US : no relations alshabab & alqeada.
Posted: Sun Mar 21, 2010 5:20 pm
Dawlada Mareykanka oo sheegtay inuusan jirin wax xiriir ah oo u dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-Shabab iyo ururka Al-Qaacida
Mogadishu Sunday 21 March 2010 SMC
Kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ninka lagu magacaabo Thomas Country-man ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin wax xiriir oo ka dhaxeeya xarakadda Mujaahidiinta Sal-Shabab oo ka mid ah dhaq dhaqaaqyada Islamiyiinta ah ee Somalia ka dagaalama iyo ururka Al-Qacida.
Thomas Country-man waxaa uu sheegay inuu jiro kala duwanaansho u dhaxeeya Al-Shabab iyo A-Qacida waxaana uu intaa ku daray in kala duwaanaanshahaas oo ah mid siyaasadeed u muujinayo inaysan jirix wax xiriir ah oo ay wadaagaan.
Mr Thomas waxaa uu sheegay in in kastoo marka loo eego xagga fikirka ay u muuqato in ay iska ag dhaw yihiin waxaa muuqata ayuu yiri inaysan jirin wax xiriir ah oo cad una dhaxeeya Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Al-Qacida waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay inaysan wax saameeyn ku yeelan Al-Qacida aarrimaha siyaasadda dibadda Mareykanka.
Sidoo kale Thomas Country-man waxaa uu soo hadal qaaday koocaha burcad badeeda Somalied oo uu sheegay inay yihiin kuwa dhibaato xoogag kuyeeshay hawlaha socdaalada dhinaca badda waxaana uu sheegay in mareykanku diyaar u yahay inuu ladagaalamo kooxaha burcad badeeda Somalida ah ee ka qawleysta biyaha Somalia.
Hadalkaan Mareykanka ka soo baxay ee ku aadan inuusan wax xiriir ahoo ka dhaxeeya Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab iyo ururka Al-Qacidaa yaa waxaa uu imaanayaa xilli horey Mareykanku ugu dhaawaqay in Dhaq dhaqaaqa Mujaahidinta Al-Shabab ay Al-Qacida wakiil uga tahay gobolka geeska Africa isla markaana Mareykanku sheegay in Xarakatul Shaababul Mujahidiin inuu ku daray liiska waxa loogu yeero ururada sharta ah.
Madaxweynaha dawlada KMGS Sh,Shariif Sh, Axmed ayaa dhawaan waxaa uu sheegay xilli uu ka hadlayay arrimaha Somalia looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Dubai in Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab ay taakuleyn toos ah ka helaan hogaamiyaha Al-Qacida Sh, Osama bin Laden.