Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
Wafti Salaadiin, Guurti Iyo Abwaano Iskugu Jira Oo Maanta Jabuuti Ugu Kicitimaya Si Ay Uga Qayb Galaan Marti Qaad Lagu Maamuusayo Ugaaska Beesha Ciise
“Socdaalkayagu Waa Mid Dhaqan Wax Siyaasad Ahna Shaqo Kuma Laha”
Guddoomiyaha Gudida Joogtada Guurtida Muxumed Aw Axmed
Hargeysa, March 7, 2010 (Haatuf) – Wafti ka socda salaadiinta guud ee beelaha dhexe ee reer Somaliland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha guurtida iyo abwaano ayaa saaka u kicitimi doona dalka Jabuuti oo lagu marti qaaday ka qayb galka martiqaad lagu maamuusayo ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin oo ay u qabandoonaan ganacsatada reer Jabuuti ee ka soo jeeda reer Somaliland oo todobaadkan lagu qabandoono dalkaasi Jabuuti.
Waftigan ka socda salaadiinta guud ee beelaha reer Somaliland oo u tusmaysan dhigaha ay ka kooban yihiin sideeda beelood ee reer sheikh Isaxaaq, xubnana ka yihiin xubno ka tirsan golaha guurtida iyo abwaanada caanka ah ee reer Somaliland, ayaa gudoomiyaha gudida joogtada ee golaha guurtida Muxumed aw Axmed Xaaji Aadan oo ka mid ah waftiga ay salaadiintu hogaaminayso ee u kicitimi doona maanta dalka Jabuuti ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey in ujeedada wafdigoodu ay salka ku hayso mid dhaqan oo looga soo fidiyey marti qaad ay maalqabeenada reer Jabuuti ee ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland gaar ahaana beelaha dhexe ay u sameeyeen ugaaska beesha Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin, inay kala soo qayb galaan isagoo intaa ku daray in waftigoodaasi oo ay hogaaminayaan salaadiinta beelaha dhexe, uu yahay mid dhaqan oo aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn isagoo ugu horayn ka hadlaya xubnaha waftigooda ee ay salaadiintu hogaaminayso oo iskugu jira xubno ka tirsan golahooda guurtida iyo abwaano waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “waftigayagan ay hogaaminayaan salaadiintu ee Jabuuti u kicitimaya waa mid ka dhashay marti qaad ay noo soo fidiyeen ganacsatada reer Jabuuti ee ka soo jeeda beelaha dhexe ee reer Somaliland, oo nagu martiqaaday inaanu kala qayb galno martiqaad maamuus ah oo ay dhawaan ugu samayn doonaan dalkaasi ugaaska cusub ee beesha Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin ee dhawaan lagu caleema saaray magaalada Saylac ee Somaliland, waana mid ku kooban waftigu ka qayb galka martiqaadkaasi, wax siyaasad ahna shaqo kuma laha”.
Gudoomiyaha joogtada mar aanu waydiinay salaadiinta waftigooda hogaaminaysa iyo xubnaha ka kala socda golahooda guurtida iyo abwaanada ee maanta u kicitimi doona dalka Jabuuti magacyadooda oo u tusmaysan dhigaha sideeda beelood ee ay ka kooban yihiin beelaha reer sheikh Isaxaaq ee Somaliland,ayaa isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi “waftigayaga waxa hogaaminaya salaadiinta oo ay ka mid yihiin, suldaan Xasan suldaan C/laahi suldaan C/raxmaan, suldaan Maxamed suldaan C/qaadir, suldaan C/laahi suldaan Cali, suldaan Cumar suldaan Maxamed suldaan Faarax, suldaan Axmed daahir Muuse, suldaan Daahir Aamin, suldaan Maxamed Maxamud Xandule”.isago ka hadlaya xubnaha golahooda guurtida ee waftigaasi ka mid noqon doonana waxa uu yidhi “xubnaha golahayaga guurtida ka mid noqon doonana waxa ka mid ah Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe), Axmed Muuse Obsiiye, Maxamed Maxamud Diiriye, Maxamed Jaamac Abokor”
Mar aanu wax ka waydiinay xubnaha abwaanada ah ee waftigoodaasi ku jirana waxa uu yidhi “waxa ka mid ah abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), abwaan Xasan Xaaji C/laahi (Xasan ganay), abwaan Axmed Saleebaan Bide, Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Maxamed Aadan Dacar”. Dhinaca kale ila wareedyo aanu ka helnay waftigaasi u kicitimaya dalka Jabuuti ayaa noo xaqiijiyey in waftigaasi uu ka mid noqon doono mulkiilaha shirkada Dahab shiil Maxamed Siciid Ducaale.
Sidoo kale Waftigan salaadiinta guurtida iyo abwaanada iskugu jira ee u ambabixi doona maanta dalka Jabuuti ayaa ah waftigii ugu miisaanka waynaa ee ka socda Somaliland ee u kicitima dalkaasi, kuwaas oo kaga qayb gali doona casuumad maamuus ah oo dhawaan loo qaban doono ugaaska cusub ee beesha Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin, oo 1/3/2010 xafladiisa caleema saarka lagu qabtay magaalada Saylac ee gobolka Salal ee Somaliland, taas oo ay si rasmiya u caleema saarteen beesha Ciise ee dagta Somaliland, Jabuuti iyo Ethiopia, isla markaana ay xafladiisa caleema saarka ay ku kulmeen madax ka kala socoto xukuumada Somaliland, dalalka Jabuuti iyo Ethiopia.

Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
The ciise ugaas

- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
ugaasku waa nin yar, rageedii buu u eegyahay

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
emperor does not the guy in the middle of the lower part os pictures you suldaan
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
yes the guy underneath the ciise ugaas is sultan xassan sultan Cabdilahi sultan Cabdiraxmaan Sultaan Diiriye Sultan Cabdalle.hargaysaay wrote:emperor does not the guy in the middle of the lower part os pictures you suldaan
The habarawal Sultan weye

- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
axmed cabdala weeyaan soomahaThe_Emperior5 wrote:yes the guy underneath the ciise ugaas is sultan xassan sultan Cabdilahi sultan Cabdiraxmaan Sultaan Diiriye Sultan Cabdalle.hargaysaay wrote:emperor does not the guy in the middle of the lower part os pictures you suldaan
The habarawal Sultan weye![]()
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
Haa wa Axmed cabdalle 

- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
horta emperor axmed cabdala iyo reer samatar oo laysku daray nuux ismaaciil abtirsiimo ahaan may isku dhigmaan
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
hargaysaay wrote:horta emperor axmed cabdala iyo reer samatar oo laysku daray nuux ismaaciil abtirsiimo ahaan may isku dhigmaan
Sideed ka wadda
axmed cabdalle
and samatar cabdalle wa walalo dee
and cabane cabdalle
axmed Nuux ismacil and
cabdale sicid ismacil ba siman
waxa la isku yidha yoonis nuux
Reer gadiid
reer xoosh
reer shirdoon
reer samatar and reer gadiid ba siiman
reer cabanne and reer xoosh ba siman
reer shirdoon and reer axmed cabdalle ba siman
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
is reer cabane the ones that cabdi qays is from
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
yep thats himhargaysaay wrote:is reer cabane the ones that cabdi qays is from
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
they are called nuux ismaaciil why dont you call your self siciid ismaaciil
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
Because i am laandhere Dont need to call my self sicid ismacil samatar baan istaagahargaysaay wrote:they are called nuux ismaaciil why dont you call your self siciid ismaaciil
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: Somaliland elders invited by the Ciise ugaas In Djibouti
I dont know but all you guys stand behind nuux ismaaciilThe_Emperior5 wrote:Because i am laandhere Dont need to call my self sicid ismacil samatar baan istaagahargaysaay wrote:they are called nuux ismaaciil why dont you call your self siciid ismaaciil

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 1451 Views
-
Last post by Mondey
-
- 178 Replies
- 16812 Views
-
Last post by DonCorleone
-
- 124 Replies
- 6465 Views
-
Last post by skywalker25
-
- 4 Replies
- 561 Views
-
Last post by RuralMan08
-
- 5 Replies
- 542 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 16 Replies
- 1977 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 39 Replies
- 1876 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 0 Replies
- 2070 Views
-
Last post by The_Emperior5