
Sawirka Todobaadka: Suldaan Cismaan iyo Wasiir Siciid Sulub
Written by Qaran News
Mar 01, 2010 at 09:14 AM
Hargaysa,(Qaran News)- Sawirkani waxa la qaaday maanta oo wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta mudane Siciid Sulub, uu xaflad qado sharaf ah u sameeyay suldaan Cismaan Suldaan Cali, xafladani oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badnaa oo ay ka mid ahaayeen wasiiro, xildhibaano,siyaasiyiin, madax sar sare oo ka tirsan xisbiga UDUB iyo xukumada Somaliland, iyo hogaamiye dhaqameedyo, hadaba waxa hada halkaasi kaaga muuqda Suldaan Cismaan Cali oo ay is garab fadhiyaan wasiir Siciid Sulub oo ayna in mudo dhowr sanadood ah salaanta iska qaadin, ama aanu xidhiidhkoodu wanaagsanyn
Waxa kale oo suldaanka iyo wasiirka hareeraha labada dhinacba ka fadhiya wasiiro iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay, wasiirka maaliyada, mudane Cawil wasiirka arimaha dibada mudane C/laahi M. Ducaale, Wasiirka duulista iyo hawada Mudane Cali Warancadde, Wasiiirka Madaxtooyada mudane Xasan Axmed, Wasiirka ganacsiga Abiib Xasan, iyo Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade iyo wasiirka caafimaadka Mudane Cabdi Haybe isla markaasina xaflada xoogaa uga dib dhacay isla markii uu soo galayna si toos ah u abaaray kursigii uu fadhiyay Suldaan Cismaan iyo wasiir Siciid Sulub, oo si gaar ah u salaamay suldaanka iyo wasiirkaba.
Sidoo kale xaflada waxa joogay maanta wasiirada qoyska iyo arimaha bulshada marwo Faadumo Suudi Xasan, wasiiru dawlaha caafimaadka, wasiiru dawlaha caafimaadka iyo shaqada, wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibada, wasiir ku xigeenka cadaalada iyo xoghayaha gaarka ee madaxweynaha mudane Axmed M.Essa, iyo sidoo kale gudoomiyaha siyaasada ee xisbiga UDUB, iyo gudoomiyaha udub/uk, gudoomiyaha abaabulka iyo wacyigalinta ee xisbiga UDUB Maxamed Cabdi Malow, gudoomiyaha arimaha bulshada Farxaan Adan Haybe iyo madax kale oo farabadan oo ay ka mid ahaayeen ganacsato caan ahi.
Xaflado hore waxa suldaanka u sameeyay wasiirka duulista iyo hawada iyo wasiirka maaliyada ee Somaliland
La soco sawiro badan iyo xafladii maanta qaybaheen kale ee wararka.