Dhgaxbuur baan wacay, waa war jira...2 habeen ka hor buu ahaa.
Shabakada Ogadentoday waxaa soo gaaray Caawo Faah Faahin Kooban oo Ku saabsan Dagaalkii Xalay ka dhacay Magaalada Dhagaxbuur, Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya Iyo Xoogaga Jabhada ONLF oo laba Goobood oo Badhtamaha Magaalada Dhagaxbuur ah ka Dhacay.
Sidee Dagaalka Lagu Ogaaday?
Dagaalkan ayay Ciidamada Itoobiya ka helaan Warbaxin Iyagoo Galabnimadii ku soo rogay Magaalada Bandow, Halkaas oo Ciidamada loo yaqaan Roondada ay wareegayeen Magaalada, Kuwaas oo ahaa Ciidamo Lug ah, Watana Baaburta Cabdi Bilayaasha oo Qoryaha Dhashiikaha ah ay saaran Yihiin.
Abaarahii 4 Habeenimo ayay Xabad ka Bilaabatay Laba Jaho, Kow waxay Xabada ka bilaabatay Martama Suuqa Halkaas oo Ciidamo ku sugnaayan ONLF ah, oo ay Rasaas Isku waydaarsadeen Ciidanka Itoobiya ee Roondada Samaynayay. Dhimadasha Halkaas waxaa la sheegay in 4 Askari ay Ciidamada Itoobiya kaga Dhinteen Meesha Dhaawac Dhiig ah oo la Gudbiyay Toga Dhagaxbuur la arkay oo loo maleeyay in ONLF dhaawac la Tageen.
Isla Xabada oo ka socota Suuqa ayaa Jaho kale Xabad ka Bilaabatay oo ah Xerada Kifladoorka loo yaqaan ee Ku taala Magaalada Dhagaxbuur, Halkaas oo 5 Baasuuke hal mar Ku Dhaceen, Iyo Rasaas socotay Mudo 40 Daqiiqo ah.
Waxaa Xerada ka Olalayaa dab aad u culus oo aan la aqoon Sababta Dhalisay Balse loo Maleeyay in ahaa Bakhaar ay Yaaleen Walxaha Qarxa. Dhimashada Dagaaladan Ilaa hada War sugan oo faah faahsan Lagama Hayo Balse Baabuurta Guuxa ayaa Ilaa maanta Laga dareemayay Xerada Ciidanka.
Magalada Dhagaxbuur ayaa saaka Maxkamada la soo saarayay Dad Gaaraya 70 qof oo iskugu Jira Haween Iyo rag kuwaas oo Dacwad loo haystay ahaa inay Xariir ONLF la leeyihiin,
Maanta ayaa Maxkamadii la Baajiyay Iyadoo Dadku Ilaa saaka 4 Saac aysan Gurayaha ka soo baxin, Kadib Waaladiinta loo diiday inay Booqdaan Dadkii Xirnaa iyo Goobta ay ku xirnaayeen.
Weerarkan ayaa ku Riday Ciidaamada Itoobiya Cabsi Xoogan Iyadoo Ilaa maanta aysan Jirin wax Gooba Ganacsi ah oo Furnaa Magaalada Marka laga reebo Hal hal ,meel Xaalada Magaalada ayaa ah mid kacsan.
Wixii war ka soo Kordha Kala soco Ogadentoday
Miiska Warqabakad Ogadentoday
Ogaadeeniya.
Xabashida inayna ONLF awood u hayn ogaada.