Labour party wants votes from the Somaliland community In Uk

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Labour party wants votes from the Somaliland community In Uk

Post by The_Emperior5 »

Dawladda Ingiriiska oo Sheegtay in Caawimooyinka ay Siiso Somaliland ku Xidhan Yihiin Qabsoomidda Doorashooyinka



BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND









London 03/03/2010 - Dawladda Ingiriiska, ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso taageerada dhaqaale ee ay u fidiyaan Somaliland haddii doorashooyinka soo socdaa u qabsoomi waayaan si xor iyo xalaal, isla markaana caawimooyinku ku xidhnaan doonaan hadba sida doorashadu u qabsoonto.


Image

Wasiirka horumarinta dibedda Ingiriiska Md. Gareth Thomsan oo uu Khadar Xasan Cali oo ka tirsan Jamhuuriya Times shalay kula kulmay magaalada London, ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku joojin doonto caawimooyinka ay u fidiso Somaliland haddii doorashooyinka soo socda u qabsoomi waayaan xor iyo xalaal ah.

Image


Taageerada iyo gargaarka dawladda Ingiriisku siiso Somaliland waxay ku xidhnaan doontaa doorashooyinka Somaliland hadba siday u dhacaan, waxaanan taas ula jeeda waa inay doorashooyin xor iyo xalaal ah dalka ka qabsoomaan marka hore, caawimooyinkuna waxay ku xidhaan doonaan hadba sida doorashooyinku u qabsoomaan, haddii kale oo doorashooyinkaasi qabsoomin waayaana caawimooyinka waanu joojinaynaa.”


Image

Waxaa kale Wasiirka Horumarinta Dibadda Britain Md. Gareth Thomsan ka warramayey caawimooyinka kalee dawladda Ingiriisku siiso Somaliland oo uu ku tilmaamay mid dhinacyo badan leh; sida waxbarashada, nabadgelyada, caafimaadka iyo mashruuca la-dagaallanka kaneecada oo ay gacan weyn ka geystaan, “Kaalmada Ingiriisku siiyo Somlailand waxay suurgalisay in 30 kun oo arday dugsiyada Somaliland maanta dhigtaan iyo tababarro dhinaca caafimaadka oo aanu u fidinay 500 dhakhtar,” ayuu yidhi Gareth Thomsan.

Image

Dhinaca kale; xaflad ballaadhan oo loogu ololaynayey Xisbiga Shaqaalaha dalka Ingiriiska, ayaa habeenimadii Salaasada lagu qabtay xaafadda Harrow oo ku taal galbeedka magaalada London, taasoo ay ka qaybgalay wasiirro miisaan culus ku leh dawladda Britain, masuuliyiin reer Somaliland ah iyo dad aad u tiro badan oo ka mid ah jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan UK.


Image

Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen haweenka reer Somaliland, waxa dadka ka qaybgalay ka mid ah Khadar Xasan Cali oo ka tirsan xafiiska Jamhuuriya Times ee London, waxaannu innooga diyaariyey warbixintan:

Image

Munaasabaddan oo ahayd mid ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka qayb dad aad u tiro badan oo reer Somaliland ah iyo madax sare oo ka tirsan dawladda Britain, sida wasiirrada Arrimaha Gudaha Allan Johson (MP), arrimaha bulshada iyo dawladaha hoose Shahid Malik, horumarinta dibbada Gareth Thomas, Xildhibaanka degmada Harrow Tony McNutly, wasiir-ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi Yuusuf, gudoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdiqaadir, wakiilka Somaliland ee dalka Ireland Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, Guddoomiyaha urur-jaaliyadeedka Somaliland ee SSUK Axmed Daahir Cilmi iyo masuuliyiin ka kala socday axsaabta siyaasadda Somaliland.

Image

Ugu horreyn, waxa halkaa hadal mahadnaq iyo soo dhoweyn ah ka jeediyey Md. Tony McNutly oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Ingiriiska oo laga soo doortay xaafadda kulanku ka dhacay ee magaalada London, isagoo geesta kalena ku dhiirrigeliyey dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska inay ka qaybqaataan codaynta doorashada guud ee lagu waddo inay bilaha soo socda ka dhacdo dalkaas Ingiriiska, si ay cid matashasha oo codkooda ku hadasha ugu yeeshaan siyaasadda


Image



Intaa kadib waxa hadalka la wareegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ingiriiska Mr. Alan Johnson oo si dulmar ah uga sheekeeyay taariikhda dheer ee uu soo maray xisbiga Shaqaalaha ee dalka Britain oo sannadkan u dabbaaldagay sannad-guuradiisii 110-naad ee ka soo wareegay markii ay ku midoobeen 129 urur oo shaqaaluhu lahaayeen xisbigan siyaasiga ah.

Image


Alan Johnson waxa uu ku nuux-nuuxsaday waxyaaabaha la taaban karo ee xisbigiisu dalka ku soo kordhiyay oo ay ka midka yihiin daryeelka guud ee caafimaadka, horumarinta waxbarashada iyo kaalamada dibadda, “Xisbigani waa kii u horreeyay ee nin madow baarlamaanka u soo doorta, waa xisbiga muslimkii u horreeyay wasiir ka noqdo iyo waxay noo noqon doontaa guul weyn in dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriisku ku soo biiraan baarlamaanka, waxaanan aad ugu faraxasanahay in xisbiga Shaqaaluhu yeesho saaxiibbo reer Somaliland ah, waana markii u horreysay ee aan kulamo la yesho dad reer Somaliland oo sidaa quruxda badan u wada lebbisan,” ayuu yidhi Wasiir Alan Johnson

Image

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha ee Ingiriiska Md. Shahiid Maalik oo halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dadaalka uu xisbigani u soo galay la dagaallanka cusuriyadda iyo dadka laga tirada badan yahay, waxaannu yidhi; “Xisbigani waxa ka dhex jira caddaalad iyo sinnaan aydaan ka heli Karin xisbiga kale ee Garabka Midigta (Conservative). Anigu waxaan nin muslim ah oo Ingiriiska ku dhashay, waxa la odhan jiray barigii hore waa la noqonayaa markii danbena maydka ayaa la dalkii lagu celin jiray iminka xataa maydka halkan ayaa lagu aasaa oo dadka in yar ayaa noqota ee dalkan wax ka qabsada oo siyaasadda gala codeeya oo isdiiwaagaliya

Image

Mr. Maalik waxa kale oo uu ku ammaanay dadka reer Somaliland xasilloonida iyo deganaashaha uu dalkoodu ku nagaaday halka hareerahooda dab badan ka holcayo, waxaanu ballanqaaday in dhawaan dalka Ingiriiska la mamnuuci doono ururka Al-shabaab.

Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ah suxufi caalim ah, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey taariikhda dadka reer Somaliland la wadaagaan boqortooyada Ingiriiska, isaga oo ku dheeraaday inta uu ka xasuusto muddadii uu yaraa Somaliland ahayd maxmiyad ka tirsan Ingiriiska, ka hor intii aanay xornimada ka qaadan 26 June 1960.

Image


Gudoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga mucaaridka ah KULMIYE Md.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isaguna munaasibaddaas ka hadlay ayaa yidhi; “Ma ahi kolley qofka idiinku weyn, laakiinse waxaan ahayn nin noloshiisa intii badnayd ku noolaa Ingiriiska, waxaan ka soo baxay dugsiga Holland Park oo aannu wada dhigan rag ay ka mid yihiin Hillary Benn oo wasiir ahaan jiray, xisbigana ilaa markii aan dugsiga dhigan jiray ka mid baan ahaa, markaa xisbi caddaalad iyo sinnaan dhexdiisa laga heli karo oo u ololeeya dadka laga tirada badan yahay sidii ay xaqooda u heli lahaayeen weeyaan Xisbiga Shaqaaluhu.”


Waxa uu intaa ku daray in dhawaan markii shilku ku dhacay uu daaweyn fiican ka helay cisbitaalkii la dhigay, taasina ay tahay faa’iidooyinka xisbigan labour-ka Ingiriisku u leeyahay bulshadda.

Waxa kaloo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdi Yuusuf iyo xildhibaankii u horreeyey ee Soomaali ah ee loo doorto golaha degaanka dalka Ingiriiska Mr. Cabdillaahi Maxamuud.


Ugu dambayn, Wakiilka Somaliland ee dalka Jamhuuriyadda Ireland Mr. Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, ayaa isagoo ku hadlayey magaca xukuumadda iyo shacbiga Somaliland si weyn ugu mahadceliyey kooxda wasiirrada Ingiriiska ah ee kulanka fadhiyey, waxaanu ku dhiirrigeliyey haddii xukuumdoodu aqoonsato Somaliland inay noqon doonto markii u horreysay dawlad Labour ah aqoonsi caalami ah siiso dal hore uga tirsanaa maxmiyadihii Ingiriisku gumaysan jiray. Fanaaniinta waaweyn ee reer Somaliland Fuaad Cumar Yare iyo Nimco Yaasiin ayaa iyaguna heeso macaan oo waddaniya qiirana galiyay ka qayb galayaashii xaflada halkaasi ku soo bandhigay.

Munasabaddan ayaa ka duwanahayd kuwo hore oo loogu sameeyay wasiirka dibadda oo u muuqda mid mararka qaar isku khalda Somaliland iyo Soomaaliya, halka raxanta kale wasiirrada ahna ay si fiican ugu kala soocan yihiin labada dal.


Kulankan waxa hagayay Cumar Axmed oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland oo sannadkan u sharraxan tartanka doorashada dawladaha hoose magaalada London, waxana soo qabanqaabiyay Xannaan Ibraahim iyo Sahra Ismaaciil oo ka mid ah haweenka reer Somaliland ee ku dhaqan galbeedka London.”

Source: Jamhuuriya
Xamari_76
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4939
Joined: Mon Feb 25, 2008 1:24 am

Re: Labour party wants votes from the Somaliland community In Uk

Post by Xamari_76 »

Are they not the current ruling party? yes meaning they are out for easy votes.
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Labour party wants votes from the Somaliland community In Uk

Post by abdikarim86 »

there's some quite important people in these pictures ....home sectretary,foreign secretary
i mean are our votes that important? :lol: ...somalis are after all probably half a percent of the uk's population
User avatar
*Nobleman*
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6864
Joined: Wed Jul 13, 2005 2:49 pm
Location: United- Not arrogant, just better

Re: Labour party wants votes from the Somaliland community In Uk

Post by *Nobleman* »

My next door neighbour and macaalin from malcaamad back in the day are in those pics.

Some very senior UK ministers. Odd that they would come to a somaliland xaflaad.
LobsterUnit
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10442
Joined: Mon Nov 02, 2009 2:19 pm
Location: singapore

Re: Labour party wants votes from the Somaliland community In Uk

Post by LobsterUnit »

SOmalis wey ilbaxen these days.There is some sort of political/other gathering where some local mps are invited. they even brought an mp to speak at an eid gathering.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”