Muuqaaladii u Danbeeyay-Shirkii Kenya oo Guul Ku Dhamaaday- Iyo Maamulkii Jubaland oo soo Carfaya.
Waxaa Kulan si heer qaran ah loo soo Agaasimay ku soo Gaba gaboobnay Magaalada Nairbo ee Dalka Kenya Halkaas oo Odoyaasha ka soo Jeeda Gobalada Jubooyinka Iyo Gedo ay ku soo Dhameeyeen Kulankii Guusha ku Dhamaaday waxaana soo Carfaya Maamulka Jubaland oo Taageero Deegaanka Iyo Mid Caalami ah ba u helay si Buuxda.
Maamulka Jubaland ayaa la filayaa in uu Noqon doono Maamul Wanaagsan oo ka Dhasha Gobalada Jubooyinka kaas oo waxgaraka Deegaamada Jubooyinka iyo Gobalada Gedo ay Dhidibada u aasi doonaan, Waxaana Magaalada Nairobi laga hadal hayaa Habka Qaybsashada Awooda Iyadoo Maamulkii Hore ee Ilyaas Badal la doonayo in lagu soo Celiyo Awooda, Ilyaas Badal ayaa ahaa Gudoomiyahii Gobalada Jubooyinka Xaruntiisana ahayd Magaalada Kismaayo.
Ilaa hada waxaa socda Dadaalo Caalami ah Iyadoo Dowlada Martida loo ahaa ee Kenya ay soo Dhawaysay in Dadka Deegamadaas ay go,aan kooda qaadan Dhulkooda Dhistaan kana Taliyaan waxaa Isla Goobtaas joogay Madax ka socoto Wadamada Caalama, Safiiro Iyo Hay,ado Sama Fal ah.
Madaxa Shabakada Ogadentoday u qaabilsan Gobalada Jubooyinka Badri Xaaji Ayaa warbaxin Xoogan nooga soo Diyaariayay Isaga isla Goobtaas Shirka uu Joogay Wariyaha Ogadentoday Bariga Afrika u qaabilsan Warar soo Aruurinta Hanad Maxamed. Labada war hoos ayaad Ka Akhrin Kartaan.
Warbixin ku saabsan shirkii lagu soo gaba gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka kenya
Yaa ku shiray Nairobi?
Waxaa ka dhacay magaalada Nairoobi ee Caasimada Dalka Kenya maalinkii shalay (16.03.2010) Shir ballaaran oo ay kasoo qeeyb galeen Odayaasha,waxgaradka aqooyahanada ku abtirsada Gobollada Jubooyinka & Gedo OO uu ugu tun weeynaa Gudoomiyaha Golaha Gobollada Jubooyinka & Gedo mudane Sheekh Khaliif Guure Ali oo kaalin mugleh ka qaatay qabanqaabada guud & qorsheeynta shirka.
Waxgardaka shirka ka qeeybgalay ayaa matalayay dhammaan Bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaas aan soo xusnay.
Dhinaca kale ee miiska gorfeeynta wada xaajoodka waxaa fadhiyay Doowlada kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo uu ugu tunweeynaa Waziirka gaadiidka Cirka & Dhulka ee doowlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya Professor Muhammed Abdi Gandhi & iyo Beesha caalamka oo kaalin mugleh ka qaadatay qabanqaabada guud & qorsheeynta shirka islamarkaana soo xaadiray shirka.
Waxaan meesha ka maqneeyn oo goobta fadhiyay Doowlada martida loo yahay ee Kenya oo u tafa xeeydatay waxtarka Umadda Soomaaliyeed & ka shaqeeynta sidii soomaaliya looga saari lahaa jahawareerka, & weliba marti sharaf kale oo ka socday caalamka.
Maxuu shirka ku saabsanaa?
Danaha guud ee Soomaaliya & sidii laisaga kaashan lahaa nabad kusoo dabaalida Soomaaliya & weliba qaabka ugu haboon oo loo wajihi karo xaladaha qalafsan ee hareeyay dalka Soomaaliya guud ahaan.
Waxaa si gaar ah loo qaadaa dhigay xaaladaha ka taagan Gobolada Jubooyinka & Gedo oo hada gacanta ugu jira Ururka Al-shabab islamarkaana ay dad badan oo kasoo hayaamay sababa la xiriira xagga amaanka dadkaaas oo hada ku sugan dalka Kenya.
Cidamada doowlad KMG ah ee Ku sugan dalka Kenya.
Ciidamada tababarka ugu dhamaaday dalka Kenya ayaa ah 3000 oo Askari oo wax yar mooyee intakale lagasoo uruuriyay deegaanada jubooyinka. Cidamadan oo uu ka dhashay muran ah halka & qaabka ay u hoowlgalayaan ayaa hadda u muuqata in la xaliyay sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ah.
Odayaasha, waxgaradka aqoonyahanada, culimada & dhamaan bulshaweeynta G.Jubooyinka & Gedo ayaa doonaya in Ciidamadan tababarka usoo dhamaaday ay ka hoowlgalaan deeganada aan soo sheegnay, iyagoo si xoog ah ay isu hor taagay dalabkii doowlada ee ahaa in Muqdisho lageeyo, inkastooy lasheegay in ay jiraan Odayaal & siyaasiyiin aan badneeyn oo kasoo jeeda G,Gedo in ay qabaan moowqif khilaafsan kaa hore aya hadana la xaqiijiyay in laga gudbay caqabadaas.
Gudiga odayaahsa shirka ka qeeyb galay ayaa ka kooban dhamaan bulshada Soomaliyeed ee ku dhaqan Gobollad Jubooyinka & Gedo, waxaana hogaaminaya mudana Sh. khaliif gure cali oo ah masuul kasoo jeeda Jubooyinka.
Muran hore oo la xaliyay.
Mas'uuliyiin ka tirsan Doowlada Soomaaliya ayaa horay u codsaday in ciidamadan laga hoow galiyo magaalada Muqdisho, halkaas oo uu muran ka dhashay. Masuuliyiinta codsatay arinkan ayaa waxaa ka mid ahaa Raiizil wazaaraha DFKG-ah Mr. Sharmaarka oo sida la sheegay gaaray ilaa heer uu codsaday in Professor. Muhammed Abdi Gandhi laga fogeeyo arimaha ku saabsan nabad kusoo dabaalida Gobolladaas, asagoo codsaday in doowlada ay u dirsato hoowshaas cid kale oo uga wakiil noqota, taasoo keentay in markii dambe ay xaaladu gaartay heer aad u qalafsan.
Beesha caalamka ayaa sida an wararka ku helay ka biyo diiday arinkaas, waxaana ka dhashay la xisaabtan kadis ah oo ay la kulantay doowlada KMG ah ee Soomaaliya oo ah lacago fara badan, Hub & saanad meleteri & waliba Ciidamo aad u farabadan oo ay Muqdishi liqday sida Sedax geeska Barmuudo, arinkaas oo sida la sheegay ku adkaaday doowlada KMG ah, oo uu ku sigtay Raiizul wazaaraha in lacazilo ama uu iscazilo.
Ugu dambeeytii Raiizul wazaaraha ayaa sida aan warka ku helay ka bixiyay raali gelin buuxda arinkaas, waxaana laga gaaray makii dambe is afgarad & wada shaqeeyn buuxda.
Maxaa xiga shirkan
Shirka ayaa ku dhamaaday is afkarad kadib markii ay doowlada KMG ah ka tanaazushay moowqifkii hore ee Ciidamad. Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Garissa ayaa noosheegay in lafilayo maalmaha soo docda qabsoomida shir kale oo ka dhici doona magaalada Garissa islamarkaana lagu xoojinayo qodobadii kasoo baxay shirkii shalay, iyadoo sharaxaad lagasiini doono waxyaabihii lagu gaaray shirka Nairobi dad ay quseeyso oo ku sugan isla magaalada Garissa.
Waxa kaluu noo sheegay Xog'ogaalka in maalmo ka hor sawiro xagga Cirka ah laga soo qaaday dhammaan degmooyinka ay ka kooban yihiin Gobollada Jubooyinka, lamana oga in sidoo kale sawiro lagasoo qaaday Gobolka Gedo, taasoo uu shegay in aay la ciriirto farsamo ciidan.
Waxaa kaloo xusid mudan in Professor Muhammed Abdi Gandhi uu ku adkeeysanayo in aan la badelin maamulkii hore ee Doowladii Cabdullahi Yuusuf Ahmed ee uu madaxda ka ahaa Mudane Ilyaas Beddel Gaboose.
Waxaa kaloon naloo xaqiijiyay in ay jiraan Ciidamo cusub oo hadda ladoonayo in lagasoo xareeyo, Jubooyinka, kuwaasoo ku biiri doona mustaqbalka Ciidamada doowlada. Odayaasha ka qeeyb galay shirka ayaa balan qaaday in ay gacan ka geeysanayaan arinkaas.
Gunaanad
Arimahan ayaa ku soo begmayaa xilli la hadal hayay maalmahan muran ku saabsan ciidamada ku sugan dalka Kenya & weliba qaabkii ay u howl geli lahayeen, laakii hadda waxaa muuqata in laga gudbay murankaas. sikastaba ha ahaatee waxaa soo dhaweeyay talaabooyinkan la qaaday & weliba qodobada kasoo baxay shirka Nairobi Bulshooyinka ku dhaqan deegaanadaas ee sida ba'an u mucaaradsan maamulka Ururka Alshabaab.
Wararka Jubooyinka/NFD
Ogadentoday.com
Warbaxintii Xikim
Magaalada Nairobi Ee wadanka Kenya waxaa maanta Ka dhacay Kulan ay isugu yimaaden Golaha Guritida Jubbooyoinka kaas oo ay kaga Wada Tashanayeen Arimaha Deegaanada Gedo iyo Jubooyinka Kulankan oo ay Goobjoog ka ahaayeen Siyaasiin, Odayaal dhaqamed, Iyo Mas uuliiyiin ka socotay Dawlada Kumeel gaadhka ah Ayaa waxaa Furey Sh Khaliif Guure oo ah Gudoomiyaha Golaha odayaasha Jubooyinka iyo Gedo Furintaan kii kadib wax uu sheegay in Ujeedada ay isugu yimaadeen ay tahay in ay Cadeeyeen warar la isla Dhexmarayo oo ah Ciidka Lagu tababarayo Kenya ee Deegaanada Jubooyinka in loo wado oo Laga bixiyey Tafaasiil badan ayaan rabanaa In aan Cadayno iyadoo ay Nala joogaa Mas uuliyiinta Dawalada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Mudane Mohamed Abdi Haaji Gaandi Wisiirka.
Intaas Kadib waxuu ku soo dhaweyey hadalka Wasiirka Profer oo dadwayihiin shirka ka qayb galay ka siiyey warbixin Xaalada Ciidkan iyo mar xaladihii uu marey Waxuuna yidhi Profer Gaandi, "Ciidkana wax aan oogu talo galay in uu Sugo amaanka deegaanda Jubooyinka wax uuna marey Xaalado badan waxan Xareyney Saraakiil si aan tababar oogu furo intaas kadib waxaan uruuriney Ciidka maanta Dhamaystay Tababarkoodii Dawalad Kenya iyo Soomaliyaba Gacan wayn ayey ka gaysteen hawshan Ciidkana Waxaase Jirey Mudooyinkii danbe dad isku dayayey in ay ka bixiyaan warbixin qalada iyo kuwo ku doodaya in Ciidanka muqdisho la geeyo Anagu waan Cadayney Go,aankana waxaan Madaxwaynaha u sheegney in wadadii horey lagu wado Ciidanka wuuna la qaatay Kuwa hadaladan ku hadalay waa qabqableyaal dagaal oon dooneynin In wax Hagaagaan wadankana nabad ka dhacado.
Wuxuu intaas kudarey Wasiirku in ay Dib u u tabobareen una diiwaangaliyeen maamulkii Hore ee Deegaanka si ay u wadaan shaqada inta laga gaadhayo xili maamul kale la dhiso Dhamaan dadwaynihii ka qaybgalay kulanka aad ayey oogu farxeen hadlka Wasiirka waxaa halkaas ka hadalay Odayaasha ka soo jeeda deegaanda Gedo, iyo Jubbooyinka oo oogu habalyey Wasiirka Go aan kisa waxay Cadeyen in ay Taageersanyihiin soona dhawaynayaan Nidaamka Ismaamul Goboled
Sh Khaliif oo ah Gudoomiyaha Golaha Gedo Iyo Jubooyinka wax uu sheegay in ay taageersanyihiin Dawalada Kumalee gaadhka ah waxa uuna cadeeyay in ay dawlada garabkeeda kabixi doonaan hadiii ay ku dhaqaaqdo wax uu ugu yeedhay qorshaha cadawga oo uu ooga jeeday in ciidamadan tababarka dhamaystay lageeyo magaalada Muqdisho.
Go’aanadii shirka lagasoo saaray waxa ay u qornaayeen sedan
1 Goluhu Wuxuu si wayn u ayidsan yahay in Ciidamada Tababarku u dhamaaday loo daayo talogalkoodii hore oo ahaa in ay sugaan amniga gobalda koonfureed sida Gedo iyo jubooyinka.
2 Guluhu wuxuu si cad oogu iftiminyaa madaxda sare ee DFK ah Fikrada ah ciidanka jooga loo qaado Muqisho in ay ka danbeyaan Dagaal oogayaal ka soo horjeeda in ay deegaanadu ka tashadaan aayahooda raban in iyaga loo afduubnaado.
3 Goluhu wuxuu u talinyaa in Cidamo hor leh laga soio xareeyo Gobalda Jubooyinka iyadoo goluhuhu qayeb wayn ka qaadan doono soo uruurnta ciidamada Cusub si dii horeba uu uga qayb qaatay soo uruurinta Ciidamadii Tababarka dhamaystay.
4- Goluhu wuxuu Dawalada ku meel gaadha ah ka codsanyaa in ay gacan ka siiso dadyawga deegaanada Gedo iyo Jubooyinka sida ay u dhisan lahaayeen Maamul Gobaleed Dawlad dhexe hoos tag Gacansiointaas oo noqonesa mid dhaqaale iyo mid Farsamoba si loga hor tago Dagaal ooga yaasha isha u haya Fursada kasta oo Alshaabab meesha ka saarta in ay ka faa iidaysataan.
5-Goluhu wixii intaas kabadalan wuxuu u arkaa Mijaxaabinb lala damacsan yahay DFK ah iyo dadyawga u dhashay degaanda Gedo iyo Jubooyinka.
6-Ugu danbayntii Goluhu wuxuu u mahadcelinyaa Dawalada iyo shacabkeda Kenya Taageerada hagar la aaneed ee ay mudad dheer lagaba taaganayeen Shacabka Soomaaliyeed Sidoo kale Goluhu wuxuu Balanq aadayaa in uu kala shaqayn doono Dalada Kenay Amaanka Xuduudaha
Sikasba ha ahato waa markii oogu hooreysey ee Wasiir dawlada ka tirsan uu cadeeyo in Cidamo Dawalad Sooomaaliya ka Jogaan ama lagu tababaro Wadanka Kenay.
Ogadentoday
Wararka Jubooyinka


