Cismaan Hindi when will you stop your lies

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Cismaan Hindi when will you stop your lies

Post by The_Emperior5 »

Gudoomiyaha Ololaha Doorashada Xisbiga Udub Oo Sheegay In Axmed Siilaanyo Gorgortan Ku Galinayo Somaliland Sidii Uu Somalia Raysal Wasaare Uga Noqon Lahaa

“Guruuje Iyo Ina Muuse Abees Reerahoodii Baa Dooran Waayay Oo Ay Cod Ka Waayeen, Markaasay Ku Wareerayaan Rag Taageerada Beelahooda Haysta, Ina Diiriye Nacnac-Na Waxaan Leeyahay Warankayga Xiiraya Xiid Ku Qalan Maayo”

“Muuse Biixina Waxaan Garan Laayahay Halkay Hargeysi Afhayeen Ugu Cumaamaday Malaha Baritana Wuxu Odhan Cali Guray Mujaahid Muu Ahayn ..” Cismaan Hindi

Hargeysa, March 18, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha ololaha doorashada Xisbiga Udub Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa sheegay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo uu ujeedadii ururkii SNM u galay uu ku doonayay sidii uu ugu gorgortami lahaa ku soo noqoshada xilkii uu ka hayay dawladii Siyaad Barre, isaga oo maantana sheegay inuu gorgortan ku galinayo Somaliland sidii uu raysal wasaare uga noqon lahaa Somalia.

Cismaan Hindi waxa kale oo uu sheegay in taageerayaal badan oo ka tirsanaa taageerayaasha Kulmiye ee bariga Burco iyo taageerayaal kale oo ka tirsanaa Xisbiga Ucid ay kusoo biireen xisbigooda Udub xafado soo dhoweyn ahna ay shalay ugu qabteen magaalada Burco ee xarunta G/togdheer oo wakhtigan xaadirka ah socdaal ku joogo.

Waxa kale oo uu dhaliilo waaweyn usoo jeediyay mr Maxamed Muuse Abees, Yuusuf Nuur Maxamed Guruuje oo ka mid ahaa musharaxintii Xisbiga Kulmiye ee ka sharaxnaa doorashadii Golaha wakiilada, oo uu tilmaamay in sababta ay doorashadaasi ugu soo bixi waayeen ay ahayd taageero iyo codad ay ka waayeen beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Gudoomiyaha ololaha doorashada Udub Cismaan Hindi oo xalay khadka telephone-ka wargeyska Haatuf xog-waran khaasa ku siiyay isaga oo ku sugan magaalada Burco oo uu todobaadkan socdaal ay ku joogeen isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Udub ayaa isaga oo ugu horayn ka waramaya xaflado ay shalay ku qabteen magaalada Buco ayaa hadalkiisa ku bilaabay “maanta (Shalay) waxaanu Burco ku qabanay xaflado aad u waaweyn, saddexda xafladood waxay kala ahaayeen, ta koowaad beelaha bariga Burco qaar ka mid ah oo ay hor kacayeen cuqaashoodu oo ku soo wareegay UDUB iyago halkaa aad uga faah faahiyay sababta ay Kulmiye uga soo baxeen, kaddib markii ay kala garan waayeen UCID iyo kulmiye ka ay ku jiraan oo labadaa xisbi isku milmeen, siyaasad xumada ka muuqata hogaanka sare Kulmiye. Xaflada labaad waxay ahayd dhamaan garabkii dhalinyarada ee gobolka togdheer ee UCID oo uu ka maqan yahay guddoomiyhii gobolka oo ay hormood u yihin 21 xubnood oo gudida fulinta ah oo watay ilaa 600 taagerayaal ah ku soo biiray UDUB. UCID waxay uga soo baxeen kala daadsani iyo siyaasad la’aan. Ta saddexaad kulmiye xafiisyadii uu ku lahaa xaafada Sh.Bashiir uu ku lahaa bariga Burco ayaa ku soo wareegay UDUB”.

S: Sideed u aragtaa hadalkii Afhayeenka Xisbigiina Udub Muj. Cali Guray uu ku duray gudoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo oo jawaabo-na ka bixiyay xisbigaasi?

J: Arrintaa rag badan baa wax ka yidhi oo ay ka mid yihiin, ina diiriye nac nac,maxamed muuse abees, muuse biixi, baashe cabdi gaboobe, mujaahid cali guray wuxu ka yidhi xafladii Crown “ madax la caayaa madax la caayay leedahay, taasina Kulmiye ayaa ciyaalka soo abaabulayaan oo madaxda UDUB meel walba kaga qaylinaya, oo uu siyaasadiisa uu Siilaanyo hormuudka ka yahay laga bixi doono, horta ninka la yidhaa, Nacnac, inamo yar yar oo muhaadiintu dhaleen ayuu maqaalo u soo dhiibaa, warankayga xiiraaga ah xiid ku qalan maayo ayaan ku leeyahay ina diiriye nacnac. Labada nin ee Guruuje iyo maxamed muuse abees iyaguba cod kamay helin habaryoonis iyo ciidagale, ninka keli ah ee ciidagale uga sharaxnaa Hargeysa Xisbiga KULMIYE doorashadii wakiilada waxa uu ahaaa Maxamed Muuse Abees, Ciidagalena wuu diiday inuu doorto, ninka kalena Yuusuf Gurujana Habaryoonis oo uga sharaxnaa Kulmiye Hargeysa way diiday, waa nasiib daro idinka oo reerihiinii idin naceen oo cod idin siin waayeen, may ahayn in aad Cali Guray, Cismaan Hindi iyo xoghayaha gud ee Udub Jaamac Yaasiin Faarax oo taageeradii beeshooda haysta aad ku wareertaan. meesha Harageysi ay Muuse Biixi ugu cumaamaday afhayeen ee uu Cali Guray oo ay isku reer Hargeysa yihiin uu uga sheeganayo Hargeysa anigu maan garan, malaha baritana Cali Guray wuxu ku odhan doonaa mujaahid muu ahayn, dadkuu intaas ku harawsan jiraye. Muuse qiritaanka uu qiray in xukuumadu ku guulaysatay gacan ku haynta sool wuxu qiray guushii xukuumadda Daahir Rayaale, waxa uu Muuse qiray in xirfad dagaal ay xukuumadu leedahay, nabadgelyadii iyo xasiloonidii baa ay xukuumadu sool u sameysay, dhaqaalihii, waxbarashadii, iwm. Muusow waanu kugu hambalyaynaynaa maanta hadaad qirtay waxqabadkii xukuumada,

Taariikhda SNM waxa jiray rag badan oo aan ka dhiidhiyin dhibaatadii shacbiga oo markii godkooda biyo ugu soo galeen uu sidaa ku galay SNM, waxana kow ka ahaa Siilaanyo, ujeedada Siilaanyo u galayna waxay ahayd inuu ku gorgortamo SNM si uu ugu noqdo xilkii uu u hayay Siyaad Barre, maantana Somaliland buu ku gorgortamayaa oo wuxu doonayaa inuu Raysal wasaare kaga helo Muqdisho. Heshiiskii dhex maray Mingiste iyo Siyaad Bare, waxa isweydiin leh xilligaa Silaanyo halkuu joogay. SNM baal dahab ah bay leedahay lakiin rag badan oo ku jiray baa dano gaar ah ka lahaa.

S: Waxay dhawaan masuuliyiinta Ucid ee Togdheer idinku eedeeyeen In Burco ka wadaan olole aad ku ururnaysaan ardayda wax ka barata dugsiyada oo aad ka dhigaysaan in ay Ucid kasoo baxeen, mala odhan karaa xafladahan aad sheegaysaa waa kuwaa hore ee la sheegay?

J: Waa nasiib daro hadalkaasi, kamarado ayaa la duubayay, caawana waa la daawanayaa, 27 xubnood oo hormuud u ahaa guddidii dhalinyarada UCID oo uu hogaaminayo guddoomiyaha UCID ee dhalinyarada oo ah nin Engineer ah. Hadalkaasi waa mid uu iska yidhi ninkaasi nin daad qaaday xumbo cuskay.

S: Kulmiye waxa uu dhawaan sheegay in xilligii socdaalka aad ugu baxdeen Oodweyne lagaga qayliyey halkaasi xoghayaha guud ee Udub, arrikaasi maxaa ka jiray?

J: Waan ka xumahay hadalkaa, cadceeda oo cad ayuu kulmiye doonayaa inuu madoobeeyo, meel kasta oo aanu tagno waxa nalagu soo dhoweynayay caano, meel nalagu foodhyay ma jirto.marka laga reebo caruurtaa yar yar ee KULMIYE adeegsanayo.

S: Adiguba miyaanad ka mid ahayn ragii quudaraynayay musharaxnimada Kulmiye ee doorashadii wakiilada ee xisbigu reebay, maxaad ugu eedaynaysaa Maxamed Muuse Abees iyo Guruuje hadii ay kusoo bixi waayeen doorashadaasi maadaama ay rag badani-ba ku hadheen codadkii?

J; Way jirtay laakiin anigu doorashada maan soo gaadhinba laakiin waxan ogaa hadaan iman lahaa in dadku I dooran lahaayeen oo la igu dooran lahaa aqoontayda iyo cilmiygaya.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Cismaan Hindi when will you stop your lies

Post by LiQaaye_TDH »

His trying to become famous with in UDUB and wishes to become a Minister soon!

Waxa Lagu Yidhi, Cayda Kulmiye Badi wasiir aya laga dhigayaye
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Cismaan Hindi when will you stop your lies

Post by The_Emperior5 »

LiQaaye_TDH wrote:His trying to become famous with in UDUB and wishes to become a Minister soon!

Waxa Lagu Yidhi, Cayda Kulmiye Badi wasiir aya laga dhigayaye
:lol: :lol: :lol:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Cismaan Hindi when will you stop your lies

Post by Cali_Gaab »

LiQaaye_TDH wrote:His trying to become famous with in UDUB and wishes to become a Minister soon!

Waxa Lagu Yidhi, Cayda Kulmiye Badi wasiir aya laga dhigayaye
:lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”