The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Sheegay In Xukuumaddu Ka Gaabisay Qorshihii Lagu Soo Xero Galin Lahaa Garaadada Dhulbahante Ee Somaliland-Diidka Ah, Kana Hadlay Musharaxiinta Madaxwaynaha
“Arintu Waxay Ka Dhalatay Markii Garaad C/Qani Lagu Diiday Xubnihii Baarlamaanka Beeshiisa Ee Uu Soo Xulay Ee Lagu Yidhi Qaybe Ayaanu Wadanaa, Haday Dad Laayaan Oo Ay Dagaal Soo Qaadaana Waanu Iska Celin”
“Xisbigii Reeraysan Ee Tolaay Yaa Reer Hebelaay Ku Ololeeya Ummadu Way Arki Doontaa, Cidii Ka Hortimaada Heshiiskii Lixda Qodobna Xilkaa Laga Xayuubin Doonaa” Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
Hargeysa, March, 28, 2010 (Haatuf) – Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland suldaan Maxamed suldaan C/qaadir ayaa xukuumada Somaliland ku dhaliilay inay ka gaabisay qorshihii lagu soo xero galin lahaa Garaadada beesha Dhulbahante ee somaliland diidka ah isagoo intaa ku daray hadii ay xukuumadu mawqif cad ka istaagi lahayd waxyaalaha ay tabanayaan ay garaadadu go’aan ku gaadhi lahaayeen tabashadooda ku saabsan, uguna baaqay in wafti xaqiiqo raadin ah oo xogagaal ah ay xukuumadu u dirto deegaanada gobolka Sool, waxaanu uga digay garaadada iyo Isimada beelahaasi in colaado dagaal ay ka abuuraan deegaanadaasi isla markaana tilmaamay hadii dadka reer Somaliland ee ku sugan deegaanada miyiga Sool dhibaato loo geysto ay iska celin doonaan.
Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in cidii ka hortimaada heshiiskii lixda qodob ahaa ee laga gaadhay doorashada madaxtooyada xilka laga qaadi doono uguna baaqay axsaabta siyaasada inay joojiyaan yooyootanka dhexdooda ka aloosan kana fogaadaan in caadifada qabiil ay ololahooda siyaasada u adeegsadaan.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay isla markaana wargeyska Haatuf xogwaran khaasa uu kala yeeshay socdaalkoodii dhaqan ee ay Jabuuti kaga qayb galeen, marti qaadka loo sameeyey Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin ee kowdii bishan March 2010-ka lagu caleemo saaray magaalada Saylac ayaa isaga oo ka hadlaya suldaanku geedi socodka doorashada madaxtooyada iyo qodobadii lagu soo afjaray khilaafkii ka dhex oogmay xukuumada iyo axsaabta mucaaridka ayaa waxaa uu yidhi “Lixdii qodob ee lagaga heshiiyey khilaafkii doorashada cida ka hor-timaada xukuumada, axsaabta, mucaaridka, golayaasha wakiilada iyo guurtida ama komishanka doorashooyinka ha ahaatee cidii ka hor timaada xilkay ummada u hayso waa laga qaadaya sida axsaabta xilka looga qaadayaana xisbiga afraad ayuun baa halkiisa soo bedelaya. Haddii uu lumiyo kalsoonidii lixda qodob, anagu salaadiin ahaan markii dhawaan dhex galay khilaafkii axsaabta mucaaridka, xukuumada iyo goalyaasha bayaankii aanu ka soo saarnay wali maanu shaacin haddiise aaan qodobo kasoo qaado waxa u ahaa xisbigii ka hor yimaada lixdaa qodob in xisbinimada xilkeeda laga qaado, haday xukuumadu ka hor timaadana xilkeeda laga qaado, haddii komishanku ka hor yimaadana laga bedelo, komishankana waxa laga rabaa in xisbiyada dhex ay u ahaadaan, axsaabtana waxa laga rabaa inay yooyootanka joojiyaan oo aanay shacabka dib u baro kicin”
S: Socdaalkaagii aad Jabuuti kaga qayb gashay marti qaadkii loo sameeyay Ugaaska beesha Ciise, Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahin maxaa kaaga soo kordhay dhaqan ahaan ayaad isleedahay?
J: Walaahi waxa iiga soo kordhay qaabka ay beesha Ciise isku raacsan tahay sida u kala danbeeyaan iyo xeerka ay leedahay, Ciise xeerkiisu ma furfurmo, beri baa lays yidhi hala xidho masalo cusub oo timid baa la iskula qaadatay inaanu xeerku furfurmin, masaladaasina waxa ay ahayd inan iyo aabihii baa sac isku qabsaday, inankii oo leh hooyaday baa heshay Saca oo annaa leh iyo Aabihii oo yidhi Saca islaantaydii baa ka dhimatay oo anigaa leh, guurtidii Ciise ayaa geedkii fadhiistay oo odaygii iyo inankiisiiba loo gar qaaday, wasxa la yidhi hooyadaa marky Saca heshay Jiilaalna way ahayde Saca ma geesahay qabatay mise dabada ayay qabatay, wuxuu yidhi dabaday qabatay, waxa layidhi wiilow kadainka ka bax, waxa la yidhi Saca qaarkiisa danbena odaygaa leh , qaarka horena inankaa leh oo inankii waa ka naasaha jaqaya, inankii halkaas ayuu ku waayey sicii maadaama ay islaantii dabada qabatay saca, markaa xeerka beesha Ciise waxyaalo badan baanu ka soo faa’idaysanay runtii, haday ummada reer Somaliland xeerkaasi oo kale dhiganaysana dilna ma dhex yimaadeen dhibaato kale oo khilaaf keentaana kama dhex dhacdeen, waxaana fiican in lagaga daydo xeerkaa ay samaysteen.
S: Garaadadii beelaha dhulbahante ee Somaliland-diidka ahaa waxay dhawaan ka soo jeediyeen maamulka Garoowe hanjabaad ay ku sheegeen in dib loogu qabsado deegaanada Sool oo ciidanka Somaliland laga saaro, arinkaa maxaad ka odhan lahayd?
J: Anigu kulama yaabani arinkaas waxaanan qabaa in garaadada Dhulbahante laga gardaran yahay, xukuumadu dhawr jeer bay tidhi salaadiintiinu taga, ma tagayno baanu nidhi oo maxaanu ula tagnaa, arintaasna waxay ka kacday liiskii xubnaha baarlamaanka ee Garaad C/qani watay iyo xubnahii uu soo xulay markii laga horyimid ee la yidhi qaybe ayaanu wadanaa ee labadii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Sheekh Ibraahin (AHN) ay ku gacmo saydheen, dhibaatadu halkay ka timid marka hore hadaan la daba galin dawada lama helo, taladii garaadada loola tagi lahaa ee Somaliland ku noqon lahaayeena xukuumada war cad kama hayno.
S: Garaadadu waxay sheegeen in beelaha reer Somaliland ee xoolahoodu daaqayaan deegaanada Sool hadii ay ka bixi waayaan deegaanadaasi ay lay doonaan arimahaasi siday kuula muuqdaan?
J: Hadii ay laayaan waanu iska celin, hadiise ay xuquuqdooda ku raadinayaan dagaal ay ku soo qaadaan Somaliland, waxaanu leenahay dagaal horeynu ugu jabnaye faraha ka qaada dagaal.
S: Maxaad kaga talin lahayd in wafti ay xukuumadu u dirto garaadadaasi?
J: Waxaan kula talin lahaa xukuumadu in wafti xogagaal ah u dirto oo marka horena xukuumada heshiis la gala garaadadaas iyo beeshaasna wax cad ula taga, wixii ergadaasi ay ku soo heshiiyaan waa inay xukuumadu qaadato sidaasi ayuun bay garaadadaas ku ergo iman lahaayeen oo arintaa lagu soo celin lahaa.
S: Madaxweyne Rayaale oo aad iskugu dhaw dhawdihiin xidhiidh fiicana idinka dhexeeyo taladaa ma filaysaa inaad u bandhigto?
J:Walaahi taladaa madaxwaynaha waan ula tagayaa, maxaan ugula tagi waayey beel dhan oo go’aysa oo aad arkayso inaan ergadaasi ula tago oo aan idhaahdo iga aqbal waan ula tagayaa, anigoo suldaan Maxamed ahi hadaan kaliday imika Dhulbahante u tago ergo way qaadanayaan laakiin waxaan doonayaa waxaan ula ergo tagayo inaan qodxaha ka sii guro oo wax hufan ay noqdaan, oo xukuumadana aanu ka wada socono ay noqdaan.
S: Sadexda xisbi UDUB, KULMIYE iyo UCID ee doorashada madaxtooyada ku tartamaya iyo sadexdooda musharax ee jagada madaxwaynaha u taagan maxaad ka aaminsan tahay?
J: Sudlaanku sadexda xisbiba beeshiisibaa ku jirtee keebuu raaca, keebuuse ka hadhaa soo barito ka maalin la odhan maayo suldaan waad iga soo horjeedoo waadigii xisbigaa galay sidaa darteed anigu sadexda xisbiba suldaan baan u ahay.
S: Axsaabta siyaasada marka la eego dadka kala taageeraya ee ku biiraya waxaa la yidhaahdaa beel heblaayo ayaa xisbi hebel ku biirtay arinkaas sideed u aragtaa in xisbiyadu qadyaalada ku ololeeyaan?
J: Walaahi anigu waxaan u arkaa in xisbiga ku ololeeya qabyaalada aanu lahayd barmaamij siyaasadeed ee uu ujeedo kale leeyahay, xisbiyada waxa lagu raacaa oo lagu kala doortaa barmaamijkiisa siyaasadeed iyo mabaadiida uu aaminsan yahay, laakiin xisbina maaha in lagu raaco tolaay yaa reer hebelaayeeyna waxaan qabaa inaanu mabdi’ii siyaasadeed lahayn.
S: Maxaad ka odhan lahayd xiligan doorashooyinku soo fool leeyihiin iyo dagaalka afka ah ee ka dhex aloosan axsaabta?
J: Doorashadaasi wakhtigii Alle qadaray ayuun bay dhacaysaa cidii khal khal idinka galinaysana meel uga soo wada jeesta, axsaabtana waxaan leeyahay ummada ha kicinina’e qabyaaladana ka dhawra, xisbigii reeraysan ummadu way arki doontaa xisbiyadana waxaan leeyahay yooyootanka joojiya ummadana ka daaya jaha wareerka.

- rich-boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1635
- Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
- Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
since when Somaliland had a sultan
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
i love this guy , he is the same guy who said Car habarjeclo ka baxa somaliland
And now he is saying wa in qassab lugu so galiya garaadada dhulbahante somaliland

And now he is saying wa in qassab lugu so galiya garaadada dhulbahante somaliland
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
He is a direct decedent of Suldaan Faraax Guleed. The Isaaq Suldan That ruled Somaliland for centuriesrich-boy wrote:since when Somaliland had a sultan
- rich-boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1635
- Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
- Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
then he's the Issaq sultan not Somaliland
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
Yeah true that but people consider him the somaliland sultan I don’t think the Gudubuursis mind himrich-boy wrote:then he's the Issaq sultan not Somaliland
- Cali_Gaab
- SomaliNet Super
- Posts: 14013
- Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
- Location: Sleeping next to my life's cottage
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
Odaygani futadiisa keliya ayuu uu taliyaa!
- rich-boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1635
- Joined: Wed Jan 30, 2008 6:26 am
- Location: Paris Seine saint denis Banlieue Nord gros
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
lool by the way no 1 can be the sultan of a country only of a certain tribeCali_Gaab wrote:Odaygani futadiisa keliya ayuu uu taliyaa!
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
We have to go back in history. We didn't support the Madmullah movement and vice versa the never support our movement. We have always been a bit sniffy about their subjective perception of jihads and somalinimo. vice versa iyaguna sidoo kale.
Suldaankaasi ha ku noqodo taariikhda. sheekadu ma aha In Xukuumaddu Ka Gaabisay Garaadadda.
Suldaankaasi ha ku noqodo taariikhda. sheekadu ma aha In Xukuumaddu Ka Gaabisay Garaadadda.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
Rightwing wrote:We have to go back in history. We didn't support the Madmullah movement and vice versa the never support our movement. We have always been a bit sniffy about their subjective perception of jihads and somalinimo. vice versa iyaguna sidoo kale.
Suldaankaasi ha ku noqodo taariikhda. sheekadu ma aha In Xukuumaddu Ka Gaabisay Garaadadda.
Rightwing And we should go back tot our glory days of Hagoogane. And knock on their doors in buuro waddal they are doing khuusuusii , the khuusuusii were the elders that used to Support ina cabdulla xassan. Bal car suldaan Maxammad sulldan cabdulqadir,, car ha iska dhigo awoowgii Suldan Diriye oo kalle.
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back

Show jahaad bay ku jiraan

- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
futooyinkaa uu u taliyo futadaadaa ka mid ahCali_Gaab wrote:Odaygani futadiisa keliya ayuu uu taliyaa!

- salafi_student
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2223
- Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
- Location: If you would only listen, I can educate you!
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
Emperor
How come you have a dead skeleton pictured in your avatar?
Just asking..bye
How come you have a dead skeleton pictured in your avatar?
Just asking..bye
- hargaysaay
- SomaliNet Super
- Posts: 8453
- Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
- Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
fuck you salafi student, the man is in grave right now leave him alone
Re: The Somaliland Sultan says The garaads Must be brought back
doqonima ka hadliisaysalafi_student wrote:Emperor
How come you have a dead skeleton pictured in your avatar?
Just asking..bye

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 366 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 12 Replies
- 1169 Views
-
Last post by mahoka
-
- 6 Replies
- 1110 Views
-
Last post by Adali
-
- 1 Replies
- 365 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 12 Replies
- 916 Views
-
Last post by surrender
-
- 21 Replies
- 4865 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 2 Replies
- 907 Views
-
Last post by bashe19
-
- 13 Replies
- 1109 Views
-
Last post by Sultan-Kenadiid-of-Hobyo
-
- 11 Replies
- 608 Views
-
Last post by original dervish
-
- 13 Replies
- 924 Views
-
Last post by FarhanYare