Xasan Mahdi confirms news about Muuse Caraale

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Xasan Mahdi confirms news about Muuse Caraale

Post by AhlulbaytSoldier »

Horjooge Xasan Mahdi oo qiray in Muuse cabdi Caraalle uu ku xiranyahay Suudaan.

Saturday 13 March 2010 09:43 AM

...




Xasan Mahdi oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa Radio Muqdisho u Sheegay in Muuse Cadbi Caraalle oo lagu yaqaanay hurinta Colaadaha uu iminka ku suganyahay Dalka Suudaan uuna halkaasi gaaray mudo bil ka hor ah, kadib markii uu ka cararay maleeshiyaadka Shabaab oo ugaarsi ku bilaabay horjoogayaasha Xisbiga.
Xasan Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in muddo dhowr maalmood ah ay warkiisa waayeen Muuse Cabdi Caraale,taas oo muujineeysa in uu ku xiranyahay dalka Suudaan oo markii horeba uu si dhuumaaleeysi ah ku joogay.
Xasan Mahdi ayaa dhanka kale qiray in Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi,dad Soomaaliyeed.ciidamada Suudaan iyo booliiska caalamiga ah ee Interbollba ay ku raad joogeen horjooge Muuse cabdi Caraalle kadib markii ay ka warheleen in uu ku dhuumaaleeysanayo gudaha dalka Suudaan kaa oo loo heysto danbiyo dagaal iyo xasuuqa Muwadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan,iyo Afduubka Saraakiishii faransiiska ahaa ee laga qafaashay Hotelka Saxafi ee M/Muqdsiho.
hadalka Xasan Mahdi ayaa ku soo beegmaya kadib markii maalin ka hor ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamada Suudaan oo in muddo ah ku raagay ay Xabsiga u taxaabeen Muuse Cabdi Caraale oo ka cararay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka baqay in ay khaarijiyaan maleeshiyaadka Shabaab oo iyagu bilaabay ugaarsiga horjoogayaasha Xisbiga,waxaana loo heeystaa Muuse Cabdi Caraalee xadgudubyo iyo xasuuqa dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.


this criminal caraale should be handed over to the government then execution :down:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”