INan Yar oo Ay Isko Haystaan Reer Puntland and Ethiopia ahah

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

INan Yar oo Ay Isko Haystaan Reer Puntland and Ethiopia ahah

Post by LiQaaye_TDH »

Burco (Buraoonline) 25.02.10 Arintan oo mudo badan Maxkamadda Degmadda ee Burco Dacwadeedu ka socodtay oo ay wax xukun ah ka soo saarin ayaa waxay dhalisay Xasaasiyad taasi oo ka timi labada reer ee isku haysta inanta yar,oo ka soo jeeda Itobiyan, iyo Butland,ayaa reer kamida ku dhaqaaqay falal xasaasiyad ah taasoo keentay in laba gawaadhi oo lagu qabsaday Tuuladda Jalam,kana tirsan Degmadda Burtinle,ayaa Shabakadda Buraoonline ka wareysatay Gudoomiyaha Degmadda Maxamed Jaamac Canshuur,Wuxuuna yiri sidan anoo mar hore Saxaafada la hadlay kana hadlay arintan inanta yar ay labada reer isku haystaan ama labada waalid ay isku haystaan dhalashadeeda cida ay tahay maantana halkan waxaan ku sheegayaa howshaa iyada ah aanu wali gacantayada ku jirto dhexna u dhiibnay ayna ku sugan tahay Guriga Barasaabka laguna xanaaneeyo inta dhinac u dhacayso labadii dhinac ee isku haystay inanta yar,kuna nidhi inta jawaabta DNA da, inooga imanayso markaa kadib ayaanu idiin yeedhi doonaa,waxaa kaloo iminka aan maqlay in dhinicii ka socotay Goboladda Butland ayagoo ka cabanaya dhex dhexaadnimada Maxkamadda ama Gobolkuba ay ka tageen Halkan sidaan warar ku maqlay in ay qabsadeen 2 ba Gawaadhi,taa soo ah anagu dacwad sharci ah ayaa naloo keenay oo dastuuri ah dee waxay ahayd inay sugaan Maxkamadda iyo go’aankeeda in ay qaladkale sameeyaan ama ay galaan may ahayn ayna sugaan jawaabta Maxkamadda.

Dowladda Soomaaliland runtii xaga Cadaaladda waxaanu nahay 3dax waaxood ayaa Qaranku leeyahay waaxda fulinta,waaxda sharcidejinta,iyo waaxda garsoorka,waax waliba way madaxbanaan tahay qolyahaa iyaga ah waxaan u sheegayaa in ay helayaan cadaalad sugan oo sax ah shakigana iska saaraan oo ah shareecadda Alle soo dajiyay ee kitaabka ku qotonta ayay helayaan.

Wariye Cabdikariin Axmed (warside768@hotmail.com)

http://www.Buraoonline.com

Burco
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”