[youtube]Why1YOYN3YM&feature=player_embedded[/youtube]




Waxa farxad leh in maanta ay dhamaystirmeen 4 fasal, 2 xafiis oo yar yar iyo 2 hoy (dormitories) sida aad sawiradan ka muuqda. Shaqadaa wax-ku-oolka ah oo soo qabasoontay muddadii 12ka bilood ahayd ee innaa dhaaftay. Marka dadkii kalhore ogaa ay maanta arkeen waxa qabsoomay, farxad aad u ballaadhan ayaa dhamaan saamaysay dadkii badnaa ee goobtaa iskugu yimid. Gaar ahaan waxa xasuusns taariiki ah mudan markii laydhkii guryaha la daaray ee dhulkii wada iftiimay!! Generatorkii aan daarnnay ma ahayn mid quwad badan leh. Sidaas darteed muddo dheer ma shidnayn. Hase yeehee, in markii la daaray aqallaadii shidmeen ( walalac) ayaan wax loo dhigaa jirin ( Jimcihii iyo sabtidii baan ninkii jiray illaabayn).
Marka la soo koobo:
. Waxa dhisan 4 class oo qaadaya 140 arday
· Waxa dhisan 2 dorms (hoy) oo qaadayaa ilaa 70 arday
· Waxa dhisan, haba yaryaraadaane , 2 xafiis (office)
· Waxa seesan madbakhii iyo qolkii cuntada (the kitchen and the dinning)
· Waxa kale oo seesan 4 fasal (classrooms)