We left xamar 91, we aint going back help ur self

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
king of kismayo
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 449
Joined: Tue Dec 08, 2009 4:52 am

We left xamar 91, we aint going back help ur self

Post by king of kismayo »

Nayrobi(AllPuntland)- Mudo dheer oo dawladda Kenya lugu eedaynayay in ay Dhalinyaro aan dagaal gaarin ay Xeryaha qaxootiga ka qaaday iyo gobalka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu dagto ee Kenya, ayaa hada waxaa soo baxaya in ay ciidamadaas dhameystirteen tababaradii lasiinayay, isla markaasna uu jiro khilaaf adag oo ku aadan halka la geynayo ciidamadaasi oo hada diyaar u ah in ay howlgalaan.

Madaxda dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa isku khilaafsan halka lageynayo ciidamadaasi, waxaana Madaxweynaha KMG ah iyo Saraakiishiisa gaarka ah ay soo jeediyeen in ciidamadaasi la keeno gudaha Muqdisho, si ay uga mid noqdaan howgal ay dawladda KMG ah ka samayso gudaha caasumada Soomaaliya.

Laakiin waxaa ka biyo diiday Saraakiisha hogaaminaysa ciidamadaas, oo taasi ku sifeeyey mid aysan marnaba fileyn, isla markaasna aysan yeeli doonin, iyagoo sheegay in ay ciidamadaasi udhaqaaqi doonaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo, taasoo caro ku beertay Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya.

Waxgarad Soomaaliyeed oo ay caruurtoodii ku jiraan ciidamadan ayaa ku cambaareeyey dawladda Kenya talaabada ay ku dhaqaaqday, waxa ayna sheegeen in ay Maxkamada sare ee Kenya hordhigeen dacwad ka dhan ah arrintaasi, isagoo sidoo kale dhaliil usoo jeediyey shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ku jira golayaasha baarlamaanka iyo Wasiirada ee dalka Kenya, oo horay arrintan ubeenin jiray.

Shir mudo dheer qaatay oo ay joogeen shaqsiyaad ka socday dawladdaha Kenya iyo Soomaaliya, balse wadaaga Soomaalinimada ayaa dadkii ka hadlay oo dhan waxa ay diideen in ay ciidamadaasi tagaan gudaha caasumada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in ciidamadaasi xadka joogaan oo aysan dhinacna udhaafin, loona baahan yahay waqtigan in aan la dagaal lahurin.

Max’ed Siciid Cabdi oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha shirka ayaa usheegay APL, markii uu dhamaaday shirkan in aysan marnaba aqbali doonin in dhalinyaradan oo aan aqoon wanaagsan ulaheyn Muqdisho iyo Soomaaliya, la geeyo gudaha Muqdisho, waxa ayna sheegeen in ay hada ku dadaalayaan sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen in aysan ciidamadan aadin Soomaaliya.

F. C. Maxamed
AllPuntland
I am happy the people of the jubbas and gedo refused to send their sons to that Hellhole called xamar. :up: everyman should sort out his turf
grandpakhalif
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30687
Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
Location: Darul Kufr
Contact:

Re: We left xamar 91, we aint going back help ur self

Post by grandpakhalif »

Our sons will not sacrifice their lives for people who refuse to have peace :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”