Shirki Buuro wadal !!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
canood
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 405
Joined: Sun Jun 29, 2008 11:17 am

Shirki Buuro wadal !!!

Post by canood »

Shirkii Buuro-Wadal Oo Burbur Ku Dhow Ka Dib Markii Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Isimada
Posted to the web on Mar 12
S

Shirkii beryahan dambe uga socday qaar ka mida Isimada gobolada SSB tuulada Buuro wadal ayaa waxaa uu u muuqdaa mib burburay ka dib markii ay qaar kamida garaadada halkaasi ku shirayay ay kalsoonidii kala laabteen shirkaasi iyagoo sheegay in shirka laga leexiyey wadadii ay doonayen inuu shirku ku socdo.



Garaad Cabdilahi Garad Soofe ayaa dhawaan mar uu waraysi siiyey idaacada VOA-da laanteeda afka somaliga ayaa waxaa uu sheegay inuu gabi ahaanba shirkaasi uu kalsoonidiisii uu kala laabtay waxaana uu sabab uga dhigay isagoo sheegay inuu shirku yahay mid lagu shirqolayo maamulka puntland waxaana uu sheegay in dano gaar ah laga leeyahay shirkaasi.



Hadalkaasi ka soo yeedhay garaadkaasi ayaa waxaa uu noqday mid si wayn ay uga xumaadeen garadadii kale ee shirkaasi quudaraynayey,wararka qaar ayaa sheegaya in hadalkan cadhada ah ee ka soo yeedhay garaad cabdilaahi garaad soofe uu yahay mid ka dhashay ka dib markii la diiday in loo ogolaado nin uu adeer u yahay Caaqil Maxmuud X Cumar Camay kaasi oo uu doonayey in uu noqdo xubin ka tirsan golaha lagu sheegay khusuusiga balse ay diideen isimadii kale ee halkaasi ku sugnaa laguna bedelay gabadh taasi oo sababtay inuu garaadku kalsoonidii kala laabto.



Sidoo kale Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo isna ka mid ahaa isimadii halkaasi ku shirayey ayaa isna shalay waraysi uu siiyey idaacada BBC-da laanteeda afka soomaaliga waxaa uu ku sheegay inuu kalsonidii uu isna kala laabtay shirkaasi isagoo sabab uga dhigay in meesha la isku khiyaameeyey,waxaana uu sheegay in golaha khusuusiga ay xubno ka noqdeen dad kala taageersan somaliland iyo punt;land taasna uu si wayn uga cadhooday,balse wararka laga helayo tuulada buuro wadal ay sheegaya inuu garaadku ka biyo diiday shirka ka dib markii la dhaafiyey xubintii ay beeshiisa loo qoondeeyey inay ku yeelato khusuusiga taasina ay noqotay mid aad uga cadhaysiisay garaadka.



Isku soo wada duuboo hadaladan ka soo kala yeedhay labadaasi garad ayaa waxaa ay noqonayaan kuwo muujinaya sida ay u kala qaybsan yihiin isimadu,waxaana jirta inay isha ku hayaan somaliland iyo puntlandba shirkaasi.



holhol.net
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Shirki Buuro wadal !!!

Post by The_Emperior5 »

Kuwaasii qaar meel u socday ba maha Nimanka Shirshoore shir ba ma dayaan Shir after Shir :lol: No result
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Shirki Buuro wadal !!!

Post by Dhaga Bacayl »

Horta nimankani miyay qayilaan markay shirayaan? Shirkoodu miyaanu dhamaanba?
canood
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 405
Joined: Sun Jun 29, 2008 11:17 am

Re: Shirki Buuro wadal !!!

Post by canood »

They became refugees :clap:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Shirki Buuro wadal !!!

Post by The_Emperior5 »

Dhaga Bacayl wrote:Horta nimankani miyay qayilaan markay shirayaan? Shirkoodu miyaanu dhamaanba?
Maya xoolihi uun bey reer miygii ka dhamayeen lixdii bilood ba mar bay shiraan oo waxay yidhahan odayasha xun xun eeh afka qadhmuun laascanood baanu xooreynayna markasay shiraan marka shirka u dhamado na garowe bey iskaga noqdaan wa isi so sa sawiran saxaafada na wa u yeedhan , wa wax ay dhaqan u leeyihin Shirshoore la yidha nimankaas :lol:
Hore loo yidhi shirku kama dhamaado nimanka shir shoore :lol:
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Shirki Buuro wadal !!!

Post by kambuli »

Canood,

Bal Golaha u sheeg waxa ku daba dhigey,shirka Dhulbahante? Eesh khusak?
Xaafadi xaafad waxay ugu tegtaa waa xasarad..

Aama ha shiraan, ama ha qayilaan, ama :som: ha qaataan, ama ha heesaan waa hawl iyaga u taal...Don't you think so huuno :?: :lol:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Shirki Buuro wadal !!!

Post by The_Emperior5 »

Kambuli . caanood waa nin U dhashay gobolka misna diidan Nimanka Gaaraadada eeh Danahooda ka tashanaya eeh Shacabka Sool wax dan ah u hayn iyo hormar oo aan ahayn shir
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”