
The real powerhouse of Bosaaso
Dhawan bay ahayd Markii Bogga Dhahar-Online uu Faafiyay xog dhab ah oo ku Saabsan SHirkii wada hadal ee Galgala kaasi oo ahaa mid Sadex Geesood ah, oo ay isku arkeen Dawlada Puntland, iyo Sheekh Maxamed Siciid Atam, iyo waliba Xeer Beeg deegaanka ka soo Jeeda.
Shirkaasi ayaa ahaa mid daba socday Kulan ay Horaantii Bishii aan soo dhaafnay Garoowe ku sheegeen Dr Faroolaha Puntland iyo Cuqaal Reer Hayland iyo Sanaag,waxana Odayaasha Go Gosha u Fidiyay Faroole si uu ugala hadlo Amaanka Guud ee Puntland Gaar ahaan Bosaaso oo ay Beeshu Miisaan wayn ku Leedahay.
In kastoo Kulamada Faroole iyo Odayaashu ay ahaayeen kuwa Saxaafada daaha laga saaray hadana Dhahar-Online waxa loo soo dusiyay Nuqulo ka mid ah Ujeedka laga wada hadlay.
Faroole ayaa Odayaasha Ugu horayn miiska u saaray soo Xera Galinta Wadaadka Mayalka adag ee Puntland Cabsida wayn ka qabto ee Maxamed Siciid Atam kaasi oo degan Deegaanka Galgala oo ah Degmo Hoos timaada Gobolka Bari.
Sidoo kale Odayaasha iyo Masuuliyiinta Puntland ayaa isla meel dhigay qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen Ka shaqaynta Amaanka deegaanada Ceel-Doofaar iyo Laag kuwaasi oo ah Magaalooyin Hawl bowle ah oo ku Yaala Inta u dhexaysa Garoowe iyo Bosaaso.
Hase yeeshee Odayaasha ayaa la Iftiimiyay inay Faroole u sheegeen suura galnimada in Maxamed Siciid Atam uu soo Galayo Gudaha Puntland, iyo cida damaanad qaadaysa Amaankiisa.
Waxa xusid mudan in Odayaashu ay Faroole isla Garteen inay Shir la yeelandoonaan Sheekh Maxamed si ay ugu Gudbiyaan Fariinta Madaxwaynaha ee ah inuu Puntland soo galo oo waliba wareejiyo Hubkiisa iyo Ciidamada uu Hogaamiyo si Loogu dhex Milo Ciidamada Amaanka ee Puntland.
Maalma uun ka dib Cuqaashii Faroole ay Kulmeen waxay Gaadheen Galgala si ay u sii dhamaystiraan wada hadalada u dhexeeya Sheekha iyo Dawlada Puntland,waxana ay Markiiba Kulan La qaateen Sheekh Maxamed Siciid Atam una soo bandhigeen Ujeedka ay ugu yimaadeen iyo Fariinta ay uga sidaan Maamulka Puntland.
Qodobada ay markiiba ku horeeyeen Xeer beegto ee Sheekha ay Gaadhsiiyeen ayaa ahayd inay Puntland dalbatay in Ciidamada Galgala Juuga iyo Hubkooda lagu wareejiyo Dawlada iyada oo Dawladu Taasi Bedelkeeda Bixinayso Aduun Lacag ah oo aan la sheegin.
In Sheekh Maxamed Siciid Atam uu Puntland Gudaheeda uu soo gaadho isaga oo damaanad Buuxda la siinayo oo ku Aadan Amaankiisa.
Intii wada hadalku socday ayaa Wafti aan tiradooda la sheegin oo ka tirsan Madaxtooyada iyo Wasarada Amniga waxay ku soo Biireen wada hadalka iyaga oo Soo Gaadhay deegaanka Galgala, taasi ayaa Horseeday inuu Bur Buro wada hadalkaasi ka dib markii waftigaasi ay Shirka keenee Hadalo Hanjbaad ah iyo waliba SHuruudo dheeraad ah ay wateen.
War aan wali la shaacin ayaa daboolka ka qaadaya in Wada hadaladii dib boodhka looga jafayo waxana wajiga Labaad ku soo Biiraya Siyaasiyiin aan xil ka ahayn Dawlada Puntland iyo Ganacsato deegaanka ka soo jeeda kuwaasi oo wada Abaabul ay ku raadinayaan in Shirkaasi dib laysugu Soo Noqdo.
Ilo wareed aan daboolka laga qaadin ayaa sheegaya in Faroole iyo General Ilka Jiir oo Safar dibada ah ku Maqan ay suurowdu inay Booqdaan deegaanka Galgala.
galgalanews.com