Puntland forces escort back
Posted: Sat Mar 06, 2010 1:12 pm
Somaliland owned trucks to border .
Wararkii Ugu Dambeeyey Ee 25-kii Gaadhi Ee Ciidamada Puntland Soo Gaadhsiiyeen Xuduudka S/land iyo Puntlanad
Garowe(TVSLE)- Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland, ayaa soo gaadhsiiyay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia shan iyo labaatan gaadhi oo laga leeyahay Somaliland oo dhawaan rashin mucaawimo ah oo ay lahayd WFP oo ka soo dagay dekadda Berbera gaadhsiiyay magaalada Gaalkacayo ee maamulka Puntland.
Gaadiidkaasi oo laba ka mid ahi ay ahaayeen shanty gaadhi ee budhcad hubaysani ay dhawaan ka afduubeen magaalada Gaalkacayo lana tageen degmada Jariiban ee gobolkaasi mudug ee Somalia.
Gaadiidkaasi oo tiradsoodu tahay 25 gaadhi oo si nabad galyo ah shalay ku soo gaadhay fadhiisinka ciidamada qaranka ee jiida hore ee Tuka-raq ee deegaanka gobolka Sool ayaa la sheegay in ciidamada maamul goboleedka Puntland ay soo gaadhsiiyeen xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Somalia, kuwaas oo si nabad galyo ah ku soo gaadhay ciidamada qaranka somalilland ku sugan tuulada Tuko-raq ee ku taala sohdinta.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool Maxamed Saleebaan Gooni, oo aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan magaalada Laascaanood oo aanu wax kaga weydiinay arimaha la xidhiidha gaadiidka Somaliland laga leeyahay ee soo gaadhay ciidamada qaranka ee jiiddda hore ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Gaadiidkaasi oo tiradoodu tahay shan iyo labaatan gaadhi oo ka mid ahaa gaadiidkii raashinka mucaawinad ah u qaaday gobollada dhexe ee Somalia way soo gaadheen dalka si nabadgalyo ah ayaanay kaga soo gudbeen xuduudka wakhtigan xaadirka ahna gaadiidkaasi magaalda Laascaanood way soo dhaafeen”
Mar aanu taliyaha weydiinay ciidamadii Puntland ee la sheegay in gaadiidkaasi ay soo gaadhsiiyeen xuduuda in si fool ka fool ah ay ciidamada qaranka ugu soo wareejiyeen iyo in gaadiidkaasi ay ku jiraan kuwii budhacada hubaysani ay ka afduubeen magaalada Gaalkacayo, waxa uu yidhi taliyuhu “runtii laba ka mid ah shan iyo labaatanka gaadhi ayaa ka mid ahaa gaadiidkii la afduubay, kuwa puntlandna waxay soo gaadhsiiyeen xuduuda fadhiisinadooda ka dibna gaadiidkaasi waxa ka hortagay oo soo galbiyey ciidamada qaranka somaliland ee xuduudka ku sugan”
http://www.tvsomalilandeurope.net/?page ... Detail=738