Desperate attempts by Shabaab but it will fail miserably

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Desperate attempts by Shabaab but it will fail miserably

Post by The_Patriot »

Saraakiishii Shabaab oo Kismaayo kula kulmay Beesha Absame

Shalay gelinkii danbe kulan ka dhacay xarunta gobolka ee K2 oo ay isugu yimaadeen xarakada Shabaab iyo odoyaasha Beesha Absame ayaa waxa laisku afgartay qodobo dhowr ah kuwaa oo ay labada dhinacba isku raaceen in ay meel mariyaan.

Beesha Absame iyo Saraakiishan waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen siyaasada Gobolka, waxaana kulankaas ahaa mid lid ku ahaa sheekh Axmed Madoobe oo dagaal kula jira Shabaab.

Saraakiisha Shabaab ee kulankaas ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa sheekh Xassan Turki, Mukhtaar Roobow, Fuad Shongole, Dulyadeyn, Xuseen Cali Fiidow, Burhaan iyo kuwa kale, waxaana la sheegay in kulankaas uu ku jiray Axmed Godane oo qarsoodi uga qeyb qaatay.

Odayaal, waxgarad iyo salaadiin ka soo jeeda Beesha Absame oo looga kala yeeray magaalooyinka Dhoobley, Afmadow, Bu'aale Badhadhe iyo deegaano kale oo ka tirsan Jubooyinka ayaa waxay ku kala saxiixdeen heshiis dhowr qodob ka kooban.

Qodobada ay isku afgarteen waxa kamid ahaa:-
1)In la taageero Heshiiskii ka dhacay magaalada baydhabo ee ay gaareen xarakada alshabaab iyo Ururka raaskaambooni

2)In Beesha Absame ay taageerto wilaayada islaamiga ah ee ka dhisan gobollada jubooyinka.

3)In cafis loo fidiyo islamarkaasina heshiis lala galo xoogaga dagaalka kula jira xarakada alshababa gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Dhamaan qodobadaasi iyo kuwa kale ayay isku afgarteen labada dhinac in la meel mariyo.

Afhayeenka Shabaabka ee Jubooyinka Xasan Yacquub ayaa saxaafada uga warbixiyay, isagoo sheegay in kulankaas muhiim u ahaa labada dhinac, waxaana uu tilmaamay in Beesha Absame ay ka mid tahay beelaha garabka siiyay Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale nin sheegtay in uu yahay Afhayeenka Beesha Absame Ismaaciil Haaruun, oo uga warbixiyay saxaafadda kulanka ka dib ayaa waxa auu sheegay in heshiiskii ay gaareen odoyaasha beesha absame iyo xarakada alshabaab uu yahay mid ay labada dhinac isku raaceen in ay ilaaliyaan, waxa uuna sheegay in dhankooda ay ka go’antahay in ay meelmariyaan.

Dadka siyaasada Odorosa ayaa ku tilmaamay heshiiskaas in yahay kala qeybi Beesha Absame oo xukun.

Kismaayotimes.com
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Desperate attempts by Shabaab but it will fail miserably

Post by hanqadh »

waxaana la sheegay in kulankaas uu ku jiray Axmed Godane oo qarsoodi uga qeyb qaatay
Fuley!
In cafis loo fidiyo islamarkaasina heshiis lala galo xoogaga dagaalka kula jira xarakada alshababa gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
waa murtad Sh.Axmed eh xaguu joogaa cafisku, mise dantu markay timaato baa Islaanimada lagu soo celin :lol:

Shabab iyo Absame way u kala dhamaatay, Wiilasha xadka fadhiya cannot go back now. :up:
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Desperate attempts by Shabaab but it will fail miserably

Post by The_Patriot »

hanqadh wrote:
waxaana la sheegay in kulankaas uu ku jiray Axmed Godane oo qarsoodi uga qeyb qaatay
Fuley!
In cafis loo fidiyo islamarkaasina heshiis lala galo xoogaga dagaalka kula jira xarakada alshababa gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
waa murtad Sh.Axmed eh xaguu joogaa cafisku, mise dantu markay timaato baa Islaanimada lagu soo celin :lol:

Shabab iyo Absame way u kala dhamaatay, Wiilasha xadka fadhiya cannot go back now. :up:
They are trying to appease Absame they think itys like 2006 :lol: :lol: :lol:

IF TFG takes over Kista we will not harbour this Animals in our back yards :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”