Gefefkii diblomaasiyadeed ee ka dhashay booqashadii Madaxwey

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
SomeGuy
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 578
Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
Location: God Knows Where

Gefefkii diblomaasiyadeed ee ka dhashay booqashadii Madaxwey

Post by SomeGuy »

http://www.dayniile.com/Marso10/1Marsa43.htm

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii la soo dhaafay socdaal rasmi ah ku yimid magaalada London ee dalkan Ingiriiska. Booqashada Madaxweynaha ayaa, marka laga eego diplomatic category, waxay ahayd mid salaan ah (courtesy visit). Is-aragga noocan ah ayaa aalaaba wuxuu yahay mid kooban. Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku saleysnaa in Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown iyo xisbigiisa Labour-ku ay ku muujiyaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen dowladda Soomaaliya



Booqashadan oo kale ayaa dowladda Soomaaliya waxay u tahay fursad ay adduunka ku weydiisato kaalmo caalami ah. Hase ahaatee, intii ay socotay ayaa waxaa dhacay fadeexado gef ku ah dhaqanka diblomaasiyadda. Kulankii Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Gordon Brown kula yeeshay guriga 10 Downing Street ayaa waxaa buux-dhaafiyey dad ku dhow labaatan qofood oo isugu jiray wafdigiisa, xildhibaanno iyo dad sheeganaya inay Madaxweynaha u yihiin la-taliyeyaal iyo gacan-yareyaal, kuwaasoo isku dayey dhammaantood inay isla sawiraan Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska.

Waxaa shaashadaha laga daawanayey iyada oo dadkaas gacmaha la soo qabanayo, lagana soo celinayo agagaarka Gordon Brown. Waxaa kaloo la arkayey dad gacmaha ku sita jaakadaha dhaadheer ee qabowga laga xirto (overcoat) oo ag taagan Sheekh Shariif iyo Gordon Brown oo damacsan inay sawir wada galaan. Waxaa kaloo dhacday in markii uu Sheekh Sharif gacan-qaadayey Gordon Brown ay is fahmi kari waayeen billowgii hore, oo ninkii turjubaanka u ahaa Madaxweynaha uu gooni u istaagay, oo uu u dhaqmay sidii inuu yahay nin Wasiir ah, iyadoo markii dambe uu soo dhaqaaqay nin Soomaali ah, si uu uga tarjumo. Waxaa kaloo dhici weyday inuu Ra'iisal Wasaaraha Ingiriisku iridda ku soo dhoweeyo Madaxweynaha Soomaaliya.
Halkaan ka daawo masuuliyiinta oo daalan

Gefkaas protocol-xumada ah ayaa wuxuu la mid yahay waxyaabihii uu buuggiisa la yiraahdo Safirka kaga sheekeeyey Danjire Peter S. Bridges oo ahaa Safiirkii Mareykanka ee fadhiyey Soomaaliya sannadihii 1984-86. Laba jeer oo wafdi ka socda Waaxda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ee Pentagon ay la kulmayeen saraakiil ka tirsanayd taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa General Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirkii Difaaca wuxuu ka codsaday Ambassador Bridges inuu uga tarjumo wafdiga. Wuxuu yiri Bridges, “Wuxuu Samatar ku hadlayey af-Talyaani, wuxuuna iga codsaday inaan ka tarjumo maadaama aan Talyaaniga bartay intii aan ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Rome. Markii hore oo uu Samatar i weydiistay inaan ka tarjumo waan ka carooday, waayo shaqada aan u joogay Soomaaliya ma ahayn turjubaannimo. Hase yeeshee markii hadalka Xoghayaha aan af-Talyaani ugu rogayey Samatar waxaan ku dhex darsaday kelmado aan jeclaa in la ii yiraahdo."

Si kasta ha noqotee, shaqaalaha xafiiska Gordon Brown ayaad mooddaa markii ay arkeen qaabka ay wax uga dheceen guriga 10 Downing Street inay go’aansadeen in Ra’iisal Wasaare Gordon Brown uusan sii sagootinin Madaxweyne Shariif, isla markaana aysan wada qaban shir jaraa’id iyadoo markii horena la shaaciyey inay ku jirtay qorshaha socdaalka Madaxweynaha. Waxaa la arkayey Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Miliband oo sagootinaya Madaxweynaha, iyada oo si qaab darro ah, oo aan lahayn wax tixgelin ah, u salaamayaan dadkii kale ee la socday Sheekh Shariif. Qaab-darradaas ayaa waxaa ka mid ahaa; iyagoo gacanta ka salaamayey Miliband iyagoo sii jeeda oo sii eegaya Madaxweyne Shariif oo sii galaya gaarigii lagu siday. Waxaa la moodayey inay Madaxweynaha u kala firxanayaan oo ay is leeyihiin ‘yuusan idinka fakan’ ama ‘yaan meesha la idinkaga tegin.'


Gefefka kale ee dhacay ayaa ahaa; in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriisku ay u sameysay Madaxweynaha muddada uu joogo dalkan Ingiriiska koox ka mid ah shaqaalahooda oo isugu jira rayid iyo ciidan. Qaybta rayidku, waxay mas’uul ka ahayd howlaha Madaxweynaha iyo xiriirkiisa, halka qaybta ciidankuna ay u xilsaarnayd ammaankiisa. Shaqaalahan ayaa waxaa laga dareemayey jahawareer ka haysta dhanka xafiiska Madaxweynaha, oo ay kala garan waayeen shaqooyinkooda (job description) iyo waxa ay ku kala magacaaban yihiin.

Fadeexadaha noocaas ah iyo isku dhex-yaaca intaas le’eg ayaa wuxuu, si caddaan ah, u muujinayaa in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xafiiskiisa maamulayaan dad aan wax aqoon iyo khibrad midna u lahayn protocol-ka dowliga ah iyo xeerarka diblomaasiyadda. Waxaa kaloo intaa dheer inay yihiin dadkii shaqa la'aanta ku ahaa Europe iyo America. Waxaa yaab leh in nimankaas qaarkood ay Madaxweynaha ugu magacaaban yihiin Chief of Staff iyo Chief of Protocol, iyaga oo aan weligood horey uga soo shaqeyn howlahaas dowladeed. Marka la eego cilaaqaadka caalamiga ah iyo qaanuunka diblomaasiyadda, protocol-ku waa qeybta ugu muhiimsan xafiiska Madaxtooyada, taasoo ay waajib tahay in laga fogeeyo qardajeex.


Tusaale, habeenkii Arbacada ayaa waxaan ka mid ahaa dad kala duduwan oo Madaxweynaha kula kulmay hoteelka uu ku soo degay. Wuxuu u muuqday nin daalan oo aan haysan wax ka caawiya howsha xafiiskiisa. Isaga ayaa hadalka furanayey, isla markaana xiranayey. Shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha ayaa nala fadhiyey kuraasta iyagoo aad mooddo inay ka mid yihiin dadka uu qaabilayo. Kuwo kale ayaa taagnaa gadaashiisa, waxaana lagu jahawareeray inay yihiin waardiyeyaal iyo inay yihiin gacan-yareyaashiisa. Markii la gudbinayey talooyinka, ma jirin cid u qaadeysay note ama wax u qoreysay xafiiskiisa ama xitaa hadalka qeybinaysay, taasoo keentay inuu Madaxweynuhu hadalka qeybiyo.

Sidoo kale, khudbadihii uu Sheekh Shariif ka jeediyey mac-hadka Chatham House iyo theatre-ka Whitechapel ayaa iyaguna waxay ahaayeen kuwo aan lafa-gur dheer lagu soo sameyn. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa oo aan qornayn iyo isaga oo dadka la shaqeeya aysan u soo qorin note uu mawduuca ka tixraaco awgeed, waxaa mar kasta ka muuqatay inuu raadinayo hadalka, ayna ku adag tahay inuu xusho sadarkii uu rabay inuu yiraahdo iyo ereyadii uu doonayey inuu isticmaalo. Haddaba, waxaa Madaxweynaha la gudboon inuu dhug iyo dhego u yeesho wax ka qabashada xafiiskiisa inta aanu u hanqaltaagin wax ka qabashada xasaradaha ka socda Soomaaliya - “Oodi sida ay u kala korreyso ayaa loo kala qaadaa.”


Maxamed Xaaji (Ingiriis)

London, UK

ingiriis@yahoo.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”