Columbus- March 13, 2010- Ciidamada ammaanka ee magaalada Columbus ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilkii marxuum Axmed Faras Cadde Aw Nur oo bishii tagtay lagu toogtay xaafad ku taalla isla magaalada Columbus ee gobolka Ohio. Dembiilaha la qabtay oo 46 jir ah ayaa lagu magacaabaa Anthony Parker wuxuuna degganaa guri ku dhow goobtii dilku ka dhacay.
Geerida marxuumka ka dib, hay’adda u adeegta jaaliyadda ee SomaliCAN oo kaashanaysa Central Ohio Crime Stoppers ayaa ku yaboohday lacag dhan $5,000 oo abaalgud loo siinayo ciddii soo sheegta dembiilaha. Ballan qaadkaas ayaa sabab u noqday in dad xog ogaal u ahaa dilka, isla markaasna yaqaannay halka uu ku noolaa dembiiluhu, in ay war geliyaan dambi baareyaashii hawsha ka shaqaynayay. Maalintii Khamiista, Maarso 12, 2010 ayaa gurigiisa oo ku yaalla 4900 Northtowne Blvd laga soo qabtay dambiilahaan.
Arrintan ayaa noqonaysa guul u soo hoyatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio oo muujiyay sida ay uga xun yihiin dilka macno la’aanta ah ee loo geystay marxuum Axmed Faras Cadde oo ahaa nin da’ yar. SomaliCAN waxay u mahad naqaysaa Soomaalida Ohio oo u bareeray baraf iyo qaboow fara badan si ay u muujiyaan in ay ka xun yihiin dilka loo geystay marxuumka. Sidoo kale, SomaliCAN waxay si hagar la’aan ah ugu heellan tahay maxkamadaynta iyo xukunka gacan-ku-dhiiglahan.