Barnaamujka Yool-baadhka Siyaasiga: Guddoomiye Siilaanyo iyo Weriye Mashqac Geliye
Saturday, 13 March 2010
Hargeysa(Yool)-Toddobaadkan waxa aanu akhristayaasha u soo ban-dhigaynaa Barnaamuj cusub oo aanu ugu Magac-darnay “Yool-baadh”, kaasoo aanu si gaara Toddobaadkiiba Hal Maalin ugu soo qaadan doono Waraysi Jac-bur ama “Intertament” ah oo uu Weriye Mr. Mash-qac Geliye oo ah daadihiyaha Barnaamujkan uu la yeesho mid ka mid ah Madaxda Axsaabta, Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka caanka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya labada-ba.
Sidoo kale, waxa uu Barnaamujkan si gaar ah diirada u saari doona arrimaha siyaasadeed ee Somaliland, siiba tiraabaha ka soo yeedha Hoggaamiyeyasha Axsaabta iyo Siyaasiyiintu waqtiyada Somaliland ka jiraan arrimo xaasaasi ah, kuwaasoo aanu bulshada ugu soo gudbin doono qaab Maddadaalo oo kale ah.
Sidaa darteed, waxa taxanaha Barnaamujkan Toddobaadkan ku soo qaadan doonaa Waraysigii ugu horeyay oo ah midka aanu ku bilownay qormadan, kaasoo ah mid aad u xiiso badan, isla markaana dhinacyo badan taabanaya oo Weriye Mr. Mash-qac Geliye la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mu’caardka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” mar uu Toddobaadkan kula kulmay Xafiiskiisa. Haddaba, Waraysigaasoo aad u dheer, waxa uu u dhacay sidan:
S: Guddoomiye yaa ka mas’uul ah doorashadan hadba dub u dhacaysa?
J: Xukuumadda!!!!
S: Diiwaan-gelintan fashilantayna iyada yaa ka mas’uul ah ayaad is leedahay?
J: Xukuumadda!!!!!
S: Yaad u food saaraysaa mas’uuliyadda ‘Serverkan’ cilinkiisu adkaaday in la saaro?
J: Madaxweyne Rayaale!!!!
S: Waayo cidda ‘Interpeace’ dalka ka saaray?
J: Madaxweyne Rayaale!!!!
S: Guddoomiye dalka waxa soo maray abaaro ba’an muddooyinkii u denbeeyay maxaa keenay ayaad u maleynaysaa?
J: Xukuumadda!!!!
S: Waa yaab! oo qabowgii xumaa ee Magaalooyinka Somaliland ka dhacayna bilihii hore ee laayay dameeraha iyo eyda?
J: Xukuumadda!!!!
S: Guddoomiye maxaa keenay ayaad u maleynaysaa daadadkii iyo khasaarihii ka dhashay roobabkii dhawaan ka curtay dalka?
J: Mar haddii khasaaraba meesha ku jiro waa Xukuumadda ama waa Rayaale.
S: Guddoomiye su’aashan aad iyo aad uga fiirso. Yaa ka denbeeyay dilkii loo geystay Taliyihii Qeybta 12 ee Ciidanka Qaranka ee lagu dilay Laascaanood Taariikhdu markay ahay 1st November, 2009 ilaahay ha u naxariiste ee ka soo jeeday beeshaada?
J: Xukuumadda!!!! Xukuumadda!!!! Dhow jeer oo horena waan sheegay.
S: Guddoomiye waanu garanay taas ee yaa iyana ka mas’uul ahaa labadii sarkaal ee uu ka mid ahaa marxuunkii lagu naaneysi jiray Ruush ilaahay labada ha u naxariiste ee lagu dilay Magaaladda Widh-widh dabayaaqadii 2008 xilligii ay socotay diiwaangelintu?
J: Adeer ma garanayo taas ee ha i denbaajin!!!!
S: Guddoomiye xog badan ayaa kugu duugan ee yaa ka denbeeyay qaraxii lala beegsaday xafiiskii UNDP, kii ganacsiga ee dalka Ethiopia, iyo Madaxtooyadda bishii October 29, 2008?
J: Xukuumadda!!!!
S: Guddoomiye Xukuumadda iyo Madaxweyne Rayaale ayay kaa qabsatay. Yaa ka denbeeyay Dhul gariiradii ka kala dhacay dalalka Haiti iyo Chile ee dadka badani ku naf waayeen?
J: Adeer ha cadhoonin waxa aanan hubin iskama sheego annigu sida Feysal Cali Waraabe. Dhulgariiradan UDUB baa ka denbeysay. Bal iminkaba aan idhaahdo Xukuumadda ama Rayaale.
S: Guddoomiye, haddii aan dhinac kale uga wareegno su’aalaha, waa maxay manafeestooyinka ama barnaamijyadda wax-qabad ee aad rabto in aad u soo bandhigto codbixiyayaasha xilliga ololaha Doorashooyin si aad u hesho codkooda?
J: Tollaayey, U-Codee mujaahidkaaga, Hanjabaad, Cey iyo aflagaado, Foori iyo Orin lala beegsado mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo UDUB si loo didsado ama loo baqo geliyo, xaalad abuur…adigu wey badan yihiin ee intaas ayaa ugu muhiimsan.
S: Guddoomiye waxa la hayaa hadal dhowr jeer ka soo yeedhay Afhayeenka Xisbiga KULIMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin oo uu yidhi Xisbiga waxa leh Beesha Berriga Burco, dadka kalena waa taageerayaal, arrintaas sidaad u aragtaa?
J: Horta arrintaas waxbaa ka jira. Dhaqaalaha Xisbiga waxa aanu ka helnaa reerka in ku dhow 99.99%. Waxa aanu heysanaa taageerida reerka oo dhan in ku dhow 97% sida Boqoradda, Buur-madow mooyi eh, Salaadiinta, Ganacsatada, Culumadda, Wax-garadka, Aqoonyahanaka, Abwaanada iyo shacabka.
Weliba sida ay ii sheegeen ilo-Beeleedyo lagu kalsoon yahay 3% naga leexdayna rajo weyn ayaanu ka qabnaa in ay noo codeeyaan xilliga Doorashada. Laakiin, taas macnaheedu maha dadkii kale ee na taageersanaa waanu qadinaynaa haddii aanu doorashada ku guuleysano.
Ina-iskeerso, waxa uu noogu qoran yahay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Ina Biixi waa Musharax Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga sannadka 2020, labada dakhtar ee Gaboose iyo Cabdi Aw Daahir waa isu-duwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee Goboladda Maroodi-jeex iyo Togdheer, Mujaahid Jidhif waa Taliyihaa Ciidanka Qaranka ee Guutadda Gabiley, Fu’aad Adan Cadde waa Wasiirka Wasaaradda cusub oo la yidhaahdo Wasaaradda Horumarinta Reer Magaalka, Caddami-na waa la taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Sanaag Barri, Abiib Timacadde waa Wakiilka iibiyaha Xoolaha macjarka cusub ee Berbera…..Sidaas ayaan ragga-na taageersan mid walba aanu wax ugu tuureynaa….kolay wax ma wada helayaan oo taasi adba waad garan kartaa in aan noqoneynin macquul.
S: Guddoomiye haddii Xisbigu reereysan ama beeleysan yahay, sidee ayuu xisbigu ugu guuleysanayaa doorashadda Madaxweynenimadda ee la filayo in ay dalka ka dhacdo?
J: Adeer qoladiinan Saxaafadda macluumaad la’aan ayaa idin heysa. Miyaanad arag natiijadii ka soo baxday tiro koob ay sameeyeen Guddi Madaxbanaan oo uu Gudoomiye ka ahaa Faarax Xadhigle in ay tiradda beeshe berriga Burco noqotay 55% marka loo eego beelaha deggan Somaliland. Doorashadan waxa aan ahay ‘Any foos’.
S: Guddoomiye, haddii aad kalsoonidaas qabto maxaa keenay in aad UCID isku darsataan oo aad noqotaan KULUCID?
J: Adeer annaga UCID iskumaanu darsan ee bal horta qabso. Xisbiga oo ‘Sale’ saaran yahay oo la xaraashayo ayaa waxa ila soo xidhiidhay Aadan Waqaf iyo nin kale oo la lahaa wax buu yar yahay oo ah Afhayeenka xisbiga UCID. Waxa ay ii sheegeen in xisbigii la xaraashayo oo ay ku doonayaan $1, 500, 000 (Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar). Gorgortan badan ka dib waxa aan siistay xisbiga iyo taageerayaashiisaba $1, 300, 000 (Hal milyan iyo seddex boqol oo kun oo dollar).
Lacagtii oo aanu isleenahay kala qaata ka dibna Golaha Wakiiladda u gudbiya heshiiska si ay idiinku ansixiyaan, ayaa Keyse Cali Geedi iyo taageerayaashiisiba ka baxeen xisbigii UCID. Guddoomiye Feysal ayaan ku idhi haddii Keyse idin ka baxay oo isaga oo keliye ka dhiidhiyay Xaraashka Xisbiga welibana kaxeystayna taageerayaal badan lacagtii wax iga dhima oo weliba ugu yaraan $100, 000 (boqol kun oo dollar) iga dhima.
Halkii aan waxa kale ka eegaayay ama filaayay ayuu Guddoomiye Feysal inta uu xanaaqay ayuu fadhigii iiga kacay oo yidhi waa-na dhacaysaa…waayo-aragnimo, iyo siyaasadii Qaaxo ayaad nagu dilaysaaye…Walaahay in aan kuugu yeedhi Adeerkay Ismaaciil Buubaa kaartadda ha kula dhig-dhige…..La Soco Wareysigan Qaybtiisa kale Caddadka Danbe.
Siilaanyo iyo Weriye Mashqac Geliye (Yool News Paper)
Moderator: Moderators
- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 460 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 30 Replies
- 2341 Views
-
Last post by Grant
-
- 7 Replies
- 718 Views
-
Last post by Basra-
-
- 1 Replies
- 447 Views
-
Last post by Mzbeautifull
-
- 10 Replies
- 901 Views
-
Last post by siren
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 14 Replies
- 3059 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 18 Replies
- 1026 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 573 Views
-
Last post by Musa26
-
- 34 Replies
- 1867 Views
-
Last post by BigBreak