Axmed Cabdi Godane oo Shabaab ay ku magaacabaan Abuu Zubayr ayaa fariinta uu soo diray waxa uu ugu horayn ku qiray khilaafka ka dhex jira kooxda, oo uu ku eedeeyay in aanay adeecin amiirkooda oo uu ula jeeday naftiisa, taas oo uu sheegay in ay ka soo bilaabatay horjoogayaasha ka hooseeya.
Axmed Godane oo cabasho ka muujiyay qilaafka hareeyay kooxdiisa.

Waxa uu intaasi ku daray in khilaafka ka dhexdilaacay kooxda oo dhibaato wayn u soo jiiday gaar ahaan dagaaladii ay waday iyo maamulka goobaha ay kacanta ku hayaan.
“Dibaatooyinka aan la kulano marka kasta ha noqoto xilliyada dagaalka ama xarumaha tababarada ha noqoto, ama meelaha maamulku ka jiro ha noqotee waxaa asal u ah kala dambeyn la’aan, arrintaas marka waxaa la rabaa dhaqan aan korno in ay noqoto” ayuu Godane ku sheegay fariin war baahinta Muqdisho laga baahiyay.
Axmed cabdi godane ayaa sidoo kale waxaa oo si aan toos aheyn uu u sheegay in ay jirto khiyaanooyin ay isku hayaan qaybaha ay u qaybsameen maleeshiyada Shabaab isagoo yiri “ waxaa laga rabaa qofka in uusan xulka uu hayo wax ku khiyaamin, hantida kooxda haddii uu hayo uusan khiyaameyn, awoodda maamulka haddii uu hayo waa in uusan ku takri falin oo uusan siduu doono ka yeela” waxayna taasi muujinaysaa in uu xoogeystay fowdada ka dhalatay khilaafka maleeshiyada Shabaab.
Markale ayuu sharaxay Godane nuucyada waxyaabaha laga bililiqaysanayo kooxdiisa oo ay ka mid tahay hubka gaadiidka iyo qalabka xagga isgaarsiinta iyo waxyaabo kale.
“ hubka ayaa ka mid ah wax yaabaha lala tago, ha noqdo mid lagu tababaranayo ama mid lagu dagaalamayo, waxaa ka mid ah qalabka isgaarsiinta iyo gaadiidka ay kooxdu leedahay” ayuu yiri Axmed Godane oo horjooge u ah maleeshiyada Shabaab.
Hadalka Axmed Godane ayaa u muuqda fariin si gaar ah ugu socota labo kooxood oo ka tirsan Shabaab oo kala ah ragga ay ugu magac dareen “ka qaatayaal” oo ah horjoogayaal ku qoran dhaca iyo dilka dadka sida qarsoodiga ahloo laayo iyo kooxda kale ee diiddan aragtida Milata Ibraahiim kuwa isku magacaabay oo uu ka tirsan yahay Godanae laftiisa.
waxaana heerka khilaaf ee kooxda laga dheehan karaa in halkii laga filayay sidii looga bartay in uu wax ka sheego Dawlada Soomaaliya iyo beesha calamka uu muddo ugu yaraan hal saac ah ka hadlayay mashaakilka haysta kooxdiisa xilligaan.
Qaylo dhaanta ka soo yeeraysa horjoogaha Shabaab ee ah in aan la khilaafin amiirka ayaa u muuqata “lagaa baray oo lagaa badi” maadaama isagu uu ahaa ninkii horboodayay kooxdii ugu horaysay ee ka goosatay Maxkamadihii Islaamiga ahaa, uuna iska dhaga tiray amarradii madaxdii Maxkamadaha Islaamiga.
Su’aashuse waxay tahay ma shalay ayuu ku qaldanaa khilafka mise maanta ayaa looga saxan yahay in la khilaafo isaga? kol haddii uu ahaa ninkii bilaabay khilaafka.