Guddoomiyaha UCID Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo Iyo Wefti Wasiiro Xukuumada Ah Oo Iyana Ku Sii Jeeda.

Ceerigaabo(Ramaas) Mar.15, 2010 - Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha golaha wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa
maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Guddoomiyayaasha ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey qaar ka mid ah xubnaha golaha baarlamanka ee dalka, waxaana duleedka magaalada ceerigaabo kaga hortegey dadweyne aad u tiro badan oo ka kala tirsan laamaha xisbiga ee gobolka. Waxaana taagerayaasha horkacayey guddoomiyaha xisbiga ucid ee gobolka Sanaag Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamuud (daamur), waxaanay isugu jireen taageerayaashaasi dhalinyaro, waayeel iyo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiyada magaalada.
Waxaana weftigaa loo soo gelbiyey dhanka magaalada ceerigaabo, iyadoo ay gelbinayaan fardo iyo dadweynaha taageersan xisbigaa oo aad u tiro badnaa waxayna isugu yimaadeen badhtamaha magaalada.
Guddoomiyayaashu waxay hadal kooban siiyeen saxaafada iyo taageerayaasha iyagoo kula hadlayey guriga loogu talo galay weftiga, waxaana halkaa ugu horayn hadalka soo dhoweynta ka soo jeediyey
guddoomiyaha xisbiga UCID ee gobolka sanaag Mudane Cabdillaahi Axmed. Waxaana uu sheegay in ay si niyadsami iyo farxadi ku dheehan tahay madaxda sar-sare ee xisbigaasi u soo dhaweynayaan.
Guddoomiyaha baarlamanka somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo isna halkaa ka hadlay ayaa ugu baaqay dadweynhihii ku sugnaa goobtaasi in ay codkooda ku doortaan ciddii wax u qabanaysa, isla markaana ilaaliyaan nabadgelyada.
Ugu dambayntiina waxaa kulankaa soo xidhay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sheegay in si weyn loogu soo dhoweeyey Burco, laakiin ay Ceerigaabo ay kaalinta koowaad ka gashay soo dhoweynta, waxaana uu dadweynaha ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan khudbad aad u dheer oo uu dhowaan ka jeedin doono khayriyada magaalada Ceerigabo. Sida guddoomiye Faysal sheegay weftigan ayaa shalay ka soo kicitimay magaalada burco ee gobolka Togdheer, halkaas oo iyana si weyn loogu soo dhoweeyey
waxaana la filayaa in ay maalmo joogi doonaan gobolka, isla markaana faahfaahin ka bixin doonaan safarkooda.
Dhanka kale, waxaa magaalada Hargeysa ka soo kicitimay wefti balaadhan oo wasiiro ah, kuwaas oo ku soo jeeda magaalada Ceerigaabo maalmaha fooda inagu soo haya, waxaana wasiiradaa ka mida Wasiirka dib u dejinta Somaliland, Wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha iyo Wasiir ku xigeenka caddaalada somaliland Yuusuf Ciise Ducaale (Talaabo). Lama oga illaa hadda ujeedada socdaalkooda
Ramaasnews Desk
Ceerigaabo.







