(Hadhwanaagnews) Thursday, March 11, 2010


Burco: Wefti ballaadhan oo hor kacayo Guddomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali waraabe ayaa si weyn loogu soo dhoweyey Saaka Burco, weftigan oo ay ka mid ahaayeen Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland mudane c/raxman maxamed c/laahi (C/raxman Cirro), Guddomiyaha kuxigeenka Xisbiga UCID Mudane Aadan Maxamed Mire waqaf,Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ka mid yahay Xildhiban ibraahin Mahdi Buubaa,Xildhiban Xusen Maxamed Cige iyo weliba xubno sar sare oo ka tirsan Xisbiga UCID.

Weftigan oo abbaaro 10:00kii subaxnimo ee saaka soo gaadhay magaalada burco ayaa lagaga hortagay degmada Qoyta ee dhinaca woqoyi ka xigta Magaalada Burco, waxaana weftigan ku soo dhoweyey degmadaasi iyo weliba magaalada Burco dad weyn aad u tiro badan, oo isugu jiray taageryaasha xisbiga UCID iyo Kulmiye, iyo sidoo kale masuuliyinta axsaabtaasi Kulmiye iyo UCID eegobolka Togdheer.

Guddomiye Faysal cali waraabe iyo wegtigiisa oo ay gelbinayeen boqolaal baabuur ahi ayaa waxa ay ku so degeen xarunta xisbiga UCID ee magaalada Burco, waxaana halkaasii dadweynaha kala hadlay Eng Faysal Cali waraabe, isago dadweynihii soo dhoweyey uga mahadnaaqay soo dhowenta ballaadhan ee ay u sameeyen shacabka reer togdheer.
Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng faysal ali waraabe oo khudbad dheer halkaas ka soo jeediyey waxa hadaladiisii kamid ahaa " walaalayal maanta waxaynu ku jirnaa xigaagad xafashtay hoosteed, waar digaagad xafashtay ma dhashaa waa maya waa sidaa xukuumadda hadda taladda haysaa" ayu yidhi Guddomiyuhu


Waxa uu sidoo kale Guddomiyuhu hadaladiisa ku soo daray Ballanqadyadii ay samayn jireen cid kasta oo xil u tar tamaysa, waxa uuna kala dooransiiyey Shacabkii madasha soo camiray shan sanno oo Dilaalnimo ah iyo 5 sano oo horumar ah waxana uu yidhi "5 sano oo dillaalnimo ah ooo biyo la;aan ah, waxbarasho la’aan ah,caafimad la’aan ah, miyaan aqbalnaa" waxay dadkii mar qudha ku wada jawaabeen mayaaaaaaaa, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "5 sano oo horumar iyo 5ta sannadood ee baaba’ ah keebaynu dooraanaaaa, sidaas iyo dorasho ayaynu isku ognahay walaalayaal, yaan la idin iibsan oo codkiina la iibsan,kii ka qayilayow ka qayil lakin ha u codayn" sidaas ayu ku so gebogebayeyey hadalkisa Gudodmiyuhu.


Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland oo isaguna fagaraahasi ka hadlay ayaa dadka halkaas isugu so baxay Salaan iyo mahadnaqaballaadhan u jeediyey lakin isagu wax khudbad ah kama jeedin madasha, Sidoo kale waxa halkaasi isna salaan taasi la mid ah ka so jeediey Guddomiye ku xigeenka Xisbiga UCID mudane Aadan Maxamed Mire WAQAF.

Xildhiban Xusen Maxamed Cige oo ahaa xildhibaanadii ka soo baxay Gobolka Togdheer oo isna halkaasi ka hadlay aya Burco ku ammanay horumarka wuxuuna sheegay in ay gabeen hawhsii ay reer togdheer u dorteen wuxuuna yidhi "Rer Burcoow hawshii aad noo doorateen waanu gabnay, manaanan gabneene waxa naga hor yimid caqabado badan, oo waxba waa lanaga dhegaysan waayay, laakin murashaxiinta iyo madaxda cusub ee berri ayan rajaynaynaa inay wax naga maqli doonaan" ayu yidhi Xildhiban Cige.

Ugu danbayntii waxa laga dareeray madashii iyadoo dadku ay aad u damaashadsanaayeen, welina lama shaacin inta waftigani uu joogi Doono Gobolka, walow uu u xusay Guddomiyuhu markii u hadlayay in Gobolada bari oo dhan ay mari doonaan.
Dhanka kale waxa la filayaa in Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye uu isna illaa caawa soo gaadho magaaalada Burco, iyadoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin ujeedka safarada mucaaradka ee wakhtigan.


Mustafe Osman A/rahman
Hadhwanaagnews Burco /Ofice