Page 1 of 2

Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 3:32 am
by CoolPoisons
Xildhibaano ku sugan degmada Dolow ee gobolka Gedo oo sheegay in Beesha Caalamka ay kala arinsadeen u sameynta Maamul goboleedyo koofuta dalka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya islamarkaana ku sugan degmada Dolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in Beesha Caalamka ay kala tashteen u sameynta Maamul goboleedyo koofuta dalka Soomaaliya.



Mas’uuliyiin katirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaano Baarlamaanka KMG ka tirsan iyo Mas’uuliyiintii maamuladii dowladda KMG ee ka arimin jiray gobolada Koofurta Soomaaliya ee fadhigoodu yahay degmada Dolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay qaar kamid ah Mas’uuliyiintaasi ka hadleen halka uu u marayo sameynta Maamul goboleed ay doonayaan in ay ka hirgaliyaan koofurta Soomaaliya.



Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo xubin ka ah Baarlamaanka dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah Mas’uuliyiinta dowladda KMG ee degmada Dolow kawada dar dar galinta Maamul goboleed la doonayo in laga hirgaliyo 6-gobolo oo kuwa Koofurta Soomaaliya ah ayaa waxa uu sheegay in wadatashiyada ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada meel fiican uu u marayo.



Mudanahani waxa uu carabka ku dhuftay in gudigii ka koobnaa 21-ka Xubnood oo bilo ka hor ay sameeyeen Mas’uuliyiinta dowladda ee degmada Dolow ku sugan ee loo xilsaaray Wadatashiyada iyo qabanqaabada Maamul goboleedka ayuu sheegay Xildhibaanku in meel fiican ay marayaan islamarkaana sidoo kale wadatashiyo ay la sameeyeen Beesha Caalamka sida uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan oo xalay Shabelle waraysi siinayay.



Hase ahaatee Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan waxa uu intaasi ku daray in howlaha ay u joogaan degmada Dolow ay tahay howlaha dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana ay ku howlanyihiin arimo Fadaraaliisim dowladana ay ku mashquulsantahay wax ka qabashada arimaha amaanka.



Mar wax laga weydiiyay baaqii Gudoonka Baarlamaanka ka soo yeeray oo ahaa in Xildhibaanada ka maqan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay ku soo xaroodaan Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in mar hadii Baarlamaanka Fadhiga Kooramka uu buuxsamo wixii go’aan ah ee ay gaaraan ay ku raacsanyihiin kuwa maqan.



Si kastaba ha ahaatee mas’uuliyiinta dowladda KMG ee degmada Dolow ku sugan ayaan la ogeyn qaabka ay ugu guulaysan doonaan sameynta Maamul goboleedyo qaban qaabadiisu ay wadaan iyadoo taasina ay ka horeyso sidii ay gacantooda dib ugu soo celin lahaayeen gobolada Koofurta Soomaaliya oo hada ay maamulaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 3:58 am
by ina aadan
Cp
konfur galbeedbad ku ekaten miyaa :lol:

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 4:30 am
by abdisamad3
dolow isnt that an ethiopian ruled area?

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 4:33 am
by ciyaal_warta
talk is cheap sxb...somali maryooley way iska hadal badantahay we want to see action sxb

i think ma wardhiigleyLand purposal will come b4 them :lol:


newayz federalism is the way forward sxb..gobol walbo inoo maamul dhisto waa fikrad fiican :up:

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 5:42 am
by CoolPoisons
abdisamad3 wrote:dolow isnt that an ethiopian ruled area?
belo, Dolow's degmo in Gedo

There's Dolow Degmo in Somalia (Gedo) and Dolow degmo in Ethiopia

Labadu share border. Waa sida Beled Hawo (Somalia) iyo Mandera (Kenya)

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 6:19 am
by abdisamad3
CoolPoisons wrote:
abdisamad3 wrote:dolow isnt that an ethiopian ruled area?
belo, Dolow's degmo in Gedo

There's Dolow Degmo in Somalia (Gedo) and Dolow degmo in Ethiopia

Labadu share border. Waa sida Beled Hawo (Somalia) iyo Mandera (Kenya)
haa ok waan fahmay hada.. :up:

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 3:25 pm
by xoogSADE14
lol

Wallee calaacal iyo beer xanuun badan ayaa soo socda.

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 3:26 pm
by Xamud.
Dhulkiba gacan laguma hayo ee maxu mamuul sheegaya?

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 3:41 pm
by GacanSareeye
cool, ma adigii wadaniga ahaa baa local noqday, ma waxay ey Xabashi soo dhoobdhoobtay baad ku qanacsantahay, because if you hear international community waa ethiopia since they are America's child in East Africa if not Africa. you know real peace comes in the hands of the people, ordinary people, elders, clansmen, and politicians. you dont start out with the international community to build something, you use the international community to enhance and reinforce a built institution and structure. Dont tell me Konfur Galbed cant succeed were Galmudug succeeded.

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 3:47 pm
by AbdiWahab252
GacanSareeye wrote:cool, ma adigii wadaniga ahaa baa local noqday, ma waxay ey Xabashi soo dhoobdhoobtay baad ku qanacsantahay, because if you hear international community waa ethiopia since they are America's child in East Africa if not Africa. you know real peace comes in the hands of the people, ordinary people, elders, clansmen, and politicians. you dont start out with the international community to build something, you use the international community to enhance and reinforce a built institution and structure. Dont tell me Konfur Galbed cant succeed were Galmudug succeeded.

Galmudug is not under the occupation of Shabab and has never been so. Konfur Galbeed will not work unless Shabab are kicked out and destroyed.

To create a mamuul in absenstia is not ideal :down: Makhamiinta came to us when we were setting up our Galmudug and thanks to the Qadriyaah and Ayatollah Abdi Hassan Awale, we kicked their arses out of Galmudug.

Good luck !

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 3:47 pm
by manarab
CoolPoisons wrote:gobolada Koofurta Soomaaliya oo hada ay maamulaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
:up:

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 4:02 pm
by GacanSareeye
AW, you have to give credit where credit is due, i think Galmudug has learned not the art of war alone but the art of diplomacy, by following PUntland's steps you guys have done a tremendous job, so kudos to that. i never said Galmudug was set up by Xabashi but rather the opposite, Galmudug seems to have been set up through the same mechanism that was utilized by Puntland and Somaliland, mainly clansmen and the people. Konfur Galbed seems to be doing the opposite by putting an emphasis on the international community than the other way around. Shabab is a necessary evil sxb, i would rather seem them piss on other than have the Xabashi in that same predicament

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 4:32 pm
by Shirib
Yea this state again

so this guy claims to be head of it

Image

so does this guy

Image

and this guy wants it too

Image


and none of em can really go there without being killed, so yea this state is almost there, its comin I tell ya, its as close as ever

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 4:43 pm
by GacanSareeye
Shirib you are for a crude wakening if you think Shabab is gonna be there 8 months from now :lol:

Re: Konfur Galbed almost final with help of Caalamka

Posted: Mon Mar 29, 2010 4:46 pm
by Shirib
GacanSareeye wrote:Shirib you are for a crude wakening if you think Shabab is gonna be there 8 months from now :lol:
Even if Shabaab are gone, this state will never emerge, all the sides against Shabaab will turn the guns on each other.

Madoobe's group, Hiiraale's grop and all the other clan malitia's will start fighting each other, that I know of