Muj Silanyo the Road to election

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Muj Silanyo the Road to election

Post by The_Emperior5 »

Image

Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay In Komishanka Laga Sugayo Inay Ku Dhawaaqaan Maalinta Doorashadu Dhacayso
“Waad Ogtihiin In Taageerayaasha KULMIYE Ka Tirsan Ay Xidhaan Maalin Kasta Oo Ay Yidhaahdaan Halkanay Wax Ku Qarxinayeen”

Axmed Siilaanyo

Hargeysa, March, 26, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in komishanka doorashooyinka laga sugayo inay ku dhawaaqaan maalinta ay doorashada madaxtooyadu dalka ka qabsoomayso, isagoo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale-na uga digay inay carqaladayso geedi socodka dimuqraadiyada iyo doorashada.

Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo waxa kale oo naqdiyey talaabada madaxwaynuhu ku kala diray dhawaan gudidii cusbitaalka guud ee Hargeysa oo sababaha erigooda uu u cuskaday xilgudasho la’aan. Guddoomiye Axmed Siilaanyo oo shalay ka hadlayey xaflad soo dhawayn ah oo ay u qabteen taageerayaal xisbigooda KULMIYE ku soo biiray oo ka dhacday Huteelka Scandanavian ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale dhaliilo waxqabad la’aan u jeediyey xukuumada isagoo Axmed Siilaanyo ugu horayn ka hadlaya qabsoomida doorashada madaxtooyada oo aanay ilaa hada komishanka doorashooyinku wali ku dhawaaqin maalinta ay qabsoomayso ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Waa qodobka kaliya ee lays waydiinayo. Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd”

Mar uu ka hadlayey marxalada uu dalku marayo wakhtigan xaadirka ah Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi “Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu garanaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka Doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay Dimuqraadiyadda hirgeliyaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan, isla markaana Dhalinyarta Badda isku guraysa ee mustaqbalkoodii lumay ay ahayd inay mustaqbal u samayso oo ay niyadda u dhisto iyo maamulkii iyo dawladdii aynu uga baahnayn inay dadka qanciso oo ay rejo u abuurto oo ay dunida ina dhaadhiciso, waa ta aynu maanta arkayno maalin walba dhalinyaro Xisbiga KULMIYE ah ayay xaafad eryanaysaa oo ay Xabsiga u taxaabaysaa. Waa ta maalin walba xabbadda la dhacaysa, waa ta ay Saxaafaddii ka baxsan wayday, waa ta ay Hagbaddii (Lacagtii) yarayd ee ay Haweenku halkaa dhiganayeen ka baxsan wayday.”

Axmed-Siilaanyo mar uu ka hadlayey Guddida Cusbatalka guud ee Hargeysa ee madaxwaynuhu kala diray waxa uu yidhi “Waa ta maanta Cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii Dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii Madaxtooyadii ka soo horjeedday Cisbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta Dawladdii maanta ka takhalustay ee Dhakhaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay, waxna laydiinkama baahna. Kuwa aynu isku hallaynaynaa ee umaddu wax ka sugaysaa (Xukuumadda) waa kuwaa.”

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha KULMIYE ka hadlay arrimo la xidhiidha Nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Waxaanu yidhi, “In badan waxa nala waydiiyaa oo ay Xukuumaddu isku daydaa had iyo jeer in ay ka dhaadhiciso Umadda in xasilloonida iyo degannaanshaha dalku uu ku xidhan yahay maamulka maanta talada haya. Waa ogtihiin in ay maalin walba dad badan oo Xisbiga KULMIYE ah oo gobollo badan ka tirsan ay xidheen oo ay yidhaahdeen halkan ayay wax ku qarxinayeen oo dhibaato ayay wadeen. Nabadgelyada dadka iyo ilaalintiisa Xisbiga KULMIYE iyo shacabka ayaa cid walba uga lexe-jeclo badan oo ilaalinaya. Waxaanu in badan caddaynay in xasilloonida dalka, dimuqraadiyaddiisa iyo midnimadiisa aanu u ilaalinayno sidii aanu xornimadiisa u ilaalinaynay. Waxaanu ku kalsoonahay in aanu cod iyo ikhtiyaar shacabku leeyahay aanu ku qaadayno” .

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Axme Xaaji Cali Cadami waxaanu yidhi “Anigu waxaan leeyahay, dad lagama quustee, Wasiirka Duulista Hawada oo ahaa qofka kaliya ee aan islahaa isagaa ku jira Xukuumadda, Madaarka Hargeysa hagaaji oo dhis. Dhawaan baan ka soo laabtay dibedda, waxaan ka soo degay Garoonka Berbera, dadkeenii Qurba-joogga ahaana way la soo noqonayaan Ubadkii, markaa waxaan leeyahay Caruurta iyo dadkuba ma awoodaan safarka intaa le’eg (Hargeisa ilaa Berbera) ee Madaarka dhis.”
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Muj Silanyo the Road to election

Post by Cirwaaq »

Ok i dont mean to hurt anyones tribal feelings but what happens if this guy dies after being elected???

Doesnt Riyoles cousin then take the seat for another 8years???

If i am mistaken forgive my brain fart.

:up: peace who ever takes the seat and may that person be able to maintain current peace for you guys.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Muj Silanyo the Road to election

Post by The_Emperior5 »

Cirwaaq wrote:Ok i dont mean to hurt anyones tribal feelings but what happens if this guy dies after being elected???

Doesnt Riyoles cousin then take the seat for another 8years???

If i am mistaken forgive my brain fart.

:up: peace who ever takes the seat and may that person be able to maintain current peace for you guys.

There is nothing wrong if abdiraxmaan seylici Becomes the next president of somaliland if Silanyo dies , he is a great candidate Mudane Abdiraxmaan Seylici.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Muj Silanyo the Road to election

Post by Cali_Gaab »

Kuwa doorashooyinka maba fahmo!

Xilliga ey dhici doonto ama xiliga ey doorashada ku beegmi doonto maba sheegaan, macaa 'update' ummada maba siiyan. Shaqada ey kala qabtaan yaa og ba?

Kulmiye iyo UCID ba soo qof mey dooran oo komishanka ku dhex jira? Iney inala socod siiyan ayeey tahay xaalada halkey marayso bil kasta!

Cirwaaq, the issue is not whether a Gadabuursi is President or not, nobody minds that. However, if the the Mujaahids time may come during his term then so be it. In addition, there's nothing much to worry about as I have great faith in their party.
User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Re: Muj Silanyo the Road to election

Post by yawle »

LOOOL

Siilaanyo's Road trip:

1. Siilaanyo leaves 26June section of Hargeisa..
2. He speeds pass Gacanlibaax section heading Berbera
3. He then speeds pass all the dotted villages between Hargeisa and Berbera...
4. He may or may not say "Salaam" to his seediyaashi at Berbera...
5. Speeds all the way to Burco
6. Doesn't look left or right, but straight to his house in East Burco

Now that is what you call a road trip. :clap:
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Muj Silanyo the Road to election

Post by Cali_Gaab »

Your father Riyaales roadtrip:

1.Leaves madaxtooyada
2.Walks to the driveway
3.Walks back to his room

:lol: :lol:
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Muj Silanyo the Road to election

Post by SahanGalbeed »

:lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”