Nin u muuqaal ekaa fanaanka Jooqle oo shalay lagu qabtay Suuqa Bakaaraha
Kooxo Dhalinyaro ayaa shalay Nin u muuqaal ekaa Fanaanka caanka ah Cabdi Shire Jaamac oo loo yaqaano Jooqle ku qabtay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay maamulaan Kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda hanaanka Dowladda KMG iyo siyaasada Ciidamada AMISOM.
Ilo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Shabakada Jowhar.com in ninkaas oo lahaa muuqaalka Al-Fanaan Jooqle shalay duhurtii ay Koox Dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ay ku qabteen Suuqa daawada ee Bakaaraha.
Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan ay ka tirsanaayeen qeybta Amniyaadka ee Shabaab, waxaana ay u kaxeeyeen ninkaas Xafiis ay ku leeyihiin gudaha Suuqa Bakaaraha, hase ahaatee qeylo dhaanta ninkan ayaa waxaa ku soo baxay dadkii ku ganacsanayay Suuqa oo weydiiyay dhalinyarada waxa ay ka doonayaan.
Mid ka mid ah raga ku ganacsada Suuqa Daawada ayaa sheegay in kooxdan dhalinyarada ay ninkan u qaateen inuu yahay Al-Fanaan Jooqle, hase yeeshee ay u sheegeen in aanu aheyn oo uu yahay nin iska caadi ah, ayna muuqaal ahaan isu ekaayeen.
Dhalinyaradan ayaa markii dambe ku dooday inuu yahay ninkii qaaday Heestii Laab-lakaca laheyd ee Qeylo-Dhaan ee qaraxii Hotel Shaamow, laakiin ay ku diideen dadkii ku sugnaa Suuqa Bakaaraha oo markii dambe ku guuleystay in ay ka reebaan ninkan ay u moodayeen Jooqlihii dhabta ahaa.
Kooxaha dhalinyaradan ayaa sii daayay ninkan markii dadka ku sugan Suuqa Bakaaro ay u sheegeen inuusan aheyn fanaankii ay ku qaldayeen ee Jooqle, waxaana dad qaar oo aan la kulanay ay sheegeen in ninkan uu si aad ah u shabahay muuqaalada Fanaankaas, taasoo sabab u aheyd in lagu qaldo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Kooxahan ay doonayeen in ay dilaan ninkaas u muuqaalka ek Jooqle oo ka mid ahaa Fanaaniintii qaaday heestii tiiraanyada laheyd Qeylo-Dhaan ee qaraxii Shaamow loo tiriyay.
Heesta Qeylo-Dhaan ayaa aheyd hees si weyn shacabka soomaaliyed u laab-kicisay, kadib markii uu dhacay qaraxii Hotel Shaamow ee sanadkii hore kaasoo lagu laayay Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda, Dhaqaatiir, Arday iyo waalidiin kadib markii nin naftii hure ah uu isku qarxiyay munaasabad qalin jebin aheyd oo loo dhigayay Arday.
Al-Fanaan Cabdi Shire Jaamac Jooqle ahna Muxalimiiste ayaa ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyed ee ku nool qurbaha, gaar ahaan Magaalada London ee cariga Ingiriiska, waana Fanaan aad uga damqaday dhibaatada shacabka Soomaaliyed ay ku sugan yihiin mudada labaatanka sano ka badan, waxaana uu horay u soo qaaday Heeso wadaniyad leh oo uu kaga damqanayay dhibaatada dalkeena.
Miraha heestan ayaa daaha ka rogeysay wajiga dhabta ah ururo diimeedka ka jira Soomaaliya, waxaana aad uga dhex muuqday Fanaanka Jooqle oo ahaa ninkii saaray laxanka Heesta, Heestan ayaa meelaha muhiimka aheyd ee dadka tiiraanyo gelineysay ay aheyd Qeylo-Dhaan Ma hurnee, Qiil dambe ma harin iyo diintoo lagu qaraabtaaye, waxaana loogu baroor diiqayay dadkii wax galka u ahaa bulshada ee Soomaaliya lagu dilay sanadihii u dambeeyay.
Man who looks like fanaanka Joqle captured in Bakaraha
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Re: Man who looks like fanaanka Joqle captured in Bakaraha
Jooqle Reer caabudwaaq, His sister is married to an Ogaden family i know that live in Dhagaxbuur. 

- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
Re: Man who looks like fanaanka Joqle captured in Bakaraha
hanqadh wrote:Jooqle Reer caabudwaaq, His sister is married to an Ogaden family i know that live in Dhagaxbuur.
waa Wagardha. i only like 1 song of his waana ka with nimco
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 552 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 2 Replies
- 534 Views
-
Last post by abodu
-
- 18 Replies
- 3048 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 15 Replies
- 3571 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 6 Replies
- 637 Views
-
Last post by galia
-
- 18 Replies
- 1049 Views
-
Last post by zingii
-
- 4 Replies
- 806 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 1052 Views
-
Last post by quark
-
- 10 Replies
- 548 Views
-
Last post by COSTA