Beesha ARAB oo taageertay Tallaabada Wasiirka Caafimaadku Shaqada kaga joojiyay Agaasimihiisa Guud
“Beesha Arab, oo la siman Habar-awal, Garxajis iyo Habar-jeclo, waxay haystaan Hal Wasiir, Wasiiru-dawle, Wasiir ku-xigeen iyo Hal Agaasime guud….
Hargeisa, - Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Madax dhaqameedka Beesha Arab ayaa Jawaab ka bixiyay Bayaan ay dhigooda Beelaha Habar Awal (Ciise Muuse) kaga hadleen Khilaafka culus ee Hadheeyay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka/Shaqada Somaliland kaasi oo sababay in Wasiirka Caafimaadku shaqada ka joojiyo Agaasimihiisa Guud.
Bayaanka ay Madax dhaqameedka beesha Ciise Muuse soo saartay ayaay ku Cambaareeyeen Talaabada wasiirka Caafimaadku xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud, taasoo ay ku tilmaameen mid sharci daro ah oo aanu Xaq u lahayn, waxaanay wasiirka caafimaadka Cabdi Haybe Muxumed ku Eedeeyeen in ka shaqo ka joojinta uu sameeyay aanay ahayn mid uu xaq u leeyahay.
Haddaba Odayaal ka tirsan waxgaradka beesha Cabdalle Abokor iyo Sheekh Cusmaan ee (Arab), ayaa jawaab ka bixiyey bayaankaas ku tilmaamay mid aan daw ahayn oo aanu Wasiirku geyin, iyagoo sidoo kale sheegay inuu Wasiirka Caafimaadku shaqadiisa guddanayo. Cuqaashan oo iyaguna bayaan ay ku sexeexan yihiin 19 isugu jira Cuqaal iyo Waxgarad soo saaray u dhignaa sidan:-
“Anagoo ah Cuqaasha iyo waxgaradka beesha Cabdalle Abokor iyo Sheekh Cusmaan (Arab), waxaanu si weyn uga gilgilanay dhaqaaqii ka soo yeedhay Salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beesha Ciise Muuse ee shalay ku soo baxay wargeysyada qaarkood, kaasoo nuxurkiisu ahaa ahaa aflagaado iyo eedayn ay u soo jeediyeen Wasiirka Caafimaadka, iyagoo kala garan waayay hawshii dhaqanka iyo tii maamul ee dawladnimo. Haddaba, waxaanu u sheegaynaa hogaamiye-dhaqameedyada beesha Ciise Muuse.
1- In saamiga ay haystaan uu yahay sad aanay lahayn oo siyaado ah oo ka maqan beelaha Somaliland ee aanu anagu ka mid nahay.
2- Waxaad haystaan Madaxweyne ku-xgeenka, wasaaradda Waxbarashada, wasaaradda Xanaanada Xoolaha, wasiir ku-xigeenka Beeraha, Maareeyaha dekedda Berbera, Agaasimaha Caafimaadka, Agaasimaha Kalluumaysiga iyo xoghayaha dawlada Hoose ee magaalada Hargaysa oo aanu anagu xaq u lahayn.
3- Beesha Arab la yidhaa oo la siman Habar-awal, Garxejis iyo Habar-jeclo, wuxuu haystaa hal Wasiir, wasiiru-dawle, wasiir ku-xigeen iyo hal Agaasime guud oo mid imika la magacaabay.
Maalintay qadhaadhayd waxaynu wax ku qaybsanay waad ogaydeen, waxay ahayd 4A-4B. Waxa kale oo aad ilawdeen haddii aad tihiin madax-dhaqameedka beesha Ciise Muuse inaan maantana tihiin musharax ee ha noqonina “Caqligaygu yuu igu filaan aan cirkan eego, cishadii timaadana kursiga culus ha lay saaro.”
Magacyada Cuqaasha baaqa soosaaray:-
1-Chief-caaqil Maxamed Xaashi Cabdilaahi
2-Chief-caaqil Axmed Barre Caydiid
3- Chief-caaqil Cabdi Iimaan Jaamac
4- Chief-caaqil Yuusuf Maxamed Awaare
5- Chief-caaqil Maxamed Muxumed Good
6- Chief-caaqil Xasan Axmed Cigaal
7- Chief-caaqil Axmed X.Cabdi Ducaale
8- Chief-caaqil Cumar Ismaaciil Hayaan
9-Caaqil Aadan Cabdi Aw-Yaasiin
10- Caaqil Ismaaciil Cabdi Aw-Aadan
11- Caaqil Gahayr Gaabane Faarax
12- Caaqil Cabdilaahi Magan Buubaal
13- Caaqil Koosaar Aadan Aw-Yuusuf
14- Caaqil Jaamac Iidaan Huriwaa
15- Caaqil Maxamed Xasan Aadan
16- Caaqil Maxamed Sh.Xuseen Abyan
17- Caaqil Caaqil Cabdi Cabdilaahi Qareeeh
18- Caaqil Cali Gahayr Muxumed
19- Caaqil Axmed Cabdi Naaleeye.”
Beesha ARAB oo taageertay Tallaabada Wasiirka Caafimaadku Sh
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Beesha ARAB oo taageertay Tallaabada Wasiirka Caafimaadku Sh
Arap is not happy about somaliland boy
Tust me Arap has a Big say in Somaliland, but the Current Goverment is Underestimating them!




Re: Beesha ARAB oo taageertay Tallaabada Wasiirka Caafimaadku Sh
That is true , i don't think it's fair Arap deserve more they have fought for SNM like no other clan even Abdirahman Tuur AUN made them the vice presidents under his regime.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Beesha ARAB oo taageertay Tallaabada Wasiirka Caafimaadku Sh
Exactly... Arap is Complaining about Ciise Muse having the post positions in the Goverment Today!Siciid85 wrote:That is true , i don't think it's fair Arap deserve more they have fought for SNM like no other clan even Abdirahman Tuur AUN made them the vice presidents under his regime.
Vice Presdient+ 6 Ministers or somehting!
Re: Beesha ARAB oo taageertay Tallaabada Wasiirka Caafimaadku Sh
Seems unbalanced but all that will change soon to come, about who is larger in terms of demographics Arab or C.M?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1087 Views
-
Last post by juelz
-
- 10 Replies
- 908 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 7 Replies
- 982 Views
-
Last post by Ureysoo
-
- 1 Replies
- 569 Views
-
Last post by JSLBerbera
-
- 0 Replies
- 250 Views
-
Last post by L@fweyne
-
- 3 Replies
- 709 Views
-
Last post by Zoomalia4Cvcks
-
- 27 Replies
- 2895 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 7 Replies
- 1400 Views
-
Last post by abodu
-
- 12 Replies
- 1094 Views
-
Last post by Rabshoole