

Sarkaalka watay malayshiyadan soo goostay oo Magaciisa layidhaahdo C/raxmaan Dhoodi Daroor ayaa waxa uu sheegay inay aad u dareemeen tacadiga lagu hayo bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo sidookale dib udhaca balaadhan ee kuyimid Gobolka Sool mudadii uu gacanta ku hayay maamulka Hargaysa.



Iskusoo wadada buuboo ciidamadani ayaa waxay noqonayaan qaybtii 2aad ee kasoo goosata maamulka Hargaysa oo soo gaadha deegaanka Buuro Wadal iyadoo la filayo in dhawaan ciidamo badan oo kale ay ka dhiidhiyaan tacadiga guracan ee lagu hayo shacabka magaalada Laascaanood.
Dhawaan waxaan idiin soo gudbinaynaa sawirada
Abdi Omar Abdi
Buuro-wadal