Friday, 19 March 2010
Wareysi Khaas ah Qaybtii 2aad: Hargeysa(Yool)- Toddobaadkii hore Intiinii la socotey, waxaanu aanu idiinku soo gudbinay qayb ka mid ah Barnaamuj cusub, kaasoo Toddobaadkiiba hal maalin si taxane ah ugu soo bixi doona Wargeyska “Yool”.
Barnaamujkaas oo aanu ugu Magac-darnay “Yool-baadhka Siyaasiga”, kaasoo aanu si gaara ugu faa’qiddi doono Waraysiyo Jac-bur, “Entertainment” ama Ma-dadaalo ah, kuwaasoo daadihiyaha Barnaamujkan Weriye Mr. Mash-qac Geliye, oo isagu ka tirsan Bahweynta Wargeyska “Yool” la yeelan doono Madaxda Axsaabta, Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka caanka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya labada-ba.
Haddaba, intiinii la socotay, waxanu Toddobaadkii hore idiin soo qayb ka mid ah Waraysi aad u xiiso badan oo Weriye Mash-qac Geliye la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga Mu’caaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.
Iyadoo geesta kalena aanu akhristayaasha ugu bushaaraynayo in Toddobaadka danbe aanu u hayo Waraysi kale oo ay aad ugu farxi doonaan. Haseyeeshee,qaybtii kale ee Waraysigii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo dhammaystiran, waxa uu u dhacday sidan:
S: Guddoomiye iibkii aad Xisbiga UCID iibsanaysay miyuu kala kacay?
J: Haa..haa..haa. Gud. Feysal ayaa kala kiciyay mar hadii uu meeshaba keenay adeerkay Buubaa ayaan kuugu yeedhayaa sidii qof la dhacaayo. Ilaa intii muddo ah waxa aan ku sii wadaynaa in aanu wada guulno soo dhaweynaha madaxda iyo mas’uuliyiinta labada xisbi. Runtiina qoladayadan reer Burco CAD ama HILIB la wada guulo ayaanu arki jirnay eh tan oo kale maanu arag. Waa halkii Aw Xasan Sheekh eh, ilaahay ha u naxariiste eh “ Eesh Qiyaasag in aanu isdhiibno ayaa naloo qaatay kol hadii aanan soo dhaweyntiiba hal xisbi keligii is bixin karin!
S: Gudoomiye, wareysigan qeybtiisii hore waxa aad ku sheegtay in aad rajo weyn ka qabto in aad doorashadan ku guuleysanayso oo weliba waa sida aad hadalka u dhigtay eh aad tahay “ANY FOOS”. Haddana waxa soo ifbaxaayaa arrimo ugub ku ah nidaamka Xisbiyadda iyo Doorashooyinka. Tusaale ahaan maalin sii horeysay waxa xaal lagu siiyay ninman ka soo jeeda beeshaada oo qaladyo iyo gefef ka tirisanaayay dad ka tirsan beelaha degan Hargeysa. Nimankii xaalka la siiyay ayaa waxa ay codsadeen in xaalkaasi loogu bedelo Cod Siin oo ay KULMIYE codka la siiyo Doorashada Madaxtooyadda. Waxa kale oo jirtay in madal Gabadh la isku weydiisanaayay in niman odayaal ah oo iyana beeshaada ka soo jeeda ay madashii keenay in ay doonayaa in la siiyo tiro Gabdho ah oo ay cod ku helaan. Sidee arrimahaasi iyo ‘Any Foos’ baan ahay isku qabanayaan?
J: Waar idhegeyso weriyahaagan la leeyahay wax geliye. Adeer meesha ha keenin muran iyo shaki, guushaydu waa iska cadahay oo xukuumadaydiiba way ii dhisan tahay. Nimankan aad ka sheekeynaysaana waa ninman war la’aani heyso oo aan ilaahay tusin cududda iyo tiradda beesha.
S: Guddoomiye waad xanaaqday ee is deji. Xukuumaddaasi kuu dhisan wax ma nooga sheegi karta sida Wasiiradda iyo jagooyinka ugu muhiimsan oo kale?
J: Adeer ma jecli in aan shaaciyo, balse mar hadii dhowr boos oo hore aan ragii iyo colkii ila joogayba ugu sii bushaareeyay, kuwana in yar ayaan ka sheegayaa, balse ma doonaayo in sidii Abiib Balaq-balaq u booqday Macsharkii Berbera in raga meelahan iigu qoran ay u soo booqdaan meelaha aan u qoondeeyay. Wasiirka Maaliyadda waa Cali Mareexaan oo muddo shan sanno ah si dadban uga ahaa Guddoomiye guddida dhaqaalaha oo fahmayna meelaha wax laga basrin karo iyo meelaha kale. Mid kale Cali Mareexaan waa nin ka dheer Cawil oo xitaa isagu waxa uu arki karaa buulasha shinbiraha ee la baxsaday macaashal macaashka, waana nin cashuura cirka culeys weyn saari kara, halka Cawil uu cashuuraha berriga uun ku koobnaa. Wasiirka arrimaha debedda waa Daahir Cabdi Jaamac oo reer London oo aan adeer u ahay, wasiirka arrimaha gudahu waa Saleebaan Maxamuud Adan, gaashaandhiguna waa Mujaahid Maxamed Kaahin oo isagu aad ugu fiican haasaawaha iyo sheekooyinka marfishyadda oo aan hubo in ciidamadda Puntland ee ka soo horjeeda kuwa qaranka ee ay jiida hore isku hor fadhiyaan kala diri kara hadii uu dhowr jeer la qayilo iyada oo aan xabad lagu isku ridin. Waxa kale oo Baanka iigu qoran C/rashiid Dahab-Shiil, maxkamadda sarena waa Binu-Ladin...er.. er…Maxamuud Xaashi…Binu-Ladin waa naaneys uu Marxuun Cigaal u bixiyay eh. Annigu ma ahi qof aan garanaynin qiimaha iyo qadarinta uu xididkaygu iga mudan yahay. Inkasta oo aanay labadan nin aanay barako badan lahayn haddana waxa aan Siciild Cilmi Roble u magacaabayaa wasiirka xidhiidhka golayaasha, Maxamed Cabullaahi Cabsiiyena waa wasiirka Dalxiiska hore ee aynu Xamar ku naqaanay ma ah tan Somaliland ee Waxdadaysan ama wadaadeysa. Waxa kale aan u magacaabayaa Guddoomiyaha Shirkadda TELESOM Axmed Adan Goodir marka ay dhawaan qarameeyayaan Golaha Wakiiladu Somaliland.

S: Guddoomiye, inta aan wax kale ku weydiin maxaad Saleebaan kula maagtay wasiirka isaga oo ninkii seddexaad ee dalka, horena u hungureeyay in uu madaxweyne dalkan ka naqdo? Xageedse kaga tagtay Xildhibaan Nac-Nacan Xiiqsanne, iyo wadaadkii Samaale ee xitaa isku dayay in uu axaadiis badan kugu daboqo?
J: Adeer ta Saleebaan aan ku horeeyo eh, Saleebaan kama fiicna Dr Gaboose oo isaguba iga yeelay in uu iga qaato Jab ama Nus Shaqada Cismaan Hindi loo magacaabay. Xildhibaan Nan-nac waxa la sheego maha shaqadiisu oo waa Iga Dhadhamiyaha Cuntada sidii uu horeba uga dha-dhamin jiray Amiirkii reer Abu-dabay, inkasta oo ay cunto kariyayaashaydu ama kuuktaydu tahay xaafadda oo aanan cabsi ka qabin in ay i sumeeyaan. Waxa kale oo xildhibaanku iga codsaday in aan “Nac-nac Mental Hospital” uga ag dhiso kan Eedo Edna. Iminkana dee waaba ‘Negotiator’-ka afduubayaasha heysta lamaanaha Ingiriiska ah oo hadii uu dilaalis fiican helo isaga ayaaba dhisan kara dhowr cisbitaal, hadii aan laba xidhin. Xildhibaan Samaale markii hore waxa aan is lahaa ka dhig Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, balse xagga aqoonta diinta Ina-iskeerse ayaa ka badiya inkasta oo uu Samaale leeyahay Muuqaal Wadaad Casri ah. Haseyeeshe eh ma qadinaayo oo waxa uu noqon doonaa NABAADIINO XIDHAHA xukuumadayda. Iimaanka Masaajidka Madaxtooyada oo aan markii hore u qoondeeyay Samaalena, Cabdikariin Xinif ayaa ka qaaday mar ay ‘Interview’ u wada galeen shaqadaasi iyada oo weli ‘Pannel’ ay ahaayeen dad dhex-dhexaad ah.
S: Gudoomiye, sawirka iyo muuqaalkaaga xukuumadda aad soo waddo waxa ay u muuqata mid dhinac ka raran iyo weliba in aad soo waddo waxa la odhan karo MAREEXAANEYNTA CUSUB (New Merahanism) oo burbur u horseedi kara Somaliland sidii Mareexaanayntii Siyaad Barre oo kale. Taa Mujaahid Axmed miyaanay kuula muuqan in aad soo wado caddalad darro inna geyeysiin karta dagaal sokeeye?

J: Adeer I dhegeyso waan ku garanayaa oo cid baa kaa hoos hadlayse eh. Horta Maxamed Siyaad Barre, illaahay ha u naxariiste waxa uu ahaa nin Soomaali iyo muwaadin dhab ah oo hamigiisu ahaa in uu shanta Soomaaliyeed isku keeno balse aynu la garan weynay. Qaladkiisu waxa uu ahaa dadkii uu ka keenaayay beeshiisa waxa ay ahaayeen niman aan aqoon fiican iyo waayo-aragnimo maamul dowladeed aan lahayn oo ka aradan. Teeda kalena isagu waxa uu rabay in uu u sadburiyo reerkiisa oo aad u tira yaraa. Anniga teydu way ka duwan tahay mareexaaneyntii Siyaad Barre waayo dadka aan magacaabay waa xul oo rag doorkii beeshayda, waana dadka ugu badan beelaha Somaliland sidii aan hore u sheegay 55% ayay yihiin. Sida aad adigu u sheegtayna waa Mareexaanay Cusub oo qarnigan 21 la kowsatay oo la jaan qaadi karta. Adiga iyo dadka buka ayaa caddaalad darro u arka, balse maaha ee waa beeshaydii oo saamigii ay xaqa u lahayd heshay. Weliba madaxtooyadda iyaga ayaa iigu qoran, duulista, xisaabiyaha guud, mareeyahay dekadda Berbera, Faarax Xadhigle oo wasaaradda ciyaaraha iigu qoran….iyo meelo kale oo badan oo ay ishii buktaa ku bikaacsan doonto.
S: Gudoomiye Axmed Cadaalad, waxa jirta in beeshaadu markii ay Biyaha Xareeda Burco soo baxeen ee la geeyay suuqa barriga Burco la soo diiday oo weliba jidadka lagu daadiyay.. Markii soo baxay Adeega ZAAD boodhadhkii xayeysiinta ahayd ee Barriga Burco lagu dhegiyay la jajabiyay…Waxa kale oo intaasi dheer in ay dhawaan beeshaadu ka sheegatay magaaladii Burco beelihii la deganaa oo ay yidhaahdeen 80%. Annaga ayaa leh magaaladaasi Arrimahaasi miyaanay dhaawac weyn u geysan karin mustaqbalkaaga siyaasi?

J: Horta sida laga warqabo warshadaha biyaha Burco waxa ugu horeysay Maaxda. Xareedana waxa loo sameystay canjil iyo in suuqa laga saaro Maaxda. Markii denbena Saxansaxo ayaa la soo saaray. Adeer way iska caddahay waxa meesha ku jiraa. Adigu waa la daadiyay ayaad ka hadlaysaaye annigu waan xidhayaa marka ilaahay igu guuleeyo in aan qabsado talada dalka. Teeda kale Adeega ZAAD annigu waxa aan u aqaanaa XIN IYO XAASIDKA XAWAALADDA DAHABSHIIL. Waxa aan balan qaadayaa in aan qarameeyo marka ay shuruucdii aan ku qarameyn lahaa ay isoo dhameystiraan Guddida Dhaqaalaha ee golaha wakiiladda kheyr ilaahay ha siiyo eh. Tan sheegashada magaaladda Burco, markii hore waxa ay ahaayeen beeshu 75% oo qiyaastaasi waxa sameeyay Maxamed Xuseen markii uu ahaa Duqa degmadda Burco. Iminkana qiyaastan waxa sameeyay Guddida Jaamacadda Burco oo rag badan oo Maxamuud Adan Dheri ka mid yahay ku jiraan. Haddii Muran ku jiro in beeshu iminka tahay ama noqotay 80% , ragaasi ka soo jeeda galbeedka Burco ee guddi ku jira ayaa diidi lahaa hadii ay in uu dhiig & dheecaan leeyihin. Haddii aan xukunka qabto oo cimri igu simo walee 98% ayay beeshu ka noqon doontaa degaanka Burco.
S: Guddoomiye, sidee aad u aragtaa 7 Gobol ee cusub ee Xukuumadda Rayaale sameysay?
J: Adeer, goboladan cilmi laguma sameyn, loomana eegin shuruudaha gobolnimo sida tirada dadka, baaxadda dhulka, dakhliga, iwm ee waxa ay ahayd uun in cod lagu helo. Gobolka Saraar ee Ceynabe magaalo madaxta u tahay mooyi eh, 6 gobol ee kale waa waxba kama jiraan iyo ‘Qoysate eh Yaa Idiin Xiiri Doona’. Laba gobol ayuun baan ku dari doonaa 7-daasi si ay u noqdaan 9 gobol. Ka hore waa gobolka Karin iyo mid ay magaalo madax u noqon doonto Qoor-lugud sidii aanu ku heshiinay Saleebaan Nuur. Magaca uu gobolku yeelan doono waxa ka soo tallo bixin doona guddi uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaalle (Dhul Cun).
S: Gudoomiye, siyaasiyiin badan ayaa u arka in Hargeysa aanay ku habooneyn in ay noqoto Caasimadda JSL oo iyaddu ku fiicnaan lahayd in ay noqoto magaalo ganansi (business city). Caasimadda waxa ay carrabka ku dhuftaan in ay noqon karta meel dhex u ah goboladda SL min Galbeed ilaa iyo Barri taas oo sheegaan in ay tahay degmadda SHEEKH. Adigu haddii aad maxdaxweyne noqoto halkee ayaad caasimadda dalka kal dhigeysaa?
J: Adeer, Hargeysa waa lanaga sheegtay, meel denbe oo la iga sheegtana caasimadda u rarimaayo, Inkasta oo SHEEKH tahay magaaladii xididka. Qoddob ka mid ah go’aanadii Shirkii Garadag ee aan la shaacin ayaa waxa ka mid ahaa in Caaismadda JSL laga dhigo DHAGAX DHEER!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!. Taas ayaanay noqonaysaa.



S: Guddoomiye, sidii aad u aragtaa dhawaaqii Suldaan Cismaan Suldaan Cali ee u yidhi xisbiyadda qaranka dhex ayaan u noqonayaa, markii aan Kulmiye u tegayna cadho ayuun baa ii geysay eh Kulmiye jeceyl igama ahayn?
J: Adeer Suldaan Cismaan iyo Salaadiinta kale ee aan musharax madaxweyne iyo mid ku-xigeen toona lahayn lama yaabayo in ay dhex noqdaan, balse waxa aan la yaabaa kuwa leh musharaxiinta ee sheegta dhex-dhexaadnimadda. Waa Salaadiin aan dhiig iyo uus toona lahayn. Madax-dhaqameedyo leh ficil, hiil iyo hooba waxa aan ku arkay Boqorradda iyo Salaadiinta beesha Barriga Burco.
S: Gudoomiye, waxa lagu xantaa in aad tahay nin Qabiil ee aanad ahay nin Qaran, arrintaasi maxaa ka jira?
J: Adeer qofka sidaas ilihi waa qof aan habeena jirin. Annigu hadii aan ahay nin qabiil Siyaad Barre wasiir uma ahaadeen muddo dheer. Deeda kale wiil iyo gabadh aan adeer u ahaa oo anniga oo wasiir ah gurigeyga joogay ayaan waxba u qaban kari waayay oo aan shaqo geyn kari waayay ee qabiilka la igu sheegayaa muxuu yahay. Runtii, annigu nin qabiil ma ahi ee qabiilkayga ayaan ‘Hostage’ u ahay oo wax badan aanan jecleyn caddaadis igu saara sidii markii aan xubintii Komishanka Xirsi u magacaabay ee aan kaga baxay Qudh iyo Qabiil ninkii aan u balan qaaday in aan u magacaabo beesha Laascaanood oo ahaa Qow-dhegeyste. Balse annigu waan ogahay in aan sababtaa awgeed aanan ku noqon kari Nin Qaran, waayo ilaahaybaa tolkay ka dhigay Qabiiliyiin.
S: Gudoomiye, waxa kale oo jirta in la yidhaahdo Axmed waa hadal kar ee maha hawl kar, taas maxaad ka leedahay?

J: Haaaaaaaaaahhhhhhhhhhhhha. Adeer wax walba ma kuwada hadlaynaa. Haddal karnimaddu waa nooc minal hawl karnim oo hadii hadalku iga dhac-dhaco ama I seeg-seego sida Feysal Cali Waraabe, waxa la arki lahaa dad badan oo saluugsan qudbadahayga oo iga taga. Maxamed Xaashi, Dr. Gaboose, Mujaahid Muuse, iyo macangagyo badan oo kale oo xisbiga ku jira hadal karnimo iyo hawlkarimo iyo tol fiicnaan ayaan ku hayaa ee mar hore ayay musharaxnimadda iga tuuri lahaayeen. Teeda kale hawlkar hadii aanan ahayn maaniga ayaa gudoomiye ka ahaan lahaa Ururkii SNM muddo 6 sanno ah, calan casna ka badbaadi lahaa wanjalaadahoodii.
S: Gudoomiye, waxbaad i xasuusisay eh waa maxay Calan Castu?
J: Jawaabta meel dheer ma jirto. Calan Castu waxa ay ahayd intii necbeyd guud ahaan beesha galbeedka Burco, gaar ahaana siyaasiyiinta ka soo jeeday degaankaasi. Waxa shaqo ahna kuma lahayn shuuciyad.
S: Gudoomiye, dad badan ayaa yidhaahdo, Axmed Xanaano ayuu u baahan yahay ee Xil uma baahna iyaga oo daliil ka dhigta Ilowshiyo badan sida maalmaha oo aad isku qalado, tallada oo aad hadba qof kugu denbeeya ka qaadato oo aad kii hore ilowdo, sidii dadka waaweyn oo habaar lagaa soo taagay sida Xukuumaddu ha dhacdo… Rayaale ha dhaco.. iwm. Maxaad ka odhanaysa arrintaasi?
J: Adeer markii hore shaki ayaa igaga kaa jirey, balse way iska cadahay cida ku soo dirtay in ay tahay Xukuumadda Rayaale. Run baan kuu sheegayaaye annigu 81 jir baan ahay xilkana waan qaban karaa. Ilowshiyaha maalmaha aad sheegeyso waxbaa ka jira oo markaa aad doorasho sugeyso, kursigiina kuu soo urayo ayaa aad moodaa in maalintiiba ay u dhiganto seddex cisho oo caadi. Tallooyinkana kolba ta iigu denbeysa ma qaato eh ta calan casta ayuun baanan qaadan ee la soco adeer. Habaarka aan habaaraayo xukuumaddana miciin iyo dan ayaan mmodey.
S: Gudoomiye, hadii aad dalka qabsato, wax ma nooga sheegi kartaa qorshaha shanta sanno ah ee dalka ku hogaamin doonto?
J: Qorsho ah… shan sanno ah….hogaamin… Adeer runtii shirkii Gar-adag wuxuu yoolkiisu ahaa uun sidii aan kursiga ku qabsan lahayn oo aan madaxweyne dalkan uga noqon lahaa, qorshe hogaamineedba cidba ismey weydiin. Shir kale ayaanu isku noqon doonaa aanu ku sameyno qorshe shan sannadood oo beeshu wax ku noqon lahayd …dal cidba isweydiinmeyso sannadaha hore ee maamulkayga
S: Guddoomiye, xaga fanka iyo suugaanta aynu u soo noqono eh, fanaankee ama fanaanadee ayaa dhinacaaga is leedahay way ugu Codad fiican yihiin. Ama’se aan idhaado Hal abuurkee ama Abwaankee ayaad koobka 1, 2 iyo 3 aad ee suugaan wanaaga siin lahayd?
J: Horta mar hore oo Cawke i weydiiyay waan ka gabaday, balse markii aan arkay Feysal Cali Waraabe oo labadoodii soo qabsaday ayaan iska ciilkaamiyey. Maantase run baan idiin sheegayaaye, Fanaanka ugu codka wanaagsanaa waa Cismaan Gacanlow, Fanaanaduna waa Seynab Cige, maxay dad ka oohisay riwaayaddii Qabrigii Jeceylka ee horaantii 70-neeyadii. Hal abuurka ama aan abwaanka 1, 2, iyo 3 aan siin lahaa waa Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi). Waxa taas daliil idiinku ah Xildhibaan Maxamed Cali Xirsiba uma sameeyeen ‘Hadraawi Heritage Foundation’ hadii aanu gelin kaalinta 1-aad ilaa 3-aad.
