London(Saylac.com)- Qurbojooga beelaha Samaroon ee magaalada london ayaa si diiran usoo dhaweeyey Ugaaska Beelaha Samaroon Ugas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo ku guda jira safar uu ku tagayo dhulkii hooyo.
Magaalada london oo aad loogu sii diyaargaroobay soo dhaweynta Ugaaska ayaa dadweyne isugu jira bulshada nuucyadeeda kala duwan. Dadweynahan ayaa mudo saacado ah iyagu ku sugnaa Madaarka caalamiga ah ee “London Heathrow” ayaa si diiran caleemo ubaxyo ku dahaadhan yihiin kala hortagay kidinka laga soo baxo madaarka ilaa gaawadhidii lagu galbinayey guriga marti sharafta loogu diyaariyey.
Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo shirjara’id ku qabtey hoolka weyn ee marti shafartu isugu timid, ayaa sheegay in socdaalkiisa uu kusii jeedo dalalka geeska Africa sida Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland ay tahay mid uu kula kulmi doono Oday dhamaan Beelaha Samaroon ee dhulkaas degan isla markaana uu ku horeyn doono magaalada Jabuuti oo la filayo inuu kula kulmo Beelaha Samaroon ee degan dalka Jabuuti.
Ugaaska beelaha Samaroon oo ah aqoonyahayn ku takhasusay cilmiga beeraha mudo badan deganaa wadanka Canada ayaa sida la filayo socdaalkiisani uu noqon doonaa mid aad in mudo ah looga filayey degaanada beelaha Samaroon degaan ee dalalka aanu kor ku sheegnay
Socdaalka Ugaaska Beelaha Samaroon Ugaas Cabdiraxman Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa waxa uu kusoo beegmay wakhti ay Beelaha Samaroon baahi weyn u qabaan Ugaasku inuu mideeyo aragtida dhaqan dhaqaale iyo Tariikheed ee Beelaha Samaroon ku caano maali jireen. Wararka nagasoo gaadhaya magaalada london ayaa intaa ku daray in ay timi mudadii uu Ugaasku wadankii hooyo si rasmi ah u degi lahaa door laxaadlehna ka ciyaari lahaa midaynta Beelaha Samaroon ee uu Ugaaska u yahay.


