Clashes continue between Shabaab and Hizbul Islam in Mogadis

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
galia2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 492
Joined: Thu Oct 15, 2009 12:32 pm

Clashes continue between Shabaab and Hizbul Islam in Mogadis

Post by galia2 »

These two groups have now seriously created a huge rift between each other.
Horjooge sare oo ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay isgoyyska Sanca ee magaalada Muqdsiho,halka iska hor imaad kale oo dhexmaray Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku geeriyootay Haweeneey rayid ah.

Arinta la xariirta geerida ku timid horjoogaha ka tirsan Maleeshiyada Shababaab oo lagu magacaabi jiray Gaagaale ayaa timid kadib markii Maleeshiyada Shabaab ay ka dhaadhiciyeen labo maleeshiyo oo ka mid ah Xisbul Islaam oo horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Dinix oo ku sugnaa isgooska Aadan Cadde in ay ku biiraan Shabaab, waxaana Maleeshiyada Shabaab ay geeyeen ragaasi degmada kaaraan ,hayeeshee waxa ay maleeshiyadasi isku dayeen markale in ay ka dhaadhiciyaan maleeshiyo kale oo Xisbul islaam ka mid ah in ay iyaga raacaan, kadibna waxaa lagu balamay isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdsho.

Xaaladda ayaa xumaatay kadib markii ninka ka tirsanaa kooxda Xisbul Islaam ee ku balansanaa in uu ku biro kooxda Shabaab, uu tacshiirad ku furay kooxdii Shabaab ee ku sugnaa Isgoyska Sanca,halkaana uu ku geeriyooday ninkan lagu magacaabo Gaagaale oo ahaa horjooge ku xigeenka Gobolka Banaadir,waxaana laga qaatay gaarihii uu watay oo noociisu ahaa TOYOTA Hilux SURF.

Dhanka kale israsaasayn maanta ku dhexmaray labada maleeshiyo ee xisbiga iyo Shabaab isgooyska Bar ubax ayaa waxa ku geeriyootay haweeney halkaasi Shaah ku iibineysay,Arintaan ayaa la rumeeysanyahay in ay la xariirto falkii uu ku geeriyooday horjoogihii Shabaab ee Gaagaale .

Xurgufta u dhexaysa kooxaha shabab iyo xisbiga ayaa qayb ka ah falal u gaarsi ah oo maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay kooxahaasi ,taas oo muujineeysa sida ay ugu fashilmeen is xulufeeysigii dhinaca dagaalka ahaa oo ka dhaxeeyay labadaasi kooxood,oo dhibaatooyin farabadan ku haya shacabka Soomaaliyeed.
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Clashes continue between Shabaab and Hizbul Islam in Mogadis

Post by Somalian_Boqor »

galia2 aren't you Habar Gidir?
galia2
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 492
Joined: Thu Oct 15, 2009 12:32 pm

Re: Clashes continue between Shabaab and Hizbul Islam in Mogadis

Post by galia2 »

Somalian_Boqor wrote:galia2 aren't you Habar Gidir?
and so????
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”