Road to Self-Sufficiency

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somali_Boqor
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 319
Joined: Fri Jan 08, 2010 6:16 am

Road to Self-Sufficiency

Post by Somali_Boqor »

Ka Dib Mamnuucdii Alshabab Ee WFP,Beeraleyda Gobolka Gedo Oo Laba Jibaarey Dalag Beerashada...

Qaar ka mid ah beeraleyda degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Markii ugu horeysay waxaa ay si diiran u soo dhaweeyeen go’aankii Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ay Soomaaliya uga mamnuucday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Cuntada ee WFP iyagoo taasi ku tilmaamay mid dan u ah beeraleyda Soomaaliyeed ee noloshoodu ay ku tiirsantahay tacbashada beeraha.

Beeralaydaani oo isugu jira kuwa roob falatada iyo kuwa waraabka ayaa waxaa ay sheegeen in go’aankaasi uu meesha ka saarayo caqabado dhowr ah oo horyaalay beeralyda Soomaaliyeed sida ay sheegeen.

Max’ed Cali Isaaq oo ka mid ah beeralayda ku dhaqan degmada Baardheere oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeyay ay ku dadaalayaan sidii ay u kordhin lahaayeen wax soo saarkooda dhinaca beeraha maadaama meesha laga saaray hay’adda WFP oo horay raashin gar gaar ah ugu qeybin jirtay qeybo badan oo ka tirsan gobolka Gedo.

Beeralayda ku dhaqan degmada Baardheere iyo deegaanada ku xeeran oo ka mid ah beeraleyda Soomaaliyeed kuwooda wax ugu soo saarka badan ayaa marar badan hay’adda WFP waxaa ay ku dhaliileen qaabka raashinka gar gaarka ay u qeybiso iyagoo sheegay in ay ku aadiso xiliyada ay beerahoodu soo go’aan

Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in sanadihii ugu dambeeyay hoos u dhac weyn uu ku yimid beerlayda ku dhaqan degmadaasi kadib markii ay la soo darseen qabado ay ka mid tahay roob yari iyo wax soo saarkooda oo aad u yaraaday.

Hadalkaan ka soo yeeray beeralayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo ayaa ku soo aadaya xili labo maalin ka hor amar ka soo baxay Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab lagu mamnuucay hay’adda WFP in ay ka howlgasho gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay xakumaan.

A C Saalixi

Baardheere-Gedo-News
http://www.gedonet.com/index.php?news=1389
User avatar
Somali_Boqor
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 319
Joined: Fri Jan 08, 2010 6:16 am

Re: Road to Self-Sufficiency

Post by Somali_Boqor »

Barakcayaasha ku dhaqan Gobalka oo u dhaqaaqay Tacabka Beeraha kadib markii dalka la Eryay Hay'adii WFP ee Galay Gaduuda bixin jirtay.

Baardheere, Somalia (AOL) -Beeralayda Gobalka Gedo ayaa si diiran usoo dhaweeyay Xayiraadii dhawaan lagu sameeyay Hay'adda Cunada Adduunka WFP oo larumaysanyahay in ay caqabad ku ahayd Dadka u heelan tacabka beeraha Somaliyeed.

Boqolaal Barakacayaal ah oo ku dhaqan magaalooyinka waweyn ee Gobalka Gedo ayaa u riyaaqay in WFP laga Eryo Koonfurta Somalia iyagoona WFP ku tuhmayay in ay sharaf dil ku aheyd sharafta Muwaadinka Soomaaliyeed maadaama ay dadka qasab uga dhigaysay in ay ka sugaan Galay gaduudan islamarkaana ay shaqada ka cuuryaamisay Beera qodato aan weligood gacan shisheeye ku tiirsanaan.

Shacabka ku dhaqan Gobalka gedo waxay bilaabeen in ay u dhaqaaqaan beerashada dalagyada maxaliga ah Nuucyadiisa kala gedisan madaama aysan gargaar ka sugayn hay'ado Shisheeye, weriyaal ku sugan magaalooyinka Gedo ayaa soo sheegay in ay arkeen Shacab badan oo isku diyaarinaya tacabka beeraha.

Beeralayda Gobalka Gedo waxay wax ku tacbadaan Xareeradda Roobka iyo Waraabka Webiga Jubba Gobalka Gedo oo kamid ah gobalada Hodonka ku ah Beeraha,Max’ed Cali Isaaq oo ka mid ah beeralayda ku dhaqan degmada Baardheere oo la hadlayay Weriye Axmed Saalixi ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeyay ay ku dadaalayaan sidii ay u kordhin lahaayeen wax soo saarkooda dhinaca beeraha maadaama meesha laga saaray hay’adda WFP oo horay raashin gar gaar ah ugu qeybin jirtay qeybo badan oo ka tirsan gobolka Gedo.

Barakacayaasha ayaa Niyad yeeshay markii dhawaan Raashin Abuur ah uu uqaybiyay NGO-ga SADO oo kamid ah Ururada waxqabadka muuqda ka wado magaalooyinka Gedo sida magaalada Baardheere, Baardheere ayaa kamid ah meelaha sida weyn loogasoo dhaweeyay in Beeraha latacbado islamarkaana WFP shaqada laga joojiyo.

Soo dhawayntan kasoo yeertay Beeralayda Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii Xarakada Shabaab ay shaqadii ka joojisay WFP oo diiday in ay raashinka ka Iibsato Beeralayda Soomaaliyeed.


Daahir Guuleed
Wararkamaanta@hotmail.com
Muqdisho, Somalia
http://allgedo.com/Somal/beerlayda_gedo ... omalia.htm
User avatar
Somali_Boqor
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 319
Joined: Fri Jan 08, 2010 6:16 am

Re: Road to Self-Sufficiency

Post by Somali_Boqor »

:clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”