Shabakadda Al-Shaahid qaybta afka carabiga oo HWF jabhadda la yeelatay wareysi dheer
Su’aal: Xaaladda Ogadenya siday tahay hadda?
Jawaab; xaalad dagaal ayuu ku sugan yahay dalka Ogadenya. Waana xaalad aad u qalafsan oo la mid ah xaaladda Gaza marka la eego cunaqabtaynta uu gumaysiga Itobiya saaray dalka Ogadenya. Farqiga kali ahee u dhexeeya waa Gaza oo caalamkoo idil isha ku hayo oo lala socdo haduu hal qof gaajo ugu dhinto oo aan weli dhicin iyo Ogadenya oo boqolaal qof lagu gumaadayo maalinwalba ama ay gaajo ugu dhimanaayan cuna-qabatynta darteed oo aan caalamka la soconin. Ogadenya waxaa ka jira xaalad lagu tilmaami karo mid aan caalamka ka jirin casrigan sababtoo ah waxaa Itobiya fursad loo siiyay inay shacabkaasi siday doonto ka yeesho oo aan lala hadlin iyadoo lagu mashquulay Darfur oo marka loo eego waxyaabaha ka dhacaya Ogadenya gaar ahaan intii ka dambysay 2007dii la odhan karo waa meel nabdoon Darfur. Inkastoo Itobiya ay ka soo saartey dalkaa dhamaan ururadii samafalka, xataa laanqayrt cas (Red Cross), hadana wax ka hadlay arimahaa ma jiraan oo ku cambaareeyey Itobiya. Sidaa oy tahay hadana Itobiya kuma aanay guulaysan inay shacabka Ogadenya ogolaadaan siyasadeeda ah adoonsiga.
S; Bilihii ugu dambeeyay dagaalada u dhexeeya jabhadda iyo ciidamada Itobiya way kululaadeen. Maxaa u sabab ah?
J; Dagaalka gobanimadoon marxalada kala jaad ah ayuu maraa. Marxalad walbana waxay ku xidhantahay duruurfaha markaa jira iyo cududada ciidanka gobanimadoonka. Ciidanka jabhadda ONLF hadda wuxuu gaadhay dhamaan dalka Ogadenya wuxuuna awood u yeeshay inuu xeryaha cadawga ka qabsado. Waa marxalad looga gudbi doono goor aan fogayn in magaalooyinka laga xoreeyo oo calnaka dalku leeyahay laga sudho.
S; Waxaa jirara warar sheegaya inuu dagaal adag idin dhex maro idinka iyo Liyu Bolis. Maxaa ka jira arintaa?
J; Waxaa jira dhaqamo caam ah oo gumaysiga uu wadaago. Waxaan ka mid ah inuu dadka uu gumaysto ka qorto ciidan la socda ciidamadiisa ama si goonidooda ah u dagaalama. Marka arintaasi ma’aha wax lala yaabo. Waxaan la soconaa inay la socdeen in ka badan 100,000 oo Algerian ah ciidamadii Fransiiska ee la dagaalamayay jabhadii NLF ee gobanimada Algeria dhalisay. Jabhad walba oo soo dagaalantay waxaa ka mid ahaa ciidamada ay la dagaalamayso qaar daba-dhilf ah oo la socda gumaysiga oo ama calooshii u shaqayste ah ama la soo qasbay. Ogadenya arimahaa oo kale umbaa ka jira, hasa ahaatee sida uu cadawga u buunbuuninayo uma jiraa. Dagaalka ugu badan uguna xoogan wuxuu dhex maraa ciidamada ONLF iyo ciidanka Itobiya oo xeryahooda lagu weeraro. Maleesiyaadka la sheegayo ee la yidhaahdo Liyu Boolis way jiraan hasa ahaatee ma’aha qaar soo dhaafa magaalada ay ilaaliyaan, hadii ay dhacdo in dagaalka lagu soo qasbana si dhibyar ayaa qoryaha looga qaataa. Waxaanan idiin sheegayaa inay yihiin maanta meesha ugu badan ee hubka ay ka hesho ONLF.
S; Dagaalada aad kula jirtaan ciidamada Itobiya waxay ku kooban yihiin gobolada qaarkood. Maxaa u saba ah arintaa?
J; Ugu horeyn ciidanka jabhadda maanta dhamaan gobolada Ogadenya wuu ku siman yahay. Hasa ahaatee goobta dagaalka lagu qaadayo iyo xerada la weeraryo waxaa kolba qorsheeya ciidanka jabhadda iyagoo fiirinaya duruufaha ka jira gobolkaa iyo ciidanka jooga dhibaatada uu ku hayo dadka shacabka ah. Si kooban hadaan kuugu sheego, dagaalada jabhadda maalinba maalinta ka dambaysa waxay ku sii fidayaan gabi ahaan dalka.
S; Waxaa la’idinku eedeeyaa inaad shacabka laysaan. Maxaad kaga jawaabaysaan arintaa?
J; Arimahan sheegaya inaan shacabka dilno ama ku xadgudubno waxay bilaabatay markii Itobiya lagu eedeeyay dambiyada dagaal ee ciidankeeda ay ka fulinyaan Ogadenya. Ujeedada ka dambaysana waa in la yidhaahdo labada ciidanba waxay sameeyaan xadgudub. Arintaana waxaa loo dhiibay oo faafiya dad Somali ah oo gumaysiga u adeegaya. Waxaan anaga caalamka oo idil gaarsiinay in dalka loo diro guddi madaxbanaan oo soo baara xadgudubka oo ciidanka Itobiya aanay la soconin. Markaa umbaa la ogaan karaa in ciidanka jabhadda dadka shacabka ah dilaan. Waxaa jira kuwa ciidanka la socda ee ama Liyu Booliska ah ama maleesiyaad la soo basbay ah oo dagaalka la soo gala ciidanka Itobiya oo sidaa ku dhinta ka dibna xaasaskoodii ay yidhaahdaan waxaa dilay jabhadda. Shacabka Ogadenya wuu ogsoonyahay xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka iyo kuwa laynaya, marka ha loo ogolaado saxaafadda caalamka iyo ururada xuquuqul insaanka inay tagaan dalka oy soo arkaan.
S; Waxaad naga siisaa tafaasiil dheeraad ah xaaladda insaaniga ah ee gobolka ka jirta.
J; Xaaladda insaaniga ah ee ka jirta Ogadenya aad ayay u qalafsantahay sidaan horeyba idiinku sheegay. Dambiyo aan horey uga dhici jirin dalka oo aan laga aqoon jirin geeska afrika ayay ciidanka Itobiya bilaabeen iyagoo amar ka haysta xukuumadda. Waxaa ka mid ah kufsiga haweenka iyadoon laa aaba yeelin mid yar iyo mid weyn. Arintaasi hadda ka hor kama dhici jirin geeska afrika mana ahayn dhaqan ay shucuubtan leeyihiin. Waxaa ka mid ah in qof shacab ah inta la soo qabto dadka hortiisa silig lagu marjiyo si loo argagax galiyo dadweynaha. Waxaa ka mid ah xabsiyada oo dadka aad loogu jidh dilo oo loogu faraxumeeyo. Waxaa intaa dheer dhaca iyo boobka joogtada ah ee hantida shacabka si loo abuuro macaluul iyo gaajo. Xataa dadka reer miyiga ah waxaa loo diiday inay keydsadaan wax ka badan 5 litir oo biya ah.
S; Dawladda Itobiya wax khadamaad ah ma gaarsiisaa gobolka sida waxbarashada iyo daryeelka insaaniga ah, maadaama ay ka joojisay ururadeed samafalka ee halkaa ka hawlgali jiray?
J; Jawaabta waa maya. Itobiya waxay doonaysaa inuu shacabka ka tago dalka. Xukuumada wayaanaha ee hadda jirta waxay fulinaysaa un siyaasadihii xukuumadii ay la soo dagaalantay ee Mingisto ee ku dhisnayd biyaha hala madhiyo si kaloonka loola soo boxo. Waxay aaminsan yihiin in nolosha CWXO ay ku dhisan tahay shacabka, marka waa in shacabka lagala dagaalamo nolosha si jabhadda loo soo qabqabto. Waa siyaasad aanu Mingisto horey ugu guulaysan kuwanna aanay ku guulaysan doonin.
S; Xukuumada Itobiya waxay idinku eedeysaa inaad caqabad klu tihiin horumarkii gobolka. Maxaad ka odhan lahayd arintaa?
J; Haddii ay xukuumadda ka wado joojiya dagaalka gobanimadoonka, jawaabta aan siinayno waa daglaakan ma joogsanayo ilaa shacabka Ogadenya loo ogolaado aayahiisa inuu ka tashado. Itobiya meesha kaliya ee horumar uu ka socdo waa gobolka Tigree waana la wada ogsoonyahay. Dalka intiisa kale waxaa ka jira macaluul iyo baaba’. Xataa warshadihii waxaa loo raray Makale. Horumarka aan doonayno hadaan nahay shacabka Somaliyeed ee Ogadenya wuxuu ka bilowdaa in marka hore aan xor ku noqono dalkanaga oo aan nala gumaysan.
S; Siduu yahay xiriirka aad la leedihiin shacabka:
J; Jabhad la dagaalamaysa gumaysi jiritaankeeda wuxuu ku xidhan yahay calaaqaadka ka dhexeeya jabhadda iyo shacabkeeda. ONLF waa jabhad shacbi ah, wax taageera ahna kama hesho caalamka intiisa kale. Dalkii Somaliyeed ee taageeri lahaa wad la socotaan inuu cadawga Itobiya ka taliyo oo waliba maamulada ka dhisan ay taageeraan Itobiya oo xubnaha jabhadda ee yimaada meelaha ay maamuladaa ka taliyaan u dhiibaan cadawga Itobiya. Sababta loo ciqaabayo shacabka Ogadenya ee cunaqabataynta loo saaray oo caalamka looga go’doomiyay waxaa sabab u ah xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya jabhadda iyo shacabka.
S; 25 sano ayaa ka soo wareegatay asaaskii jabhadda. Ma jirtaa wax la taaban karo ood keenteen?
J; Waxyaaba badan oo lagu tilmaami karo inay tahay mucjiso ayaa noo hirgalay. Waa marka ugu horeysee Itobiya ma’aanay filaynin inay sii jirto jabhadda ONLF. Waxyaabaha laga hayo KT. Zinawi waxaa ka mid ah 1996dii markuu odayaasha isugu keenay Qabridahare inuu ku yidhi; hadaydaan soo celinin wiilashiina duurka galay 2ba bilood ayaan maydkooda idiinkugu keenaynaa. Inay jabhadda ONLF noqoto ururka kaliyah ee diidan gumaysiga Itobiya iyadoo umadii Somaliyeed gees ilaa gees looga taliyo Adis-ababa waxaan ku tilmaami karaa inay tahay arin aan caalamka laga filayn. Waxaa intaa dheer, dagaalka siyaasdeed een kula jirno Itobiya oo sidaad la socotaan caalamka ka dhaadhicisay inuusan jirin qadiyad la yidhaahdo Ogadenya. Waxay Itobiya ka dhaadhicin jirtay caalamka inuu jiro khilaaf xudoodeed oo u dhexeeya Somaliya iyo Itobiya. Qarankii Somaliya wuu burburay, qadiyadii Ogadenyana way socotaa wayna sii xoogaysatay. Idan Itobiya waxay ku qasbantahay inay qadiyadda Ogadenya ku xaliso wadahadal ay la gasho shacabkii lahaa wadanka. ONLF maanta waa xooga gelgilaya Itobiya oo jabin doona Insha Alaah sida ay qorayaan dhamaan xogta hoose ee safaaradaha reer-galbeedka.
S; Diyaar ma u tihiin inaad la gashaan wadahadal xukuumadda?
J; 1994tii ayaan kula talinay Itobiya inay arinta Ogadenya wadahadal ku dhamaato. Waxaa la ogsoonyahay wufuudii ay jabhadda u dirtay ee sii qaaday jawaabaha ururka inay dhexda u galeen oy laayeen. Ururka ka taliya Itobiya ee TPLF geed dheer ayuu fuulay wuxuuna isu arkay inuu yahay quwadda ka jirta geeska afrika ee ka talinaysa. Sidaa darteed marka ay ka soo dagaan geedka oo xaqiiqada dhabta ah ay rumaystaan ee ah inaan shacabka Ogadenya xoog lagu maquunin Karin, qadiyadda Ogadenyana uu ka da’weyn yaya jiritaanka ururka TPLF, markaa ayuu wadahadal iman doonaa. Anaga dhankanaga laga bilaabo waqtigaa aan kuu sheegay ee 1994 waxaan diyaar u ahayn wadahadal.
S; Calaaqaadka aad la leedihii dawladaha carabta siduu yahay:
J; Carabta sidaad la socotaanba waxaa ku dhacay hasiimad nafsi ah, waxayna aamineen in aanay door ku lahayn siyaasadaha caalamka oo wixii lagu amro un ay qabtaan. Marka haddii qadiyadda Ogadenya ay dawladaha reer galbeedka soo faragaliyaan, waxaad arki doontaan carabaha oo noo soo kala ordaya. Cabashadaa ka dib; warqada badan ayaan u qornay dawladaha carabta. Qadiyada Ogadenya kuma cusba dawladaha carabta oo laga bilaabo 1950gii way la socdeen arimaha ka jira geeska afrika gaar ahaan Ogadenya. Ilaa hadda kama hayno jawaaba siyaasi ah aan ka ahayn taageero shacbi ah. Mu’tamarka Islamka waa munadamad jirta laakiin aan lahayn facaaliyaad. Waxyaaba badan ayay noo qaban karaan, hasa ahaatee waxaa hortaagan arima siyaasi ah oy ugu horeyso Itobiya oo gacanta ku dhigtay Somaliya oy u adeegsanayso in maxfalada carabta iyo islaamka lagaga ilaaliyo qadiyadeena. Arimahaasoo idil waan la soconaa.
S; Midowga Afrika aad ayuu u daneeyaa waxyaabaha ka dhacaya Darfur. Muxuu uga aamusan yahay arimaha Ogadenya?
J; Qadiyadda Darfur waxay noqotay qadiyad caalami ah, waxaana sabab u ah faragalinta dawladaha waaweyn oo ajandayaal gaar ah ka leh afrika. Sidaad ogsoontihiin waxaa ka mid ah qodobada u yaala afrika in aanay dawladaha is-faragalin oo dawlad walba siday doonto ula dhaqanto shucuubta ay xukunto ay ku jira xuduudihii ay gumaysiga uga tageen. Waxaan u sheegnay Afrika in qadiyadda Ogadenya ka duwantahay midaa sababtoo ah Itobiya waxay ka mid ahayd dawladihii ka qaybgalay shirkii lagu qaybsaday Afrika 1884 Berlin conference. Waa dawlad gumaysi ah. Hasa ahaatee dawladaha afrika oo midwlba mashaakil daakhili ah uu haysto, waxaad moodaa inaysan diyaar ahayn xalinta khilaafaadka dhexdooda ah. Waxaad la socotaan in Eretreeya aanay dawladaha afrika waligood ka hadlin ilaa ay ka xoroobaan gumaysigii Itobiya.
S; Dawladaha reer galbeedka siday u arkaan qadiyadiina?
J; Dawladaha reer galbeedka way la socdaan qadiyada Ogadenya, aadna way u danaynayaan in xal loo helo. Sida ay noo sheegeena way kala hadlaan dawladda Itobiya inay qadiyadda Ogadenya xal nabadeed u hesho. Waxaa kaloo ay cambaareeyaan dhibaatada xadgudubka ah ee lagu hayo shacbka aan waxba galabsan. Reer galbeedka waxay aad uga walwasan yihiin Itobiya oo qarka u saaran burbur iyo kala yaac. Nidaamka ka taliya ee TPLF diyaar uma ah inuu xukunka ku dhiibo si nabad iyo dimoqraadi ah. Marka waxay ka cabsanayaan in mashaakil balaadhan uu halkaa kaga furmo.
S; Maalmo ka hor waxay soo qabatay dawlada Itobiya iyadoo kaashanaysa maamulka SL Bishaara Wacdi. Siduu yahay calaaqaadka idinka iyo maamulka SL?
J; Sidaan horey u sheegay, maamulada ka jira Somaliya ee ama SL ah ama PL waxaa sameeyey Itobiya waxaana maamula sirdoonka Itobiya. Dadka la soo qabanayo ee loo dhiibayo Itobiya waxaa fulinaya sirdoonka Itobiya iyo qaar u shaqeeya Itobiya oo mushahar ka qaata. Maamulada halkaa ka dhisan ayaa isku daya inay abuuraan colaad labada shacab ah iyagoo fulinaya siyaasadda Itobiya ee ku dhisan in dagaala sokeeye oo qabiil ku dhisan inay ka abuurto Ogadenya dhexdiisa ama xuduuda Ogadenya iyo Somaliya. Dad badan oo shacab ah ayay maamuladan u dhiibeen Itobiya oo qaarkood aan dib dambe loo arkin, arintaasina waa mid taariikhda ku xusan oo mar un lagala xisaabtami doono dadka fulinaya arimahaa iyo kuwa amarka bixinayaba.
Ugu dambayntii waxaan ugu baqaaya umadda Somaliyeed inay gartaan dhibka haysta inuu uga imaanayo Itobiya. Caqliga saliimka ah wuxuu diidayaa inaad cadawgaaga ka dalbato inuu ku heshiisiiyo oo qaranimadii Umadda Somaliyeed wax ka soo celiyo. Waxaan u sheegaynaa shacabka Somaliyeed inay Itobiya aad daciif u tahay oo askarta kolba soo galaya dalkooda ay u imaanayaan un boob iyo dhaca shacabka. Haday doonayaan inay soo celiyaan qaranimadii ay lahaayeen ha midoobaan oo ha xusuustaan taariikhda umadooda.
F.G. Ka akhriso wareysigaa oo dhamaystiran http://www.alshahid.net (qaybta carabiga).
Hussein Nuur never fails to deliver....alow noo da halgamaaga.

He has put it very nicey, and in a very convincing manner...ONLF waa Dowlad.
