
Caleemo Saarka Ugaaska 19-Aad Ee Beesha Ciise Oo Maanta Ka Dhacaysa Magaalada Saylac, Madal Kulmisay Somaliland, Jabuuti Iyo Ethiopia
Waxa Madasha Caleemo Saarka Ku Sugan Madaxdhaqmeedyada Beelaha Somaliland, Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal, Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Burco Iyo Kumanaan Dadwayne Ah
Saylac, February, 1, 2010 (Haatuf) – Xaflada caleemo saarka ugaaska beesha Ciise Mustafe Maxamed Ibraahin oo ah Ugaaskii 19-aad ee beeshaasi yeelato ayaa maanta ka dhici doonta magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ee Somaliland oo uu shalay makhribkii soo gaadhay Ugaasku, kana soo gudbay xadka Somaliland iyo Jabuuti u dhexeeya meel lagu magacaabo Ugaas lagu boqor.
Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin oo shalay galab markii uu soo gaadhay magaalada Saylac ay si balaadhan ugu soo dhaweeyeen kumanaan dadwayne ah oo ku jeeni qaarnaa Gundhatiga iyo Golxabka dhaqanka u ah beeshaasi iyo boqolaal gaadiid ah oo kala sita taarikada Somaliland iyo Jabuuti, kuwaas oo ciyaaro hido iyo dhaqan ah iyo suugaan ku soo dhaweeyeen Ugaaska dadwaynahaasi, waxaana la dajiyey Ugaaska dhismayaasha dawlada gaar ahaan xarunta wasaarada kaluumaysiga ee magaalada Saylac.
Xaflada caleemo saarka Ugaaska beesha Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin oo ah ugaaskii 19-aad ee beesha Ciise yeelato ka dib markii ugaaskii hore ee beeshaasi Ciise marxuum Xasan Xirsi Rooble uu geeriyooday sanadkii 1995-kii mudadaasi ka danbaysayna la xulayey Ugaaskii cusbaa ee badali lahaa oo ay 55 oday dhaqameed oo beeshaasi ka soo jeedaa ay u xuleen inuu noqdo ugaaska cusub Mustafe Maxamed Ibraahin oo saaka saacadu marka ay tahay 9-ka subaxnimo lagu qaban doono taandho wayn oo qaadi doonta dad gaadhaya 3,000 qof oo qaabkii aqal somaliga loo dhisay oo laga sameeyey magaalada Saylac.
Xaflada caleemo saarka ugaaska beesha ciise ayaa waxa ka qayb gali doona masuuliyiin ka kala socota xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro), wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska C/risaaq Waabari Rooble, wasiir ku xigeenka warfaafinta Cali Cilmi Geele, wasiir ku xigeenka horumarinta reer miyiga Siciid Maxamed Bile xaga dawlada Jabuuti ayaa waxa iyaguna ka qayb gali doona wasiirada arimaha gudaha, waxbarashada, diinta iyo awqaafta xaga dawlada fadaraalka ee Ethiopia ayaa iyagana la sheegay inay ka qayb gali doonaan masuuliyiin uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta Maxamud Dirir iyo xubno kale oo ka socda maamulka kililka shanaad ee somalida Ethiopia, waxa kale oo iyaguna madasha caleemo saarka ku sugan madaxdhaqameedyo door ah oo ka socda salaadiinta beelaha reer Somaliland oo ay ka mid yihiin suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldaan Xasan suldaan C/laahi suldaan C/raxmaan, suldaanka guud ee beesha bariga Burco suldaan C/laahi suldaan Cali iyo guud ahaanba madaxdhaqameedyo ka kala socda gobolada kale ee dalka iyo kumanaan dadwayne ah oo iskaga kala yimid gobolada dalka iyo guud ahaanba dadwayne ka yimid dalalka Jabuuti iyo Ethiopia oo dhamaantood ka qayb gali doona caleemo saarka Ugaaska cusub ee beesha Ciise oo maanta ka dhici doonta madal kulmisay Somaliland, Jabuuti iyo Ethiopia oo maanta ka dhici doonta magaalada Saylac.
Dhinaca kale ilo xogalaal ah oo aanu ka helnay xalay saacadihii danbe magaalada Saylac ayaa noo sheegay in amaanka magaalada ay si wayn u xoojisay xukuumada Somaliland isla markaana ay tibaaxuhu noo sheegeen in gaadiidka soo galaya magaalada iyo kuwa ka baxayaba ay ciidamada Somaliland si wayn u baadhayaan iyadoo dhismayaasha dawlada ee xarunta wasaarada kaluumaysiga ee la dajiyey waftiga ugaaska beesha Ciise naloo sheegay in ciidamada Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ee tignikada loo yaqaano ay ku wareegsan yihiin madasha lagu qabandoono caleemo saarka ugaaska 19-aad ee beesha Ciise yeelato, oo mudo 15 sanadood ah la baadi goobayey qofkii loo xuli lahaa Ugaaska beesha Ciise oo da’diisa lagu sheegay inuu yahay 17 jir.