He already apologised marka iska dhaaf odaygaa, this is what he said.
uddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng :Faysal Cali Waraabe Oo iska Fogeeyay Inuu Wax Ka Sheegay Beesha Habaryoonis
(Hadhwanaagnews) Thursday, March 04, 2010
(HNW)Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa beeniyay inuu ku tiraabay hadalo ka dhan ah Beelaha Habaryoonis iyo madax dhaqameedkooda. Md. Faysal Cali Waraabe, oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu si kulul u beeniyay warbixno uu sheegay inay faafiyeen xisbiga UDUB ee xukuumiga ah iyo barta Internetka ee Qaran News oo uu ku eedeeyay inay xisbiga UDUB u adeegto.
“Beryahan dambe xisiga UDUB iyo barta Internetka ee Qaran News oo u adeegtaa waxay faafiyeen warar been abuur iyo dacaayad ah oo ku saabsan xisbiga UCID.” ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaas raaciyay, “Warkaas waxa la faafiyay markii la arkay taageerada ay shacabku u hayaan xisbiga UCID, wararkaas waxa ka mid ah war been abuur ah oo sheegayay inaan anigu [Faysal] wax ka sheegay beelaha Habaryoonis oo aan ixtiraam miisaan leh u hayo. Maqaaladaas oo ah kuwo been abuur ah, ma jirto meel iyo goob aan hadaladaas ka idhi iyo meel la igaga soo xigtay toona, ciddii maqaaladaas magaceeda lagu saxeexayna waxa la ogaaday inay been abuur ahaayeen oo aanay jirin.”
Faysal, waxa uu sheegay inuu hore ugu balan qaaday inuu wax ka qaban doono jidka u dhexeeya magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, “Sannadkii 1998-kii mar aan Ceerigaabo tagay waxaan Alle ka baryay inaanu I dilin ilaa aan jidkaas dhiso, inshaalah waanan dhisi doonaa. Sidaas daraadeed waxaan beelaha habaryoonis u sheegayaa inuu warkaasi been abuur yahay oo aanu jirin warkaas layga faafiyay ee lagu sheegay inaan wax ka sheegay Beelahaas. Mana ah wax iga suurtooba, waanan ka raali gelinayaa cid kasta oo uu warkaas khaldani gaadhay, waana dacaayad ay faafiyeen xisbiga UDUB iyo cid kasta oo u shaqaysaa.”
Waxa uu Faysal, hadalkiisa ku soo koobay, “Anigu Habaryoonis waxba kama sheegin, igamana suurtoowdo, mana ihi nin wax u diidan, xaal baanan ka siinayaa hadaladaas been abuurka ah ee la faafiyay, waxaana ka dambeeya xisbiga UDUB oo doonaya inuu kala dilo xisbiga UCID iyo beelahaas oo laf dhabar u ah xisbiga.” ayuu yidhi Faysal.