Page 1 of 1

Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 8:39 am
by The_Emperior5
Wasiirka Magaca Sharmutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, march, 3 , 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa hanbalyo u diray Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo difaacay socdaalkiisii uu somaliland ku yimid dabayaaqadii sanadkii hore ee 2009-kii oo shalay eedo uga soo jeediyey wasiirka arimaha dibada ee Kenya inuu taageeray gooni isku taaga somaliland, jawaabihii uu Faarax Macalin ka bixiyey waraysigii xalay uu la yeeshay tifaftiraha laanta afsomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayuu sidoo kale ku sheegay in wariyahaasi waji gabax kala kulmay. Waxa kale oo uu gudoomiyaha UCID Yuusuf Garaad ku eedeeyey inuu geed dheer iyo geed gaabanba ugu taagan yahay xumaynta Somaliland, kuna tilmaamay mid idaacadii ka dhigay mid loogu adeego kooxaha ku dagaalamaya Somalia qaar ka mid ah.

Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf, kaas oo uu si adag jawaab ugaga bixiyey eedaha loo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee lagu haysto socdaalkii uu ku yimid Somaliland, kuna tilmaamay shakhsi geesi ah oo xaqiiqda aan iska indha tirin isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “waxaan halkan tahniyad uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaca xisbiga UCID iyo taageerayaasha balaadhan ee dalka iyo gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga, Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin sidii geesinimada lahayd ee uu uga hadlay una difaacay socdaalkiisii uu ku yimid dalka iyo Yuusuf Garaad oo isaguna ku sifoobay “Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa” kuna caanbaxay xaasidnimada iyo xumaynta Somaliland, waraysigii uu la yeeshay Faarax Macalina waji gabax kala kulmay shaqsigaasi ina Garaad oo isagu ah mid xaasidnimo iyo cuqdad uu u qabo Somaliland ay ka soo ifbaxayso, mudadii uu idaacada tifaftiraha ka ahaana ka dhigay goob uu Somaliland ka colaadiyo oo uu koox ugu adeego, waxaanuse leenahay Somaliland kuma baabiin kartid xiqdigaa iyo buqdigaa aad ka wado BBC-da ee is dabo qabo ayaanu ku leenahay iyadoo hooyadaa iyo ehelkaagiiba ay u soo qaxeen Somaliland, hadana waxa nasiib daro ah inaad xumaynta Somaliland uun ka shaqaynayso, wasiir khaarajigan kenyana waxaanu leenahay dalkayaga waxba kama sheegi karo nin magaca sharmuutada lihi, Faarax Macalina waxaanu leenahay waa nin aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh Somaliland sharaf iyo qadarin wayna u leh shacbiga reer Somaliland iyo taariikhda faca wayn ee dalka iyo dadka reer Somaliland.

Image

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 8:51 am
by Rightwing
:lol: @
dalkayaga waxba kama sheegi karo nin magaca sharmuutada lihi
Magacii Wasiirka arimaha dibadda Kenya?

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 8:57 am
by The_Emperior5
Wetang’ula
:lol: :lol: :lol:

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 9:10 am
by Rightwing
Wetang’ula shit that sound true lagama saaraan :lol: :lol: :lol:

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 11:18 am
by The_Emperior5
3/2/2010] Nin magac sharmuuto wataa dalkayga wax kama sheegi karo News/Articles


Gudoomiyha Xisbiga gar xejiska (Ucid) ee Gobolada waqooyi ee Soomaaliya Faysal Cali waraabe, ayaa isaga oo u jawaabaya Wasiirku arimaha dibada Kenya MusasWatangula ayaa wuxuu yiri Nin Magac Sharmuuto wataa Dalkayaga wax kama sheegi karo(Somaliland) isaga oo isala mrkaasna u mahad celiyey Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Kenya Faarax Macalin oo uu maalmo ka hor Hooyadii Bishaaro Wacdi Shaqlan oo Gudoomiye ku xigeenka ay isku Beel ahaayeen, oo ahayd mid si xaq daro ah loogu dhiibay Itoobiya hase ahaatee uu ku farxsanaa in loo dhiibo Itoobiyaanka Ina Cali Waraabe.



Faysal oo ah Nin derderan hadalkuna ka dhaco ayaa wuxuu u yaqaanaa Soomaalida ku nool Koonfurta Soomaaliya walaweyn, kuwa ku nool Puntlandna Majeerteeniya.



Gudoomiyahan aadka looga jecel yahay Gobolada Waqooyi madaxdana ka ah Xisbiga garxejiska ayaa sanado ka hor wuxuu shegay in Wiilka ka yimaada Itoobiya ay is fahmi karaan Reer waqooyi ahaan ,laakiin ayna is fahmi karin wiilka ka yimaada Koonfurta Soomaaliya.



Ugu danbayntii Caydan iyo Afxumadan loo geestay wasiirka arimaha Dibada Kenya waxa keenay markuu dhowaan waraysi uu bixiyey wasiirku uu ku sheegay in la baari doono sababta uu Faarax macalin u tegay Laascaanood.



Allsanaag.com



From the jeberti sources :lol: :lol: :lol:

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 12:57 pm
by abdikarim86
:lol:

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 3:32 pm
by Dhaga Bacayl
Waa rageedi walee... :up:

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 3:41 pm
by Cali_Gaab
:lol: :lol: :lol:

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 3:45 pm
by Keyse_0208
wale iyo bile mr waraabe waa Rageedii .. a true fuking patriot.

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Tue Mar 02, 2010 3:48 pm
by salafi_student
Should of utilised the loo before going haywire.

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Wed Mar 03, 2010 9:18 am
by senoritaa
:lol:

Thats it I am now 100% UCID supporter

This guy is so wadani, its like he says what I think lol :lol:

Re: Holy Shit Faisal cali waraabe did it again

Posted: Wed Mar 03, 2010 9:40 am
by Siciid85
:lol: :lol: