Warar hoosaad ay Gedoweb ka heshay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa qiraya in beesha Sade ay ka dhex socoto Dood adag oo la xiriirta ciidamada qabaa'ila Soomaalida ah ee lagu diyaarinayo Dalka Kenya.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay socoto dood adag ee uu soo abaabulay uruurka SDSI ee qurbajoogta Sade iyadoo looga doodaya abaabulka ciidan ee la sheegayo in uu ku wajahan yahay gobollada Jubboyinka kana socda dalka Kenaya.
Sida la xaqiijinayo ilaa laba kulan oo waaweyn ayuu ururka SDSI soo qabanqaabiyey , iyadoo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin badan oo beesha magac weyn ku leh. Sidoo kale waxaa kulamada ka soo qayb galay oo lagu casumay in badan oo ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirada beesha ugu jira dawladda KMG ah.
Waxaa la sheegayaa in beeshu dareen weyn ka muujisay abaabulka ciidan ee muddaba ka socday dalka Kenya iyadoo si gaar ah wax looga weyddiiyey xildhibaannada iyo wasiirada waxa ay kala socdaan arrimahaan.
Doodaha kulamadaan oo aad u adkaa waxaa si gaar ah la isu weydiiyey qodobbo ay ka mid yihiin:
- Cidda ka dambaysa diyaarinta iyo abaabulka ciidankaan qabaaillada laga soo uruuriyry ee lagu tababarayo dalka Kenya, waxaana beesha la yaab ku noqotay diidmada iyo beeninta ciidamadaan oo had iyo jeer ka soo yeera masuuliyiinta Kenya iyo kuwa dawladda KMG ee Soomaaliya. Waxaa la isweyddiiyey muxuu yahay ajanddaha qarsoon ee ciidankaan laga leeyahay ama looga qarinayo dadkii lagala tashan lahaa
- Waxaa kaloo la isweyddiiyey hadafka fog iyo midka dhow ee ciidaankaan laga leeyahay
- Sababta kalliftay in beeshaan oo degta degaannada ciidanka loo diyaarinayo, qayb weynna ka ah ciidanka sida la sheegayo aan si buuxda oo mug leh looga talagelin
Iyadoo guud ahaan waxyaabaha dhabta ah iyo xogta kullamadaan aan la wada hayn, ayaa haddana la sheegayaa in weli ay rahman yihiin fadhiyo kale oo arrintaan lagu sii lafaguri doono isla markaasna beeshu mowqif adag oo mideysan ka qaadan doonto.
Waxaanu filaynaa in doodaan xaqiiqadeeda aanu ku raadjoogno, markay wax kala cadaadaana aanu u soo gudbin doono akhristayaashayada.
Gedoweb Exlusive
Dood adag oo ka dhex taagan beesha Sade, maxayse ku saabsan
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- CoolPoisons
- SomaliNet Super

- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 281 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 310 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 2 Replies
- 339 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 1 Replies
- 283 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 3 Replies
- 552 Views
-
Last post by SultanOrder
-
- 0 Replies
- 318 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 0 Replies
- 341 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 3 Replies
- 1150 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 14 Replies
- 8945 Views
-
Last post by mashallahbro