad deeqdo
Ood dalawa geel iyo fardiyo duunyo badan dhiibto
Todobaadka horre waa duciyo dadabgal kaagi dheh
Sawirkaas korre ee Weerar Bulxan ina siin hayo, Ayuunbeynu ku tilmaami karaa qisada dhex martay Raage Ugaas iyo Qoladii uu Gabadha ka doontay. Waxaasa lagu xukumay Sadex xujood, oo Gabadha aabaheed ku xujeystay Raage Ugaas. Sadexdaas xujo waxaa ka mid ahaa, Faras Gallaalan, Ugxan Goroyo, iyo Ilig Maroodi.
Raage arintaas sahashayoo, howraarsan buu yidhi, dib buuna isu soo majiiray,Tashiga uu ku soo tegeyn yahay, hadii sadexdaas xujo soo furo, Inuu gabadha la wareegi dooni,wakhtiga uusoo sheegto isagu. Ugxan goroyo leh, oo geyigaas Ogaadeeniya aad ugu badnaa,Ilig maroodina lehel oo Wakhtigu wuxuu ku aadanyahay 1850-60'kii, oo Ingiriis iyo Xabashi midna ma xaalufinin, oo Ugaadhi waa tubantahay. Faraskii Galaalnaa ayaa la waayay, Faras Gallaalan hadaan idiin macneeyno, waa Faras Madow, Midab dhiin ahna ku jiro,Kobta sanqaroorka ahna Bar-cad ku leh.
Raage Ugaas wakhti dheer bay ku qaadatay iyo socoto dheer, iyo Kolba reer marti iyo meejii lagu sheegaba geyiga soomaaliyeed. Markii dambe ayaa lasoo sheegay in Faras Gallaalan uu heysto nin majeerteen ah oo ka talin jiray dhul xeebeedka korre, lana odhan jiray Boqor Maxamuud Yuusuf (Xaawade), Oo Boqor Cismaan Aabihii ah.
Raage Ugaas isagoon cidna la tashan ayuu dhaqaaqay, Safar dheerna usoo galay inuu ninkaas is arkaan. Sida loo badanyahay oo dadka suugaanta iyo taariikhda uruursha, Iyo qoyskii qisadani ku saabsaneyda, waxaa la isku raacay in Raage kolkuu reerka uyimid, uu iska dhigay nin dhaan-dhaaman oo maskax-dhiman ah.
Soomaalidu isuma gudbi jirin, oo Raage Ugaas inkastuu magac-dheeraa oo gabayadiisa la wada hayay, laguna halqabsan jiray oo hadalka maalinta madasha la joogo,lagu toosan jiray halku-dhagyadiisii. Hadana fursad buu u helay in qoyskii uu booqday ayna muuqaalkiisa garan.
Raage in maalmo ah ayuu reerka joogay, isagoo la leeyahay, Nin waalan oo dheer oo qurux badan baa inagaga yimid dhankaas galbeedka,Wuxuu udhukubaaba, maalintii dambe ayuu arkay Boqor Xaawade oo beeshiisa majerten shir u qabanaya meel geed hoostii ah. Faraskiina wuxuu ku xidhanyahay meel geedka inyar u jirta oo gabadh uu boqorku dhalay baa la joogta oo yar, raage intuu talaabo haldhaa qaaday buu faraska geedkii ka furay, kuna booday oo la fakaday.
Boqor Maxamuud Xaawade yaa intuu sheeda ka eegay faraskii oo sii boodhinaya yidhi, Walee Ninkaasi ma waala oo siduu fardo fuul uyahay baan arkaaye, War jiraase cakaara. Waa maalinta ay maah-maahdu baxeyso, Cakaarana waxey aheyd tuulo aad xadaaro badan oo boqorka hoos iman jirtay.
Raage Ugaas isagoo wada faraskii galaalnaa, yuu soo istaajiyay sabada Sasabane,gabayna wuu ka tirshay ay niman uruursan uu kala hadlayay, iyo faraskuu kasoo dhacay Maxamuud Saleebaan iyo Iyo In jidwaaq loo wada xoolahan, Wuxuu kale sheegayaa inuusan Raage aheyn nin gacan adag oo bixin haya, wixii la weydiisataba, siduu dooni haku keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas:
Faraskan shisheeyaha iyo u galay shuunka maxamuuda
Faraskaan markii laga shakiyay laba shanaad siistay
Faraskan sharabihiisii ku daray sidigtii dhool shaaxin
Waa shay mug le bagaan Jidwaaq ku shakamadeeyay
Nimankaad shaxayseen bagaan sharad ku beeneeyay
Shukrina waxan u naqayaa inaan shiqib ku weynaanin
Raage Ugaas waxaa ukaamil noqday sadexdii xujo, oo maalinkaas gacantiisa ilaahay wada gashay, wakhti dheerse ku lumay, Ugxan Goroyo, Faras Gallaan, Ilig Maroodi. Raage intuu soo maqnaa ee uu arimahan lagu xujeeyay raadintooda jirayba, waxaa reerkii gabadhu joogtay ku dul wareegahayay Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiil-Waal).
Garaad Faarax Wuxuu ahaa Boqor ka talin jiray Galbeedka Ogaadeeniya, Aadna caan u ah oo lagu bartay Xujooyin Maldahan iyo fiiro-dheer, Qabiil Quwad lehna dhex taagnaa. Garaad Faarax oo gabadha isna arkooday, aanse ogeyn in gabadhu doonantahay, ayaa dhowr jeer gabadha aabaheed weydiistay, wadaadkii baa ku jawaabay gabadhu waa doonatahay.
Garaad Faarax baa yidhi oo qolomey udoonantahay, Ninkeyse udoonantahay, Wadaadkii baa ku jawaabay, Gabadha waxaa ka xoola baxshay Nin Reer Ugaas Samatar,Oo Reer Ugaas Xirsi ah, oo Raage Ugaas ah. Garaad Faarax markuu maqlay in ninka gabadha doontay yahay Raage, horayna uga dhaxeysa halgaad-maanso iyo is af dhaaf,ayuu damac labaad oo waalan sii galay. Raage Ugaasna aad buu ugu raagay xujooyinkii loo diray, inkastoo oo uu ku guuleystay keenistoodii, hadana wakhti bay ku qaadatay, Garaad Faarax si uu yeelayba alla inaga oge, Wadaadkii intuu tiigsaday raage, Ayuu Gabadhii siiyay Garaadka.
Gabadhu inkastooyna ku qanacsaneyn guurka qasabka ah ee la siiyay garaad faarax, oo ay wali hamigeedu jiray Raage Ugaas iyo wada sheekeysigoodii horre, hadana hadalkii wadaadka unbay noqotoyoo, gabadha la guuri. Raage ayaa reerkii yimid, isagoo arimihii loo diray wada,gabadhii uu socdayna degantahay reerka oo dhowr biloodba la qabo, garaad faaraxna ku yahay inan layaal.
Raage buulkii u horeeyay ee uu fooda soo gashay baa noqday kii gabadha, Biyo isiiya buu yidhi, Gabadhiina garatay ninkuu yahay oo way aqoonsatay, Raagena aqoonsay, Laakiin la isma wareysan, oo raage wali waa war-moog, Gabadhase wadnahaa loo dhaafay naxdin iyo argagax.
Raage oo geed fadhiya oo biyihii cabaya, Ayeey gabadhii intey orod balaw tidhi aabaheed keentay, Wadaadkii baa ugu tagay raage geedkii. Kobtii baa la isku wareystay oo lagu kala war qaatay, Raage intuu cabaar aamusnaa, Marna istaagay, Marna fadhiistay, amakaag iyo fajac awgii, ayuu gabaygan marshay oo soomaali oo dhan ku caan baxay. Gabaygan wuxuu ina tusayaa, Umuurtan weyn ee lasoo gudboonaatay iyo dhibkuu soo maray, iyo sida uu rajeynayo inay wax isu badaleen, aama dhiig ha udaato ama si kale halagu keene. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Uraxmee.
Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye
Aroos Uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Amba Qaadka geediga kobtaan awrka marinaayo
orod kulama boodiyo anoo soo argaagaxaye
Ilaalada halkaan ka arda dhigi waan odorosaaye
Nin walaalkii Ugaas yahoo eedday baan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho
Hadii Tixdaas uu tiriyay Raage Ugaas, Wadaadkii intuu is garan waayay wuxuu ku hadlo, Ayuu Yidhi, Gabadha ka yar baan ku siine, Gabayga kobtaa ku jooji raagow. Raagena yeel oo gabadhii ka yareed baa la siiyay, Walise qalbigiisu min weyntii buu la jiraa uu dhibaatada usoo maray, ee uu xeebta salkeeda uga soo qaaday faraska. Raage isla qoyskii ayuu isna ku noqday inan layaal, Garaad Faaraxna waa inan layaal, oo labadii gabdhood baa lakala qabaa.
Garaad Faarax oo tixda Raage ugaas ee Hub uruursiga ah maqlay ayaa si kibir ah ugu yidhi gabadhuu qaabay, Naa ani iyo raage geedkaas baanu kusoo shixiye, intaad si fiican usoo labisato, Ta kaa yar ee raage la siiyayna soo kaxee, oo qolqolka nagu soo dul mara Shaxdii iyadoo la jeexday,oo caadi loo ciyaarahayo, Raagase shafkiisu guuxayo cadho owgeed, ayeey labadii gabdhood soo dul mareen oo mida weyni aad ulabi santahay. Raage Ugaas baa aad il-qoodhka ula raacay, Garaad Faaraxna waa intuu rabaye, Raage Ugaas intuu ciil isla garan waayay ayuu tixdan bilaabay, labada dhinacna la is daba marsaday tixdo sababi doona dhiig daadashadii.
Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde
sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye
Kannaan dagay ....................
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli'i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay....................

Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato
Kannaan dagay..................
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin
Kanaan dagay...................
Raage Ugaas Warfaa:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kanaan dagay....................
Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay...................
Raage Ugaas Warfaa:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
Raage oo kusoo gunaanaday "Mala Qoonsanayaa haduu rubada ka qaado" iyo tooridii oo uu dhuunta ka gashay Garaad Faarax ayaa is raacay, Sidaas ayuuna Garaadkii ku dhintay. Raage Gabadhii weyned ee uu horey u caashaqay ayuu faraskiisii weehad ahaa soo saartay, lana soo dhaqaajiyay. Gabayadii uu dib udiray iyo farimihii waxaa ka mid ahaa, hadan wax kasoo qaadano:
Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!
Raage Ugaas isagoo gabadhii la aqal galay, Colaadna jirto labadii qoys udhaxeysa, Ayaa amar ilaahay , Libaax qaaday gabadhii, kobtiina ku geeryootay Allaha Unaxariistee. Raage Ugaasna wuxuu ka marshay Gabaygan Muruguda miidhan ah ee isna caanka ah, ee uu sheegan hayo in gabadh midaa udhiganta uusan waligiiba heli doonin:
Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama koox ardo ahoo quraan kaadibka u toostay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuuniyay miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
Maantana kataankii miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah meel dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?
Kun iyo kow kurtood dumar hadii laysu wada keeno
kolna waxaana heli hayn haween faadumoo kale'e
Muddo aan xiligaas ka fogayn ayaa Raage Ugaas lagu dilay Dagaal ay Jidwaaq soo qaaday, Khaasatan Abasguul oo aarsi ah, Wuxuuna ku aasanyahay Meel Magaalada Fiiq inyar ka xigta Galbeed, Allaha Unaxariistee.
--------------------------------------------
Uruuriyaha Qisadan Faarax Geeydh
Faaraxgeeydh@hotmail.com
faarax-caytame maadiga qoray sheekadan

Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
kibirka waa lagu kufaa
walaahi wiilwaal way la go'day wuuna ku tegay
walaahi wiilwaal way la go'day wuuna ku tegay
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
haa waa mah-maahi ahay nin iswaalaba waabiya helakoohi wrote:kibirka waa lagu kufaa
walaahi wiilwaal way la go'day wuuna ku tegay
Abti nin somaliya oo taliya oo ka
caqlibadnaa aderkaa(UGAAS NUUR ROOBLE) ma arak
Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay
Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey
Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey
Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay
Weji dabacsan daymaan dareen, galin dubaaqiisa
Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso
Qosol dibadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda
Kanaan degey kanaan doorka biday, kani dan baan moodey
Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigo maalintuu, degelka soo saaro
Intiiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho
Isagoon dareen qabin maxaaan, kaga dayaansiiyey
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
ina aadan wrote:haa waa mah-maahi ahay nin iswaalaba waabiya helakoohi wrote:kibirka waa lagu kufaa
walaahi wiilwaal way la go'day wuuna ku tegay
Abti nin somaliya oo taliya oo ka
caqlibadnaa aderkaa(UGAAS NUUR ROOBLE) ma arak
Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay
Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafidow kariyey
Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey
Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay
Weji dabacsan daymaan dareen, galin dubaaqiisa
Debna furan dabuub una ka didin, deexashiyo muuso
Qosol dibadda yaal oon ka iman, dhuunta dacalkeeda
Kanaan degey kanaan doorka biday, kani dan baan moodey
Waxaan dood kaftan ah sheekada, ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigo maalintuu, degelka soo saaro
Intiiyoon dawaarka u rogoon, xeeladda u daadsho
Isagoon dareen qabin maxaaan, kaga dayaansiiyey
haa abti waxa la sheegaa inuu ugaas nuur ahaa nin degan oo dagaalka neceb
ugaas beeshu wada ogashahayna isagaa ugu danbeeyey.
lkn xaga kale waxaan maqlay garaad wiilwaal haba kibir batee wuxuu ahaa nin beeshiisa jidwaaq danahooga ka shaqayn jiray si cadaalad ku salaysana wax u maamuli jiray. waxa ka mid ahaa inuu dadka isugu yeedhay ku yidhi hadii coli xoolaha qaado ma inta xoolaha laga dhacay ayaa soo ridaysa mise beesha oo dhan ayaa dagaal galaysa, markay dadkii ku yidhaahdeen mayanee beesha oo dhan ayaa duulaysa ayuu ku yidhi hadaba xoolaha si siman ayaan dadka ugu qaybinayaa ka maal qabeenka ah iyo ka caydha ahba isu in ayaan siinayaa.
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
ina aadan,
adoo raaliya OG horta yaad ka tahay ?
adoo raaliya OG horta yaad ka tahay ?
-
- SomaliNetizen
- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
Maya Garaad Aadanoow, Anigu ma qorin, waase taariikh dhab ah oon aad ugu bogay, inkastooy waxyaalo ka dhimanyihiin, dhowr gabay oo qisadan la xidhiidha..
Emailka waan qortay, waana la xidhiidhi inshallah..
Adiga Aaadan ahna waan ku rabayoo, dhowr arimood oo FAARAX-WAAL la xidhiidha yaan kaa warsan lahaa.
Emailka waan qortay, waana la xidhiidhi inshallah..
Adiga Aaadan ahna waan ku rabayoo, dhowr arimood oo FAARAX-WAAL la xidhiidha yaan kaa warsan lahaa.
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
war abtaan kuu ahaykoohi wrote:ina aadan,
adoo raaliya OG horta yaad ka tahay ?
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
gartay inaarFaarax-Caytame wrote:Maya Garaad Aadanoow, Anigu ma qorin, waase taariikh dhab ah oon aad ugu bogay, inkastooy waxyaalo ka dhimanyihiin, dhowr gabay oo qisadan la xidhiidha..
Emailka waan qortay, waana la xidhiidhi inshallah..
Adiga Aaadan ahna waan ku rabayoo, dhowr arimood oo FAARAX-WAAL la xidhiidha yaan kaa warsan lahaa.
waxaad i waydisaba waxaan isku day inaan kaaga jawaabo aqoontayta
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
dee aniga m. subeer ayaa abti ii ah (maxadaar) i think.ina aadan wrote:war abtaan kuu ahaykoohi wrote:ina aadan,
adoo raaliya OG horta yaad ka tahay ?
-
- SomaliNetizen
- Posts: 428
- Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
- Location: Awaare
Re: Qisadii Raage Ugaas iyo Garaad Faarax Wiilwaal
War Ogaadeen oo dhan waa kuu reer abti, haday gabadh ogaden ahi ku dhashay.koohi wrote:dee aniga m. subeer ayaa abti ii ah (maxadaar) i think.ina aadan wrote:war abtaan kuu ahaykoohi wrote:ina aadan,
adoo raaliya OG horta yaad ka tahay ?
Waxba laf ahaan ha ukala gurine, Anigu sida iidoorka kuma ceel aroorna wiilka gabadha ka qaba ama kay gabadh ka qabaane lol....
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 4832 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 11 Replies
- 2345 Views
-
Last post by Cilmiile
-
- 64 Replies
- 5908 Views
-
Last post by Moderately2Wise
-
- 1 Replies
- 462 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 2 Replies
- 3189 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 0 Replies
- 2000 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 5 Replies
- 1842 Views
-
Last post by shiniile9
-
- 20 Replies
- 7189 Views
-
Last post by Faarax-Caytame
-
- 5 Replies
- 3372 Views
-
Last post by new-york24