Somaliland finance minister meets Kenyan prime minister pics

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland finance minister meets Kenyan prime minister pics

Post by The_Emperior5 »

Wasiirka maaliyada Somaliland oo la kulmay Raysalwasaaraha dalka Kiiniya
Written by Qarannews
Mar 24, 2010 at 03:54 PM

Image

Hargiesa,(Qarannews)- Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa shalay kulan qaatay saacad iyo badh la yeeshay raysalwasaaraha dalka Kiiniya mudane Raila Odinga, kulankaasi oo shalay ka dhacay xafiiska raysalwasaaraha, ayaa waxa lagaga hadlay xidhiidhka labada dal iyo iyada oo sida ay wararku sheegayaan uu wasiirka maaliyada Somaliland mudane Xuseen Cali Ducaale Cawil uu si qoto dheer ugaga waramay raysal wasaaraha dalka Kiiniya mudane Ondiga, marxaladihii kala gadisanaa ee ay soo martay Somaliland iyo doorashooyinkii qabsoomay iyo kuwa hada la sugaayo.

Sida ay wararku sheegayaan Raysal wasaare Ondiga waxa uu si aad iyo aad ah ugu hambalyeeyay dalka Somaliland guulaha ay gaadheen iyada oo aan cidna caawinin isla markaasina, waxa aanu ku booriyay in ay sii laban laabaan wax qabsigooda.

Kulankan dhex maray labadan masuul oo qaatay in ka badan saacad iyo badh ilaa hada wax war ah oo faah faahsani kama ay soo baxin labada dhan toona.


Wasiirka maaliyada ee Somaliland mudane Cawil ayaa todobaadkii hore la kulmay wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi Kiiniya mudane Moses Wantengula, sida uu baahiyay wargayska madaxbanaan ee ka soo baxa magaalada Hargaysa ee geeska Afrika, kulankaasi oo ku dhamaaday guul iyo is afgarasho



Source Qarannews
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”