
Burco (Buraoonline) 28.02.10 Waxaa tan iyo xalay si wayn uga curtay Gobolka Togdheer roobab lixaad leh kuwaasoo si wayn uga da'ay magaalada iyo hareeraheeda.
Roobabkaan tan iyo xalay sida wayn uga da'ayay magaalada ayaan ilaa iyo hada gaysan wax khasaraaro ah waxaana si wayn ugu diirsaday roobabkan dadwaynaha magaalada oo iyagu ku qabowsaday roobabkan ka da'aya ila shalay magaalada Burco iyo Nawaaxigeeda.
[Click for a larger view]
Jawiga magaalada ayaa ah tan iyo maanta Daruuro Badan oo Madow ama biyaysan waxaana la oran karaaa waxaa ka jira magaalada roob lixaad leh kaasoo Togii Dheere ee Togdheer sii Fiican uu Buuxiyay, waxaana la Fili kara caawana in uu si wayn uga curto magaalada maadaama cirku wali yahay mid biyaysan islamarkaana uu roobku jiro dhan walba oo magaalada ah.
[Click for a larger view]
Roobkan ka curtay magaalada Burco ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa Degaanada miyiga iyo weliba ila Bariga Somaliland ayaa Shabakada Buraoonline Ka Wareysatay Wariya CabdiKariin Axmed oo Buraoonline uga soo Warama degaanada Bariga Somaliland iyo Gobolka Togdheer, waxaano noo sheegay hadda ila inta laga war hayo ino roobko ka D'ay ay yahin, Degaanada Ballidhaye, Xaydh-ducato-Balanbaal,Ceeldhaab, Caynaba iyo Dhamaan Waqooyiga Goboka Togdheer sida Degaanada Gubanka! waxaano sheegay ilaa iyo hadana ma jirto wax dhib ah oo laga soo sheegayo meelaha uu sida wayn uga da'ayo roobkani waxaana la oran karaa waa roob si wayn loogu diirsaday xili aad loogu baahna.
Source Buraoonline
Burco