Gen.Khaarajiye Oo BBC-da Ka Sheegay In Uu Iscasilay.
Written by Jidbaale.com
Friday, 02 April 2010 07:07
Kanbaala(Jidbaale.com):-Gen. Siciid Cali Saalax(Khaarajiye) ayaa ka sheegay idaacadda BBCda in uu iska casilay xilkii uu ka hayey arrimaha SSC , khaarajiye ayaa ku macneeyey arrimaha uu isu casilay kuwo u gaar ah, isaga oo sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii loo raadin lahaa danaha SSC.
Kharaajiye ayaa waxa uu sheegay in uu xilligan ku hawlan yahay sidii loo samayn lahaa urur la mid ah sida kuwa ka jira maamulka Hargeysa, oo ku hadla magac ummadda deegaankaas ka soo jeeda, wuxuuna intaasi ku daray in uusan la socodsiin iscasilaadiisa hogaanka , ee uu hadda warbaahinta ka sheegayo.
Gen. Khaarajiye ayaa loo magacaabay waaxda difaaca ee SSC shirkii Nairobi ka dib wuxuuna intii danbe ku noolaa magaalada Kanbaala ee wadanka Ugandha, dadka xaaladda SSC aad ula socda ayaa u arka in Khaarajiyo oo aan magacaabistiisa laga siideyn warbaahinta Caalamiga, hadana Iscasilaadiisa oo laga sii daayo BBCda ay yeelan karto dareen, iyada oo cadaadis xoogweyn muddooyinkii ugu danbeeyey ku socdeen, dhinaca kale waxaa iyana muuqata karti daro hogaanka lagu soo dhisay Nairobi oo ku guuldaraystay in uu gudaha u gudbo, arrimahaas oo dhan ayaa ku yeelan kara raad Iscasilaada Gen. Khaarajiye.
Isku Soo duuboo iscasilaada Kharaajiye waxay ku soo began tay xilli ay socdaan dadaalo lagu doonayey in lagu unko ciidan bud dhige u noqon kara hawlaha dib u sifaynta, iyada oo Iscasilaada Kharaajiye arrimahan ku noqon karto Caqab ku soo koradhay kuwii hore u jiray, iyada oo ay intaasi sii dheertay niyad sami lagu qabay Kharaajiye oo gilgilasho ku dhacday.
Halkan Ka Dhagayso
Jidbaale.com
Jidbaale.com@gmail.com
Gen khaarijiye Resigned
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 34 Replies
- 2731 Views
-
Last post by saacJabshee
-
- 32 Replies
- 3980 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 324 Views
-
Last post by sahal80
-
- 10 Replies
- 1003 Views
-
Last post by Voltage
-
- 3 Replies
- 507 Views
-
Last post by Perfect_Order
-
- 6 Replies
- 645 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 14 Replies
- 1398 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 14 Replies
- 1104 Views
-
Last post by Casanova25
-
- 2 Replies
- 322 Views
-
Last post by Daanyeer