Al-shabaab oo nin shacab ah ku gowracay tuulada Diif
Wararka naga soo gaadahaya tuulada Diif ee Gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay tuulada Diif ka kaxaysteen nin ka mid ahaa shacabkii daganaa tuulada isla markaana ay gowraceen ka dibna maydkiisii oo garba duub u xidhan madixiina kor saaranyahay ay soo dhigeen gudaha Tuulada Diif.
Wararku waxay intaas ku darayaan in ninka la gowracay uu ka mid ahaa dad 7 ruux ah oo maalmo ka hor tuulada Diif ay ka kaxaysteen ciidamada Al-shabaab.
Ciidamada Al-shabaab ee la wareegay gacan ku heynta tuulada Diifa ayaa lagu soo waramayaa in baadhitaan xoogan ay ka wadaan guryaha ku yaala tuulada Diif iyadoo sida lagu soo waramayo qaatay dhamaan wixii rasaas ahaa ama qori ahaa ee yaalay tuulada. Wararku waxay kaloo sheegayaan in ninka la gowracay uu horey uga tirsanaan jiray Mucaskarkii Raaskambooni.
Gowracan Diif tuulada Diif ayay dadka magaalad aad uga argagaxeen iyadoo maydka marxuumka habeen hore lagu aasay qubuuraha tuulada Diif.
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in dhamaan dadkii magaalada magaca ku lahaa ama laga yaqiinay ay ka qaxeen iyagoo u talaabay dhinac xadka Kenya.
Dhanaan.com
Al-shabaab oo nin shacab ah ku gowracay tuulada Diif
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Al-shabaab oo nin shacab ah ku gowracay tuulada Diif
- Narcissistic
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1382
- Joined: Tue Aug 26, 2008 3:31 am
- Location: ...LaLa Land...
Re: Al-shabaab oo nin shacab ah ku gowracay tuulada Diif
Al Shabaab mushahideen 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 30 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 11 Replies
- 1087 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 6 Replies
- 754 Views
-
Last post by Shift
-
- 3 Replies
- 477 Views
-
Last post by MJ-Pride
-
- 5 Replies
- 1123 Views
-
Last post by FieldMarshalMenace
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by ruralboy
-
- 8 Replies
- 794 Views
-
Last post by ruralboy
-
- 9 Replies
- 836 Views
-
Last post by Shift
-
- 2 Replies
- 9809 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 1 Replies
- 529 Views
-
Last post by LobsterUnit