Waxqabadka ONLF(JWXO) 1994-2010(Paper)

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Waxqabadka ONLF(JWXO) 1994-2010(Paper)

Post by hanqadh »


Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo waxyaalihii ay qabatay intii u dhaxaysay 1994-2010.

Image

Waxaa qoray :Abuu Axmad oo ah
Cilmi baadhe ku xeel dheer arimaha dhaqdhaqaaqyada gobanimadoonka ah.
Waxaa faafiyay http://www.ogadennet.com/arabic
Waxaa Turjumay Birmad.


Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya waxay ku guulaysatay inay qabato arimo fara badan, oo waawayn kuwaas oonan wada sheegikarin dhamaantood hada, laakiin waxaan sheegi waxyaabaha JWXO u qabsoomay badhkood intii u dhexaysay labadaas xili si gaaban,sawirkooban.

Macnaha waxaan sheegayaa qaarkamid ah cinwaanada wax qabadkii jabhadda anigoon hoos udhexgalin tafaasiishooda waana sidan soo socota.

1.Ugu horayn JWXO waxay ku guulaysatay laga soo bilaabo markay dagaalka hubaysan ku qaaday gumaysiga Itoobiyaanka ah 20.4.1994 inay fikirkeeda ku fidiso shacabka Ogaadeenya qaab ay kusoo jiidatay ita badan dhalinyarada odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee shacabka, waxayna ka dhigtay badi dadka Ogaadeenya kuwo taageersan oo lamidaysan Jabhada.

Waxay JWXO ku guulaysatay qabashada shirwaynihii shacabka oo ka dhacay wadanka gudihiisa bishii September 1998, kaas oo lagu doortay Admiral Maxamad Cumar Cismaan Gudoomiyaha hada jira ee JWXO, halka uu gumaysigu kaga guuldaraystay kasbashada shacabka Ogaadeeniya wax yar oo gumaysiga dabadhilif u ah mooyee wuxuu gumaysigu kuwaas dabadhilifka ah ku abaalmariyaa markuu danihiisa ka dhamaysto xadhig ama dil.

2.JWXO waxay ku guulaysatay meelmarinta mabda`a wadanoolaanshaha, iskaalmaynta iyo walaalnimada dadka wadanka u dhashay ee midka ah kuwaas oo uunan kala gayn hayn waxaan gumaysiga ka ahayn iyo woxoogaa casabiyad ihi waxayna JWXO ku kulmisay hal calan hoostii waxayna u sheegtay in cadowgooda hore iyo kooda dambaba uu yahay uun gumaysiga madoow ee xabashida ah, kaas oo uga yimid waqooyiga sare.

Waxay JWXO u samaysay Maxkamado shacbi ah gudaha wadanka si ay u dhameeyaan wixii muran ah qaab cadaalad ah oo hufan oo goobta ku munaasab ah oo dhamaantood raaligalinaysa. waxay JWXO noqotay marjica aasaasiga ah ee ay shacabku u laabtaan dhinacwalba.

3.Waxay JWXO awood u heshay horumarinta awoodeeda Ciidan iyadooy u suurtagashay jabinta Ciidanka Itoobiya iyo inay gaadhsiiso khasaare ballaadhan, kaas oo isugu jira midnafeed, mid maadi ah ama macnawi halka uu gumaysigii Itoobiyaanka ahaa miciinbiday kadib markii khasaare xun lagu gaadhsiiyay goobihii dagaalka qasbitaanka dadka muwaadiniinta ah si ay dagaal ugala hortagaanJWXO, isagoon hub iyo taba bar midna ku xoojinin isagoo uga dan leh inay dadka Biri-magaydada ihi gaashaan u noqdaan Ciidankiisa iyo inay waxa ku dhimanhaya labada dhinacba ay noqdaan shacabka Ogaadeenya laakiin dantuu kalahaa mayna usuurta galin siduu doonayya.

4.Waxay JWXO ku guulaysatay inay qadiyadda Ogaadeenya kadhigto Qadiyad iskeed u madaxbanaan iyo inay ka saarto ku hoos jirkii ay ku hoos jirtay xukuumadii Soomaaliya siduu xaalku ahaa Jabhadii tan ka horaysay ee ahayd WSLF.waxayna ku qanacday JWXO in xuquuqda iyo xoriyada ladhacay ee shacabka Ogaadeenya aan lagu soo celin karin wado aan ahayn inay shacabka Ogaadeenya iyagu soo ceshedaan mooyeen.

Waxay JWXO ku boorisay shacabka Ogaadeeniya inay iyagu isku tiiirsadaan ooyna sugin dadkale, JWXO waxay qaadatay magaca Ogaadeenya asalnimadiisa iyo taariikhnimadiisa kaas oo uu caalamkuna u yaqaano wuxuuna cabirayaa cuskashada uu shacabka Ogaadeenya cuskado naftiisa, waxay JWXO ka tagtay magicii Soomaali Galbeed kaas oo moodsiin jiray inay Ogaadeenya tahay goob ay ku muransanyihiin dowladihii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna ahaa mid luminaya qadiyada shacabka Ogaadeenya gabi ahaanba.

5.Waxay JWXO kuliibaantay dhisida iyo samaynta Jaaliyado badan oo wadanka dibadiisa ah halka ay Jaaliyadahani u ordayaan siday saamayn ugu yeelan lahaayeen wadamada ay lanoolyihiin waxayna muujiyeen inay qadiyada shacabka Ogaadeenya tahay qadiyad shacab dulman ooy gumaysato xukuumada Itoobiya, waxayna hadh iyo habeenba dalbanayaan in shacabka Ogaadeenya lasiiyo xuquuqdiisa iyo xoriyadiisa laga hoos bixiyay si uu ugu noolaado dhulkiisa iyo ciidiisa korkeeda isagoo sharfan oo karaamaysan sida shucuubta kale ee caalamka.

Waxay Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibadu u istaageen taageerida Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya, sidoo kale waxay caawiyaan walaalahooda ku dhibaataysan gudaha waxay Jaaliyaduhu abuureen ururo dhalinyaro iyo Ha`y`ado xuquuqul insaan, waxayna u qumeen Jaaliyadahan,ururadan dhalinyaro iyo hay`adahan xuquuqul insaan oo garabsanaya JWXO inay qadiyada Ogaadeenya ka sharxaan ooy ka cadeeyaan qadiyada Maxfalada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba.waxayna awood u heleen inay u cadeeyaan toosnaanta qadiyada Ogaadeenya aragtida guud ee caalamka, waxayna u istaageen diyaarinta socdaalo iyo Mudaaharaadyo badan ooy ka hor qabtaan Maxafisha dowliga ah.

6.Waxay sidoo kale JWXO ku guulaysatay inay samayso Idaacado iyo shabakado Warfaafineed oo ku wajahan Ogaadeenya,waxayna fidiyaan wararka shacabka Ogaadeenya ee dhibaatadiisa la hilmaamay,dilka,barakicinta,xidhayga iyo dhamaan jariimooyinka uu gumaysiga Itoobiyaanka ihi ka gaysanayo Dhulka Ogaadeeniya.

7. Waxaa kalooy JWXO ku guulaysatay habaynta,midaynta iyo ilaalinta dadka qaxootiga ah, sida ay JWXO ku caawisay isu soo dumitaanka badhkood kuwa kale usoo duntay iyo isku duwidooda iyo dhowristooda siday ugu qaylisay Mujtamaca dowliga ah iyo Hay`adaha gargaarka u kaalmaynta qaxootigaas dhibaataysan ee dibada jooga iyo kuwa gudaha ku barakacayba,sidoo kale waxay ugu baaqday Mujtamaca dowliga ah iyo Hay`adaha xuquuqulinsaanka inay cadaadis ku saaraan xukuumada dabargoynta ee katalisa Itoobiya inay joojiso jariimooyinka ay ka galayso shacabka Biri-magaydada ah.

8.Waxay JWXO awood u yeelatay joojinta iyo fashilinta khayraadka Ogaadeenya sida Macdanta kala duwan,Baadroolka iyo Gaaska halka ay Ioobiya iyo shirkado badan oo kale ay isku dayeen soo saarida Baadroolka iyo Gaaska ka buuxa dhulka Ogaadeenya iyago dhamaan isku day yadaasi ku dhamaaday fashil taasina waxay ku timid quwada iyo go`aanka shacabka Ogaadeenya iyo gacan ku haynta iyo Maamul wanaaga JWXO ka gadaal idamka Eebbe SW. taasina waa arin cad oon sharaxaad dheeraad ah u baahnayn.

9.Waxaa usuurtagshay JWXO masixida iyo burburinta sumcada xukuumada Itoobiya ee diktaatooriyada ah ee markii hore bilowgii isutusisay caalamka inay tahay xukuumad dimoqraadiyad ah iyadoo ku dhawaaqaysay inay xaqdhowrayso shucuubta dagta khariirada waxa loogu yeedho Itoobiya iyo khariiradeeda moodsiiska ah shucuubtaas oo shacabka Ogaadeenya uu ka mid ahaa markii ay Itoobiya khayaantay shacabka Ogaadeenya iyo shucuubta kalaba,waxayna kula kacday wax markii dambe sababay fadeexad wayn oo Itoobiya ka soo gaadhay maxfalada dowliga ah.

Waxay sidoo kale JWXO ku guulaysatay fashilinta dabadhiliftii Itoobiya ee ay u soo dirtay Jaaliyadaha iyo wadamada reer Galbeedka ah si ay u soo wanaajiyaan sumcada gumaysiga Itooobiyaanka ah iyo inay soo abuuraan Jaaliyado u hogaansan xukuumada Itoobiya, isagoo la noqday wafdigaas daba dhilifka ihi waji gabax ayna filan haynin waxayna ahaayeen kuwa hoogay oo khasaaray oo wajiyo madoow.

10.Waxay JWXO baraarujisay shucuubta ku hoos dulman gumaysiga tirada yar ee Tigreega si ay isaga kor qaadaan amar ku taaglaynta iyo iskibrinta ay ku hayso kooxdani shucuuubta kale iyo inay soo ceshedaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda iyagoo ku dayanhaya shacabka Ogaadeenya ee muddo qarni ka badan iska caabinta kujira.

Dadaaladan lasameeyay dartood maanta shucuubtii oo dhan waxay kuwada jiraan iska caabin iyo halgan ka dhan aha dabargoynta aan loo kala soocaynin shucuuubta,khayradkooda oo la boobo, hogaamyayaashoodoo la laayo si hoose,haweenkoda oo la kufsado iyo caruurtooda iyo waliba kala eriiga dadka si ay u sii haystaan saldanada.

Sidaas darteed waxaan maanta aragnaa shucuubtii oo dhamaan oo u doodaysa xuquuqdooda, cadaynahaya diidmadooda iyo inkiraadooda ay diidayaan nidaamka ka arimiya Itoobiya dibad iyo gudaba.

Waxaa qoray :Abuu Axmad
Cilmi baadhe ku xeel dheer arimaha dhaqdhaqaaqyada gobanimadoonimada.
Waxaa Turjumay Birmad.
Waxaa faafiyay http://www.ogadennet.com/arabic.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”