Black Ahmed a trustworthy commander
Posted: Sat Mar 20, 2010 6:49 am
the guy promised to take out shabaableaders at the right time:
Sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Ashabaab oo xalay lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo
Sabti, March 20, 2010(HOL): Waxaa xalay lagu dilay gudaha Magaalada Kismaayo Taliyihii Ciidamada Ammaanka Deegaanka Dhoobley iyadoo aan la ogeyn cidda ka danbeysay dilka taliyahaasi.
Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee gobollada Sheekh Abuukar Cali Aadan oo saaka u waramayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in masuulkaasi ay xalay dileen rag aan la garaneyn isagoo sheegay in ciidamada amaanka ay durbadiiba gaareen goobtii uu dilku ka dhacay islamarkaasina ay soo qabqabteen rag uu sheegay in lagu tuhunsanyahay in ay ka danbeeyeen dilka masuulkaasi.
Sidoo kale Gudoomiha gobollada Jubooyinka ee Maamulka Xarakada Alshabaab ayaa tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday marxuumka isagoo sidoo kalena ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka ee maamulka Xarakada Alshabaab ee gobollada jubooyinka si buu yiri ay u fududaato in la helo raga sida qarsoodiga ah u geysta falalka xunxun.
Sikastaba ha ahaatee waaa markii ugu horeysay tan iyo intii xarakada Mujaahidiin alshabaab ay la wareegtay gacan ku haynta gobollada jubooyinka dil ceynkan oo kale ah loo geysto masuul ka tirsan maamulka xarakada alshabaab ee gobollada jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
If the govt is smart they should sent assasins to suuqa bakaarah.