Sanadihii la soo dhaafay waxaa jiray dhaqdhaqaaq aan la yaraysan karin oo ka bilaabmay dhamaan Gobolada Somaliland kaas oo dadka degaan waliba iska saaray masuuliyad inay ka tashadaan mustaqbalka caruurtooda iyo danyartooda, waxaa cid waliba is tusaalaysay marka laga yimaado maamul ahaan wixii laga helayo in aan la dayicin awoodaha iyo waxa cid waliba iskeed u qabsan karto , oo ay ugu horaysay in wax laga qabto arrimaha bulshada, Waxbarashada, Caafimaadka biyaha I,W.M, dhaqdhaqaaq yadaas waxaa qayb libaax ka qaatay dadka ku dhaqan gudaha wadanka iyo dabcan dibadaha fog, hadaba iyadoo nolosha aadamiga uu ku jiro qayb tartan ahi ayaa durba la arkaa in ay ku kala horeeyaan goboladaasi dhanka waxwada- qabsi iyo horusocodka , hadaba hadii hal qaaciido lagu guulaysto waxaa mudan in la maro wadada qayrkaa ku guulaystay, way jirtaa waxyaabo badan oo la qabtay gaar aahan Gobolka sanaag balse marka la qiyaaso awooda dadka degan gobolka waxaa la tebayaa in ay maqan tahay awood fara badan,dadku siyaabo badan ayuu wax u dhisi karaa, muhiimadu maaha in qaadhaan la ururiyo dabadeedna la yidhaahdo halkaas iyo halkaas wax halaga qabto lakin waxaa meesha ku jirta Cilmiga , talada iyo tusaalaha ayaa wanaagsan in lagu xisaabtamo.
Hadii aan tusaale u soo qaadano Gobolka Togdheer oo dhaca dhanka galbeed gobolka sanaag, waxaa mudooyin badan ka jiray Colaado sokeeye oo aan ka dhicin gobolka Sanaag, lakin wuxuu uga soo kabtay si dhakhso ah lamana qiyaasi karo hada in mar uun rabashado iyo colaado ka dhaceen Akhriste is waydii oo ma dadkaa kala duwan?
waxaa lagu sheegaa in Gobolka Sanaag ka khayraad badan yahay Toghdheer iyo guud ahaan Somaliland, hadana qiimaha Dolarka waxaa laga ogaadaa subaxkasta Burco iyo Boosaaso, Akhriste marka aad magaalada burco u jirto dhowr iyoo labaatan kilo mitir waxaad bilaabaysaa araga dhulbeereed aan kala go' lahayn hadii uu jiro in uun hanti badan oo ceegaagtaa, inaad ka baahnaataa miyaanay kuu ahayn liidnimo?
Ururada ay ku midaysan yihiin reer Togdheer ee ka dhisan dibadaha sida TAF oo kale waxay ka duulaan hal point kaas oo ah wax hala qabto, hadii intaas la joogona waxaa la qabtay qayb ka mida wixii ku talo galku ahaa. afar Biriish, Jaamacad, Cusbitaalo,Wershedo Iyo waxyaabo kale oo aan la soo koobi karin ayaa ka hirgalay mudo ka yar shan sanadood waa wax wayn oo muujinaya sida bulshadu wax u wada qabsan karto.
Guntii iyo gebagabadii Odhaah somaliyeed baa ahayd "Biyo gacmahaaga ayaa lagaga dhergaa", hore u socod iyo qof walba oo aqoonsada awoodiisa iyo wuxuu qaban karo isagoo aan eegin waxa qof kale qaban waayay, suurtagal maaha in dadku wadada saxda ha hal mar wada fahmaan, xaasilka iyo hawl oo dhami hal meel bay u wada socdaan, balse Samirka oo la laasimaa waa wadada saxda ah.. Madaama uu sabirku adagyahayna danbeetadiisa ayaa malab noqon doonta, Qalinku wuxuu ku talinayaa in la fahmo ujeedada hayaanka.
Can Sanaag Region Compete with Togdheer Region?
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 95 Views
-
Last post by Cilmiile
-
- 7 Replies
- 731 Views
-
Last post by mahoka
-
- 5 Replies
- 1256 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 15 Replies
- 1835 Views
-
Last post by Xplosive
-
- 14 Replies
- 3910 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 2 Replies
- 1790 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 0 Replies
- 1447 Views
-
Last post by Somali2003
-
- 6 Replies
- 1099 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 83 Replies
- 8634 Views
-
Last post by Murax
-
- 3 Replies
- 933 Views
-
Last post by gurey25