Wasiirka Maaliyada Ee Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Kenya
Written by Geeska
Mar 23, 2010 at 02:24 AM
Hargeysa(Qaran News) -Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Wantengula, ayaa cudur daar ka bixiyay hadal uu dhawaan ku duray Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii uu dalbaday in la baadho safarkii uu dabayaaqadii kal hore Hargeysa ku yimid guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin.
Wasiirku, waxa uu hadalkan cudur daarka ah u sheegay Wasiirka maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo hadda safar ku jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, kaas oo ay kulmeen. Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo uu Wargeyska Geeska Afrika, wax ka weydiiyay kulankan ayaa xaqiijiyay inay kulmeen, waxaanu u sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Somaliland iyo Kenya, “Haa kulankaasi wuu jiray, waxaanu ahaa kulan muhiim ah.” ayuu yidhi Wasiir Cawil, oo intaas raaciyay, “Waxaanu ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya iyo sidii loo sii xoojin lahaa
Wasiirku, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha kale ee uu kala hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya. Laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska u xaqiijiyay in Wasiir Moses, uu kulankaas kaga cudur daartay dalabkii uu dhawaan u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ee la xidhiidhay inay baadhaan safarkii uu guddoomiye Faarax Macalin ku yimid Somaliland, kaas oo uu wasiirku ku eedeeyay inuu dhiiri geliyay madaxbanaanida Somaliland. Wasiir Moses, ayaa sida uu warku sheegay xusay inuu diyaar u yahay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa la filayaa in mudada uu Kenya joogo uu la kulmo Raysalwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga.
Source Wargayska Geeska Afrika
Somaliland Finance minister meets Kenyan Foreign minister in
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Somaliland Finance minister meets Kenyan Foreign minister in
Kenya ,So cawil meets the guy faisal cali waraabe calls a sharmuuto



-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 1345 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 962 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 2 Replies
- 787 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 390 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 299 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 0 Replies
- 280 Views
-
Last post by Murax
-
- 11 Replies
- 849 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 1 Replies
- 1634 Views
-
Last post by zingii
-
- 14 Replies
- 2115 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 6 Replies
- 1801 Views
-
Last post by barbarossa