Kooxo hubeysan oo ku dilay Degmada Buur-hakaba ee G/Bay askari la sheegay inuu ka goostay Dowladda Soomaaliya
Sabti, Mar 20, 2010 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay askari ka goostay Dowladda Soomaaliya iyadoo kooxihii ka dabmeeyay dilkiisa ay baxsadeen.
Goobjoogayaal ay qaraabo ahaayeen ninka la dilay oo ku sugan degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ayaa u sheegay HOL in dilkan uu dhacay xalay fiidkii kooxaha geystayna aan la garanayn.
"Askarigu wuxuu ahaa mid kasoo goostay Dowladda maamulka degmada ka jirana lama socon inuu ku sugan yahay degmada, waxaana toogtay koox ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo baxsaday markii ay dileen" ayuu yiri ruux ay ehel yihiin askariga la dilay, kaasoo ka gaabsaday magaciisa inuu sheego.
Dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin dilka Askarigan loogu geystay degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay iyo inuu ka tirsanaa ciidamadooda, kana goostay, waxaase jirtay in ciidamo badan ay ka goosteen Dowladda Soomaaliya tan iyo markii la unkay.
Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Buurhakaba ayaa sheegay inay baadigoob ku hayaan kooxihii ka dambeeyay dilka askarigan, waxaana mas'uul u hadlay maamulka Degmadaas uu sheegay inaysan la socon askariga soo goostay.
"Haddii askari uu soo goosto kuna soona gaaro goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha dowladda ka horjeeda waa inuu isi soo diiwaangeliyaa si loola socdo ammaankiisa" ayuu yiri sakaal diiday inuu magaciisa sheego oo ka mid ah Madaxda Buur-hakaba.
Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo loo geysto askari ka goostay Dowladda Soomaaliya, kaasoo ku biiray dhinacyada dowladda ka horjeeda, waxaana sidoo kale jira ciidamo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ah oo u goosta dhanka Dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
TFG officer killed in Bay
Moderator: Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
TFG officer killed in Bay
- Twisted_Logic
- SomaliNet Super

- Posts: 12897
- Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
- Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists
Re: TFG officer killed in Bay
He defected and gets killed. Life is a bitch 
- Talo alle udaa
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2739
- Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
- Location: Evaluating the African mind
Re: TFG officer killed in Bay
Beware of laughing at the misfortunes of others, lest it happens to you!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 8 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 4 Replies
- 523 Views
-
Last post by Somali_Boqor
-
- 3 Replies
- 555 Views
-
Last post by Vivacious
-
- 0 Replies
- 425 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 5 Replies
- 843 Views
-
Last post by peace-
-
- 0 Replies
- 389 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 25 Replies
- 1635 Views
-
Last post by Luq_Ganane
-
- 1 Replies
- 399 Views
-
Last post by Sulemaan_dudun
-
- 7 Replies
- 1289 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 6 Replies
- 1063 Views
-
Last post by Siciid85